Narendra Modi, muxuu ka yiri dagalkii Shiinaha iyo Hindiya dhexmaray?

Tabinta Tooska ah...

Tebin toos ah

  1. Kenya iyo Jabuuti oo maanta isku wajahaya cod ka dhacaya Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Dalalka xubnaha ka ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta cod u qaadi doona Kenya iyo Djibouti kii hanan lahaa matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay,

    Labada dal ayaa tartan ugu jiray beryahaan ba hanashada kursigan aan joogtada ahayn ee muddadiisa ay tahay labada sano.

    Waxaa la filayaa in ay natiijada codayntaasi soo bixi doonto saddexda galabnimo wakhtiga New York oo noqonaysa tobanka habeenimo ee Afrikada Bari.

    Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta ayaa labaduba fariimo beer laxawsi ah oo kama dambays ah u diray shirkaas.

  2. Maxay muhiim u tahay in ay mar kale Somaliland la midoowdo Soomaaliya?, waxaa aragtidiisa sharaxaya Cabdullaahi Xaaji Siciid oo ah Afhayeenka, ahna xoghayaha guud ee dhaqdhaqaaqa Mar Kale Midnimo.

  3. Narendra Modi, muxuu ka yiri dagalkii Shiinaha iyo Hindiya dhexmaray?

    .

    Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ay ku dhimatay. Iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan.

    Khubadda ra’iisal wasaaraha oo si toos ah telefishinada looga daawanaayay ayuu Narendra Modi ka digay in dhimashada askartiisa “aysan sidaas uga haraynin.”

    Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.

    Milateriga Hindiya ayaa markii hore shaaciyay in saddex askari ay dhankooda uga dhinteen dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha.

    Balse gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geeriyoodeen.

    Wasaaradda arimaha dibedda ee Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan.

    Beijing ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedeysay inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhanka Shiinaha.

    Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegay in ciidamada Hindiya ay Isniintii laba goor kasoo tallaabeen xuduudda, "iyagoo daandaansaday, weerarna la beegsaday ciidamada Shiinaha, taasoo keentay in gacmaha la isula tago," sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

  4. Shiinaha iyo Hindiya oo midba kan kale ku eedeeyay dagaal dhexmaray

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Shiinaha iyo Hindiya ayaa midba kan kale ku eedeeyay dagaal dhexmaray ciidamada labada dal ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan.

    Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.

    Milateriga Hindiya ayaa markii hore shaaciyay in saddex askari ay dhankooda uga dhinteen dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha.

    Balse gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geeriyoodeen.

    Wasaaradda arimaha dibedda ee Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan.

    Beijing ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedeysay inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhanka Shiinaha.

    Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegay in ciidamada Hindiya ay Isniintii laba goor kasoo tallaabeen xuduudda, "iyagoo daandaansaday, weerarna la beegsaday ciidamada Shiinaha, taasoo keentay in gacmaha la isula tago," sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

  5. Barnaamij ku saabsan saamaynta Korona uu ku yeeshay Fanka Soomaalida

  6. WHO oo soo dhawaysay natiijada dawo dili karta Covid-19

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa soo dhawaysay natiijada tijaabooyinka hor dhaca ah ee dawada dexamethasone.

    Bukaanada laga quustay ee ku neefsanaya qalabka loo yaqaanno ventilators-ka ayaa la sheegay inay dhimashadooda hoos u dhacday, sidoo kale bukaanada u baahnaa Oxygen-ka ayaa tiradooda hoos u dhacday kaddib markii dawadan lagu tijaabiyay.

    Cilmi-baareyaasha ayaa sheegay in haddii dawadan la isticmaali lahaa markii ugu horreysay ee uu fayraska gaaray UK ay badbaadin kari lahayd nolosha dad gaaraya 5,000 oo hadda geeriyooday.

    Dalalka saboolka ah ee dunida, oo cudurka Covid-19 uu aad u saameeyay ayey faa'iidada ugu weyn u noqon doontaa, maadaama uu kharashkeedu aad u yaryahay.

    Qiyaastii 19 ka mid ah 20-kii bukaan ee uu ku dhaco fayraska corona waxay ka caafimaadaan iyagoo aan isbitaal la dhigin.

    Xitaa kuwa isbitaalka la dhigo badankood way kasoo kabsadaan cudurka, balse qaarkood ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in lagu xiro qalab neefsashada ka caawiya.

    Kuwaas ayaa ah bukaannada halista weyn ugu jira inay u geeriyoodaan cudurka.

    Waxaase la aaminsan yahay inay si fiican u caawin karto dawada dexamethasone.