Heshiiska doorashada: Muranka kuraasta "Somaliland" oo weli aan xal laga gaarin

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Xigashada Sawirka, ,

Qoraalka sawirka, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Xilli lagu wado in saacadaha soo socda xerada Afisyooni lagu saxiixo heshiiska doorashada Soomaaliya, ayaa wararka aan ka helayno Muqdisho waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, uu ka caga-jiidayo ka qeybgalka munaasabadda xiritaanka shirka.

Siyaasiyiin ku dhaw gudoomiyaha ayaa BBC u sheegay in ay weli ay taagan yihiin qodobadii la isku hayay ee arrinta kuraasta xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland.

"Waxaan ku suganahay guriga gudoomiye Cabdi Xaashi, waxaana ka war-sugeynaa xubno uu kamid yahay madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud oo arrinta galay," ayuu yiri siyaasiga oo la hadlay BBC-da.

Warqad xalay ka soo baxday siyaasiyiinta taabacsan gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in aanay qeyb ka ahayn go'aannada shirka laga soo saarayo haddii uu ku dhammaado iyadoo aan gudoomiye Cabdi Xaashi laga talo-gelin go'aanka kuraasta Somaliland.

Warqadda Siyaasiyiinta Somaliland

Xigashada Sawirka, Facebook

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa kamid ah dadka maanta lagu waday in ay khudbad ka jeediyaan xafladda xiritaanka shirka iyo saxiixa heshiiska.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Isniintii shaaciyay in "kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka uu la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi".

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku doodaya in uu yahay mas'uulka ugu sarreeya ee siyaasiyiinta Somaliland ku metala dowladda Federaalka, waxaana uu doonayaa in uu wax ku yeesho go'aannada khuseeya qaabka loo maamulayo kuraasta gobollada waqooyi.

Ilo xog ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay in arrinta ugu weyn ay tahay sida ay dhinacyada u qeybsanayaan xubnaha guddiyada maamuli doona doorashada kuraasta xildhibaannada gobollada waqooyi.

Gudoomiye Cabdi Xashi iyo Ra'iisal wasaare Rooble

Xigashada Sawirka, OPM

Qoraalka sawirka, Gudoomiye Cabdi Xashi iyo Ra'iisal wasaare Rooble

Arrinta kuraasta xildhibaannada waqooyi ayaa kamid ahayd qodobada ugu adkaa ee la isku mari waayay shirarkii looga arrinsanayay doorashada Soomaaliya, waxaana la filayay in dhinacyada isku haya ay heshiis ka gaaraan ka hor inta aan la soo gebagabeyn kulanka ra'iisal wasaare Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada Afisyooni uga socday muddada shanta maalin ah.

Lama hubo in xafladda maanta dib loo dhigi doono si loo qanciyo siyaasiyiinta isku haya kuraasta doorashada xildhibaannada Somaliland.