Militariga Nigeria ma afgambi ayay la damcsan yihiin Muhammadu Buhari?

.

Xigashada Sawirka, Muhammadu Buhari

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isasoo tarayay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in saraakiil ka tirsan militariga dalka Nigeria ay ku howlan yihiin sidii ay u afgambin lahaayeen madaxweyne Muhammadu Buhari, arrintaas ayaana abuurtay cabsi xoog leh.

Hase yeeshee mas'uuliyiinta militariga ayaa Talaadadii sheegay in aysan waxba ka jirin sheegashada la xiriirta inay maamulka la wareegayaaan xilli ay sii xoogeysanayaan dhibaatooyinka amni darrada.

Bayaan ay soo saareen ayay digniin ugu direen dadka qorsheynaya afgambiga, waxayna taageero u muujiyeen madaxweyne Muhammadu Buhari.

"Taliska sare ee Militariga wuxuu fursaddan uga faa'iideysanayaa inuu digniin u diro siyaasiyiinta la marin habaabiyay ee hamiga ka qaba in ay waddanka maamulaan iyagoo aan la dooranin, waxaana ku boorrineynaa in ay iska iloobaan rabitaankaas maadaama hoggaanka militariga ee hadda jooga ay diyaar u yihiin difaacidda dimuqraaddiyadda iyo horumarka Nigeria," ayaa lagu yidhi war saxaafadeed uu ku saxiixnaa afhayeenkooda oo lagu magacaabo Onyema Nwachukwu.

Madaxweynaha Nigeria Mahammadu Buhari

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Nigeria Mahammadu Buhari

Wuxuu afhayeenku ka jawaabayay hadal uu Axaddii telefishinka ka jeediyay garyaqaan sare oo la yiraahdo Robert Clarke, kaasoo sheegay in Nigeria ay "qarka u saarantahay inay burburto", isagoo soo jeediyay in militarigu ay la wareegaan maamulka dowladda.

Janaraal Nwachukwu ayaa ka digay in ficil noocaasoo kale ah uu kasoo hor jeedo sharciga, isagoo sheegay in ay tahay tallaabo "khiyaano qaran ah in xitaa lasoo hadal qaado ficilkaas sharci darrada ah". "Si buuxda ayaa sharciga loola tiigsan doonaa qof walba oo lagu helo inuu gacan saar la leeyahay dadka fikirkaas qaba," ayuu yidhi.

Shakhsiyaad kale oo caan ka ah dalkaas, oo uu ku jiro Wole Soyinka oo heysta abaalmarinta Nobel ayaa soo jeediyay in madaxweyne Buhari uu ugu yaraan caawinaad dibadda ah dalbado.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, waddanka Nigeria ayaa la daalaa dhacayay mushkilado dhinaca amniga ah, oo ay ka mid tahay afduubashada ardayda iyo dagaallada u dhaxeeya beeraleyda iyo xoolaleyda.

.

Xigashada Sawirka, Muhammadu Buhari

Nigeria oo ah waddanka ugu shacabka badan qaaradda Afrika ayaa sidoo kale dagaal kula jirta kooxaha argagixisada oo awood ku leh dhinaca waqooyiga-bari ee dalkaas.

Weerarrada ay fuliyaan kooxahaas ayay inta badan ku bartilmaameedsadaan qeybaha waqooyiga-galbeed iyo koonfur-bari ee dalkaas.

Isbuucii lasoo dhaafay, Baarlamaanka Nigeria ayaa madaxweynaha kula taliyay inuu ku dhawaaqo xaalad deg deg ah.

Siyaasiyiin badan iyo qaar ka mid ah dadka u ololeeya nabadda ayaa madaxweyne Buhari ugu baaqay inuu xilka iska casilo, iyagoo sheegay inuu tabar u waayay xal u helidda caqabadda taagan. Laakiin militariga ayaa sheegay inay garab taagan yihiin madaxweynaha, waxayna meesha ka saareen inuu afgambi dhici doono.