COVID-19 Ramadaanka oo bilowday sanadkii labaad oo dunida coronavirus

Malaayiin Muslimiin ah ayaa u gudo galay bisha soon waxayna ku soo dhaweeyaan Soon iyo Salaadd iyo cibaadooyin kale.

Dunida Muslimka ayaa laga Soomayaa iyadoo sannadkii labaad uu caalamka ka jiro fayaraska karoona oo xanibay waxyaabo badan oo ay ahayd in ay sameeyaan dadka Sooman ee Muslimiinta ah ee la xiriira cibaadada bishaan lagu wajaho.

Soonku waa cibbaado bulshada Muslimiinta ah u horseeda degganaansho iyo Alle u dhawaansho sidoo kale dadka waxay dareemaan caafimaad maadama uu qofku Soomanyahay maalintii oo dhan.

Sawiradaan ayaa ah kuwo muujinaya sida ay Muslimiinta dunidu u soomayaa bishaan Ramadaan ee bilowga ah.

Bishaan barakeysan ee Ramadaan waa bil khayr badan oo ay is caawiyaan dadka Muslimiinta ah. Dadka dhaqaalaha haysta waxay bixiyaan sadaqo badan oo ay siiyaan dadka masaakiinta ah ee aan wax haysanin.

Soonku waa tiirka afraad, ee shanta tiir ee islaamka, waana waajib saaran qof kasta oo Muslim ah oo qaan gaar ah ee caafimaad ahaan awooda inuu soomo.

Qofka wuxuu ka soomayaa cuntada, cabitaanka iyo galmada iyo wax kasta oo soonka buriya, laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaraayo qoraxda marka ay dhacdo.

Maadaama ay kala duwanyihiin wakhtiyada qaaradaha, bulsho walba Soonku wuxuu u bilowdaa wakhti, sidaas si la mid ahna waxaa la afuraa wakhtiyo kala duwan.

Waxaa dhaqan u ah bulshada Muslimiinta ah, marka la gaaro bishaan Soon, in dadka ay wadaagaan cuntooyinka oo qoysaska ay afur u sameeyaan dad badan, kuwaas oo hal meel cuntada kuwada cuna.

Balse hadda arrintaasi way adagtahay sababtoo ah waxaa jira xayiraadaha fayraska karoona oo aan saamaxeynin in dad badan hal meel la isugu keeno.

Dalka Imaaraadka wuxuu dadka ugu baaqay in ay kala fogaadaan isla markaana aaney isku imaan oo aaney wadaagin cuntooyinka, si looga dheeraado faafitaanka cudurka karona.

Dalka Bangladesh, dowladda ayaa ku dhawaaqday in hal toddobaad ay soo rogtay xayiraado adag oo si rasmi ah u dhaqangalay shalay, 14-kii April.

Dhammaan sawirradan waxay leeyihiin xuquuq lahaansho.