Maxay u adag tahay in IS looga adkaado Mozambique

A message asking for help can be seen in the grounds of a hotel in Palma, where many locals and foreigners hid during the attack, in Mozambique, in this picture taken between March 24 and March 27, 2021, and obtained by Reuters on March 30, 2021.

Xigashada Sawirka, Dyck Advisory Group/Handout via REUTERS

Qoraalka sawirka, A message asking for help was seen on the grounds of a hotel in the town of Palma

Duulaan dhiig ku daatay oo dhawaan ay ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda IS waqooyiga Mozambique ayaa ka nixiyay aduunka.Boqolaal dagaalyahanno ah oo hubeysan ayaa awood u yeeshay inay buux dhaafiyaan magaalo u dhow mashruuca gaaska ugu weyn Afrika. Waxayna xasuuqeen tobnaan dad ah, waxaana lagu arkay aagga weerarku ka dhacay meydad madaxa ka go'an oo daadsan hareeraha wadooyinka.

Maxaa dhici kara ?

Ururka IS ee dalka Mozambique ayaa u muuqda inay hadafkoodu yahay inay abuuraan ismaamul u gaar ah oo ay ku dhawaaqeen kaas oo ka hir gala gobolka Cabo Delgado, sida IS ay uga sameysay maamul gooni u ah magaalada Mosul ee dalka sanadkii 2014-kii.

Haddii hadafkaasi u hirgalo waxaa suurta gal ah inay ku guulaystaan inay gacanta ku dhigaan 60 bilyan oo doolar ah mashruuc gaas ee gobalka Cabo Delgado.

Dad ku sugan dekadda Pemba

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dad ku sugan dekadda Pemba

Inkasta oo ay adag tahay inay awood u yeshaan inay soo saaraan shidaal ugana dhoofiyaan, haddana waxay siin kartaa awood dhaqaale oo aad u ballaaran iyo maalgelinta hawlgallada mustaqbalka iyadoo laga yaabo xitaa inay lacag dib ugu celiyaan IS ku sugan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Burburintii Daacish ee dalka Suuriya kadib hoggaamiyasha dunida waxay ku baaqeen in IS mar dambe aan loo oggalaan inay sameystaan khilaafo kuwii la burburiyay la mid ah iyagoo arrintaas isku raacay isla markaana balan qaaday inay ka dhabeynayaan ballanqaadkoodaas, haddiise hadda aan laga adkaan IS Mozambique waxaa sua'aal ka imaanaysaa ballan qaadkii hoggaamiyaasha caalamka ee ahaa in aan khilaafo ama maamul isku xiran oo awood leh ay sameysato kooxda IS.

Wakhti intee la eg ayay qaadan doontaan in laga adkaado?

Markay garaawsatay inay haysato dhibaato culus, dawladda Mozambique waxay shaqaalaysiisay in kabadan 200 oo ah la taliyeyaal milatari kuwa la shaqeeya militariga oo gaar ah kana soo jeeda dalka Ruushka..

Ciidamadii hore ee Ruushka waxay ku shaqeynayeen oggolaansho ay ka haysteen aqalka looga taliyo dalkaas Ruushka ee Kremlin-ka iyagoo sidoo kale ka howlgalayay Suuriya, Liibiya iyo meelo kale. Waxayna adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse sida uu tilmaamay nin lagu magacaabo Olivier Guitta arrimuhu ma noqon sidii ay filayeen.

Map
line

"Ka dib markii ay la kulmeen weeraro gaadmo ah oo is xigxigay iyo dagaalo dhowr ah oo ka dhacay degmooyin kaymo badan leh oo kuyaala Cabo Delgado, dadna ku dhinteen qandaraaslayaasha militariga ee gaarka ah ee ka yimid Ruushka waxaa ay sameyeen istiraatiijiyad dib u gurasho ah".

Dhibaatada ugu weyn ee jirta ah ayaa ah awood yarida ciidammada Mozambique waxaana laga yaabaa in hoggaamiyaasha siyaasaddu ayba ku qanacsan yihiin tallaabooyinka ay ciidammada qaadaan marka ay timaadu iska caabinta kooxda IS.

Brigadier Ben Barry oo ka tirsan Machadka Caalamiga ee Daraasaadka Istiraatiijiyadda (IISS) ayaa sheegay in mintidiinta IS ay leeyihiin awood la xaqiijiyey oo ku aaddan la dagaallanka meelaha dhismooyinku ka socdaan taas oo culeys ku ah dowladda Mozambique iyo kuwa tagaeera.

"Guul laga gaaro dagaalka magaalooyinka wuxuu u baahan yahay xoogagga dowladda inay yeeshaan heerar hoggaamineed oo sare iyo tababar ku saabsan xeeladaha magaalooyinka. Baahidaas la qabo ayaana muujinaysa daciifnimada muuqata ee xoogagga Mozambique. Waxay u muuqdaan kuwo aan haysan taageerada lataliyayaasha militariga reer galbeedka iyo awoodda ay u leeyihiin inay adeegsadaan awoodda dhanka cirka ah , sax ahaanta hubka iyo gawaarida gaashaaman, dhammaantood waxay muhiim u yihiin in xoogagga IS laga saaro magaalooyinka Ciraaq iyo Suuriya.

Dadku waxaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda, qaar badan oo ka mid ahna la burburiyey, muddadii saddexda sano ee kacdoonka ka socdey waqooyiga Mozambique

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dadka waxaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda, qaar badan oo ka mid ahna waa la burburiyey, muddadii saddexda sano ahayd ee kacdoonku ka socdey waqooyiga Mozambique

Maalmihii la soo dhaafay aqaka gaashandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa u soo diray koox yar oo ka mid ah tababarayaasha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee la yiraahdo Green Beret si ay u xoojiyaan dadaalada militariga Mozambique iyo Burtuqiiska, oo horey u guamysatay Mozambique , ayaa sidoo kale balan qaaday tiro yar oo tababarayaal ciidan ah. Faransiiska ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo xaaladda ka jirta jasiiradda u dhow ee Mayotte iyo Koonfur Afrika oo danaynaysa deriskeeda. Si kastaba ha noqotee, ku lug lahaansho kasta oo milatari oo ay yeeshaan quwadaha reer galbeedka waxay leeyihiin halisteeda.

"Sida aan ku aragnay meelo kale oo ka mid ah waqooyiga-galbeed ee Afrika, joogitaanka militariga ajaanibta ah ayaa laga yaabaa inay sii xumeyso khilaafka siyaasadeed iyo xasillooni-darrada""ayuu yiri Benjamin Petrini, oo ah cilmi-baare ka tirsan IISS". Laakin wuxuu intaa ku daray in doorka Koofur Africa ee militariga gaarka ah isla markaana ah qandaraaslayaal ay dhawaan ka badbaadiyeen shaqaale weerar dhacay.

Xeeladaha IS caadi ahaan waa kuwo naxariis daran oo laga naxo. Al-Qaacidada Ciraaq waxay sameysay qalad ah inay argagax geliso dadka Muslimiinta Sunniga ah ee ku nool gobolka Anbar sanadku markuu ahaa 2007 - sida inay faraha ka gooyaan ragga iyo inay dembi ka dhigaan sigaar cabista iyo waxyaabo kale. Dowladda Mozambique waxaa loo baahanyahay in ay qaaddo tallaabo wax ku ool ah oo dadka deegaanka waxtar u leh.

Aagga maleeshiyaadka
Qoraalka sawirka, Maleeshiyada ayaa maalmo kula dagaalamayay ciidanka Mozambique agagaarka Palma

Afgaanistaan waxaan ku arkay sida guulaha xeeladeysan ee milatari ee ay Nato iyo ciidamada dawlada Afgaanistaan uga gaareen Taalibaan aagaggii "laga xoreeyay" xukunkii Taliban ayaa markii dambe dib ugu soo laabteen iyagoo leh awood markii ay ciidamadu baxeen. Isla sidaas oo kale ayaa ka dhici doonta Mozambique haddii dadaalka milateri ee soo socda aan lagu taageerin horumar muuqda oo laga gaaro arrimaha madaniga ah.

Maxay yihiin IS Mozambique?

Waxay isugu yeeraan Al-Shabab, balse la mid maaha Al-shabaabka ka jira Soomaaliya oo ay isku magac yihiin . Taabadalkeeda, kooxdani waxay ballan-qaadeen inay daacad u yihiin 2019-kii kooxda IS, ee fadhigoodu yahay Ciraaq iyo Suuriya. Waxayna qaateen magaca ah IS-ta Gobolka Bartamaha Afrika (ISCAP), oo ah marin habaabin maaddaama Mozambique aysan ka mid ahayn Bartamaha Afrika.

Sababaha ay meelo badan oo dunida ka mid ah ay ugu jiraan kacdoonnada gudaha sida Mali, Ciraaq iyo Nigeria, ayaa ah cabashooyinka yimid dadka maxalliga ah ee dareemay in la takooray oo dowladdu ay hilmaantay.

Iyagoo si isku mid ah u labisan isla markaana u xiran dhar isku eg ayay kooxda IS dhawaan buux dhaafiyeen magaalada Palma waxay si aad ah ugu hubeysnaayeen qoryaha fudfudud iyo bambooyin, taas oo dadka argagax galisay . Waxaana ay halkaa ka bilaabeen weeraro wajiyo badan oo keenay in ay si dhaqso ah uga adkaadaan ciidammada tabarta daran ee dowladda Mozambique.

Hooyo ka mid ah dadka aagga dhawaan weerarku ka dhacay

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Hooyo ka mid ah dadka aagga dhawaan weerarku ka dhacay