Coronavirus: Maxay ragga u yihiin kuwa ugu badan ee u dhinta fayraska Covid-19?

Xigashada Sawirka, EPA
20-kii January 2020, xilli wax yar laga ogaa xanuunkan ku dhaca neefmareenka ee ka dillaacay Wuhan, Shiinaha, khabiir ku takhasusay hidda-sidayaasha oo lagu magacaabo Sharon Moalem ayaa barta Twitter-ka ku saadaaliyay waxa imaan kara.
"Maxay tahay sababta ay niman badan ugu dhiman doonaan cudurkan cusub ee sambabbada ku dhaca ee Wuhan (WARS)?" ayuu ku soo qoray bartiisa Dr Moalem, oo ah 43 jir Canada u dhashay kuna nool magaalada New York oo muddo labaatan sano ah baaritaan ku sameynayay xaaladaha naadirka ah ee saameeya hidda-sidayaasha.
Maladiisa way saxsaneyd.
Sida laga soo xigtay Global Health 50/50 database, ragga ayaa aad ugu dhimanaya cudurka Covid-19 in ka badan haweenka, inta badan dalalka laga sameeyay xog ururinta.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
30-kii November, ragga ayaa in ka badan saddex meel ka ahaa tirada ku dhimatay dalalka Yemen, Bangladesh, Thailand, Malawi iyo Nigeria, ku dhowaad intaas oo kale ayaana ku dhimatay Afghanistan iyo Pakistan.
Dalalka Turkiga, Serbia, Kyrgyzstan iyo Hong Kong, waxay ragga u dhintay xanuunka ka badan yihiin 62%.
Dalalka kale ee laga soo sheegay dhimashada ugu badan ee Covid guud ahaan, tirada ragga u dhintay waxay gaarayaan 64% gudaha Hindiya iyo Mexico, 58% gudaha Brazil iyo 54% oo Mareykanka ah.
Xogta ayaa si kastaba lagu sheegay in infekshanka xanuunkan ay u siman yihiin lab iyo dhedig.
Sidaas darteed maxay raggu u yihiin kuwa ugu badan ee uu saameeyay Covid-19 - maxaase ka dhigaya haweenka kuwa ugu dhow ee ka badbaada?
Iska caabbin xooggan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Badbaadada ku dhisan jinsiyadda xilli hore ayay soo bilaabataa.
Guud ahaan dunida, 105 nin ayaa dhasha marka ay dhashaan 100 haween ah. Haweenka, si kastaba, ayaa u dhow inay gaaraan sanad-guurada ugu horreysa ee dhalashadooda.
Marka ay noqdaan dhalinyaro, haweenka ayaa ka bata ragga.
Dal walba, haweenka ayaa sidoo kale ka cimri dheer ragga - lix ilaa siddeed sano celcelis ahaan. Marka hal nin uu noolaado 100 sano afar haween oo kale ayaa iyagana gaara 100 sano.
"Haweenku mar walba waxay lahaayeen heer badbaado oo ka sarreysa tan ragga. Covid-19 keliya wuxuu dib u xoojinayaa arrintaas," ayuu yiri José Eustáquio Diniz Alves, oo daraaseeyay halista Covid-19.
Balse intaas oo keliya maaha. Marka ay timaaddo iska caabbinta cudurka, saynisyahannada ayaa ogaaday in haweenku ay hab difaac adag leeyihiin isla markaana ay khatar yar ugu jiraan inuu ku dhaco noocyo ka mid ah kansarka marka loo eego ragga.
Caddeymo cusub oo la helay ayaa sheegaya in haweenku ay iska caabbin adag u leeyihiin cudurrada wadnaha ku dhaca, naafonimada, iyo noocyo ka mid ah caabuqa oo cusub.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in 57% ka mid ah 299 qof oo ku dhintay Hong Kong sanadkii 2003 ee uu dillaacay xanuunka Sars, kaas oo uu sababay nooc kale oo coronavirus ah, ay ahaayeen rag. Ragga ayaa sidoo kale u badnaa dadka uu saameeyay fayraskii Spanish Influenza ee sanadkii 1918.
Muxuu ka dhigan yahay farqigaas?
'Waxyaabo badan ayay uga wanaagsan yihiin ragga'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr Maolem waa mid ka mid ah dadka u ololeynaya fekradda ah, marka ay timaaddo badbaado, in haweenku ay ka adag yihiin ragga.
Haweenka, tusaale ahaan, guud ahaan isbitaallada si joogto ah ayay u aadaan, kuwo yar ayaa caba sigaar inta badanna gacmahooda way dhaqaan. Taas beddelkeed, ragga waxay u badan tahay inay sameeyaan waxyaabo khatar ah.

Xigashada Sawirka, Alex Tran
Awoodda X chromosome

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bani`aadamka, unug walba wuxuu caadi ahaan ka kooban yahay 23 joog oo chromosome ah, guud ahaanna waa 46.
Labo iyo labaatan ka mid ah way u siman yihiin lab iyo dhedig. Kala duwanaanshaha waa kan 23-aad oo lagu magacaabo chromosome-ka jinsiga ah. Dhediggu waxay leeyihiin labo X chromosome ah halka ragguna ay leeyihiin hal X iyo Y chromosome ah.
X chromosome wuu ka waxtar badan yahay kan Y wuxuuna leeyahay unugyo ka badan kan Y.
Haddii raggu uu ku dhaco xanuun la xiriira hidda-sidaha X chromosome, waxay u badan tahay in xanuunku uu ka muuqdo durba.
Halka haweenka ay fursad u heystaan inuusan dhaqso uga muuqan xanuunka maaddaama ay leeyihiin labo X chromosome.
Arrimo kale

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasado kale ayaa lagu sheegay in gabdhaha ay si fiican ugu badbaadaan qeybta daryeelka gaarka ah ee ICU iyadoo sababtuna ay tahay in sambabbadoodu ay si fiican u shaqeeyaan. Tani waxay ka difaaceysaa inay ku dhacaan xanuunnada neefmareenka, oo ka mid ah kuwa ugu badan ee sababa dhimashada dadka ku jira qeybta ICU.
Balse waxaa jira arrimo kale oo lagu ogaan karo farqiga u dhaxeeya ragga iyo haweenka - tusaale ahaan, hormones-ka.
Xaddi sare oo testosterone ah, oo ah hoormoonka raganimada, waxaa lala xiriiriyaa dabeecado halis ah iyo hab difaaca jirka oo si daciif ah uga falceliya tallaaka ka dhanka ah fayraska.
Oestrogen, oo ah hoormoonka haweenka, wuxuu taas beddelkeed, leeyahay maaddooyin xoojiya hab difaaca jirka.












