Reynhard Sinaga: Sida ninkan u ugaarsaday dhibbaneyaasha uu Manchester ku kufsaday

Xigashada Sawirka, Facebook
DIGNIIN: Warbixintan waxaa ku jira haddallo ay suuragal tahay in aad dhibsato
Reynhard Sinaga waxaa la rumeysan yahay in uu yahay ninka geystay "Tirada ugu badan ee kufsi ee ka dhacay UK" abid.
Muddo sanado ah ayuu waday kufsigaas, waxaana la qabtay 2017-kii. Wuxuu bartilmaameedsan jiray dhallinyarada habeenkii iska aada caweys-yada.
Waxaa la qabtay ka dib markii qof uu kufsanayay uu ka soo kacay daroogadii uu siiyay, wuuna iska difaacay. Ka dib wuxuu dhacdadaas u sheegay booliska.
Reynhard Sinaga, waa 36 sano jir, dhameeyay dhowr jaamacadood. Wuxuu guriga qoyskiisa ka soo tagay taddobo sano ka hor, wuxuuna muddadaas ku noolaa guryo kiro ah oo ku yaalla magaalada Manchester.
Sinaga, oo asal ahaan ka soo jeeda Indonesia, wuxuu ahaa ardey aan jaamacadda marna ka maqnaanin. Wuxuu haystaa laba shahaado oo heerka koobaad ee jaamacadda ah, wuxuuna isu diyaarinayay in uu billaabo shahaadada labaad ee Jaamacadda.
Balse, maalintii wuxuu ahaa ardey wanaagsan oo waxbarashada ku dadaala, habeenkiina dembiile ugaarsada dadka uu kufsiga kula kacayay.
Waxaa lagu helay dembiyo ka kooban, in dhallinyaradaas uu ku jiiday, kufsaday, xadgudub galmana u geystay illaa 48 qof oo rag ah, balse booliska waxay aaminsan yihiin in ay jiraan illaa 190 qof oo kale.
Waxaa la rumeysan yahay in tirada guud ee dadka uu bartilmaameedsaday ay ka badan tahay 200 oo qof, 60 ka mid ahna lama sheegin xogtooda, sida booliska laga soo xigtay.
Waxay soo koobeen tirada, balse Sinaga wuxuu muuqaallo ka duubay, uuna weeraray dad badan, taa oo baarayaasha ay ku tilmaameen "wax xusuus u ahaa" - alaab iyo macluumaad uu ka xaday dhibenayaasha ayaa la helay.
Kaaliyaha Taliyaha Booliska, Mabs Hussain, wuxuu sheegay in "cadeymo dheeraad ah la helayo", tan iyo markii uu kiiska maxkamadda bilowday, baarayaashana ay heleen 23 qof oo kale, waxayna "hadda rumeysan yihiin in Sinaga uu xadgudub kufsi u gaystay 206 qof oo rag ah".
Ka dib markii dhageysiga maxkamadda la dhammeeyay, Sinaga kiiskiisa waxaa loo gudbiyay maxkamadda racfaanka si loogu xukumo xabsi aan dabacsanayn.
Garsooreyaasha ayaa diiday in lagu xukumo xabsi daa'in, balse waxay kordhiyeen muddada sanadaha ah ee xabsiga uu ku sii jiri karo.
Waxay ogaadeen in uusan muujinin in uu ka qoomameeyay wixii uu sameeyay.

Sinaga wuxuu sida caadiga ah weerarada ka fulin jiray jidadka. Wuxuu inta badan ka howlgali jiray xaafad kooban oo ku dhow meeshii uu degganaa.
Wuxuu kufsiga u geysan jiray dhallinyaro rag u badan oo da'dooda ay ahayd 20 sano, kuwaas oo khamri soo cabay oo sarqaansan.
Markii dhibbaneyaasha ay ka soo naxeen daroogada uu siiyay, badankooda ma xusuustaa wixii ku dhacay.
Dadka uu ninkan weerarary qaarkood waxay ku sii socdeen guryahooda halka kuwa kalena ay kala lumeen saaxiibbaood.
Qaarkood waxay ahaayeen kuwa aad u sarqaansanaa mana xusuusan karaan hadalladii dhexmaray iyaga iyo Sinaga, balse kuwa xasuusta waxay sheegayaan in uusan u muuqan sida qof kufsi kula kici rabay. Sinaga wuxuu adeegsan jiray dawooyiin si dadkan uu gurigiisa u geysto.
Qaar ka mid ah dhallintaas waxay xusuustaan in Sinaga uu siiyay cabitaan ka dibna ay miyr-daboolmeen.
Ninkan waxaa la filayaa in maxkamad ay ku xukumi doonto 30 illaa 40 sano oo xabsi ah.

Sinaga wuxuu iska dhigi jiray qof wanaagsan oo diinta ku fiican, jaamicina ah, wuxuuna isugu yeeri jiray naaneysta ah "dhirta udgoon".
Waa nin dhuuban oo aan dheereyn, wuxuuna u muuqday qof aan halis ku ahayn bulshada. Dadka qaar ee uu kufsaday waxay xasuustaan siduu ugu dhoollacadeynayay.
Taas ayaa ka dhigtay in Sinaga loo arko qof "wanaagsan oo dadka caawiya", iyo sasabashada dhibaneyaasha ka dib marka uu qolkiisa geysto.

Xigashada Sawirka, Facebook
Waxaa la ognahay muuqaalka aan fiicneyn ee Sinaga uu sameeyay. Tobannan dhibane ayaa booliska la hadlay, 48 ka mid ahna waxay hortageen maxkamadda xilligii dacwadda ay socotay.
Inta badan dadka maxkamadda hortagay waxay ahayeen kuwa 'galmo ahaan caadi ah oo toosan'. Ian Rushton, wuxuu sheegay in Sinaga "uu si gaar ah ugu raaxeysan jiray ragga isaga la midka ah".
Inta badan dadka uu dhibaatada u geystay waa reer Manchester, sidoo kale, 26 ka mid ah waxay ahaayeen ardey markii weerarka uu u geysanayay.
Waxay ka sheekeeyeen sidii uu Sinaga u howlgali jiray.
Mid ka mid ah dadkaas, xilli ay saaxiibtii ku sugeysay meel, waxaa jidka kula kulmay "nin gaban oo aasiya ka soo jeeda" oo u muuqday qof aan wax dhib ah geysan rabin.
Ninkaas ayaa ku casuumay qolkiisa si uu halkaa ugu sugo saaxiibtii, balse waxba ma xasuusan ka dib markii la siiyay cabitaan yar oo galas ku jiray.

Xigashada Sawirka, Greater Manchester Police
Nin kale wuxuu sheegay in "wadada uu kul kulmay nin wanaagsan oo Aasiya ka soo jeeda". Wuxuu u sheegay "hadal iska cadi ah oo ahaa in uu dhahay in telefoonka ka demay uuna waayay tagsi uu raaco".
Wuxuu inta ku daray: "Waxaan xasuustaa in hadalka uu ka mid ahaa, 'gudaha guriga ma soo galeysaa si aad telefoonka u dabeysato," sida uu maxkamadda ka sheegay.
Waxay la ahayd in Sinaga "uusan u muuqan qof dhibaato geysan kara", sidoo kale intii ay qolka ku sheekeysanayeen, wuxuu ahaa "qof daacad ah oo ku deyasho mudan" oo jaamici ah.
Wuxuu ninkaas Maxkamadda ka sheegay in "markii la siiyay cabitaan uu isla markiiba miyr daboolmay, uusanna waxba xusuusan illaa subixii xigay".
Wuxuu soo toosay isagoo jahwareersan oo dawakhsan, wuxuuna qolka oga baxay shan daqiiqo gudahood.
Sida dhibbane kasta oo kale, wax war ah kama uusan haynin in la kufsaday, illaa booliska ay la kulmeen una sheegeen arrintaas.

Xigashada Sawirka, Google Street View
Nin kale wuxuu xusuustaa in uu soo toosay isagoo dhulka jiifa oo busto loo huwiyay, wuxuuna qofkii dhismaha lahaa uga mahadceliyay in uu soo dhoweeyay.
Shaki oo dhan muusan qaadin, in kastoo ninkaas "uu u diiday in uu xogtiisa gaarka ah siiyo" si looga caawiyo caymiska telefoon kalumay, sida uu sheegayay.
Telefoonka, sida alaab kale oo badan oo la xaday, waxay booliska ka heleen guriga Sinaga.
Qaar ka mid ah dhibbaneyaasha waxay dareemeen xanuun ka dib markii ay ka soo tooseen suuxdinta, mararka qaar iyagoo qaawan oo jirkooda uu matag leeyahay.
Ma aysan ogayn xilligaas in Sinaga uu siiyay dawo la mid ah maandooriyaha GHB - taas oo suuxineysa dadka, si uu ugu xadgudbo.

Maxay tahay GHB?
- Waa daroogo la mamnuucay oo heerka C ku jirta - waa dareere aan dhadhan iyo ur, toona lahayn oo badanaa lagu daro biyaha
- Waxyar haddii laga isticmaalo waxaa la dareemaa rayrayn iyo nasasho; haddii xoogaa yara badan laga isticmaalana waa lagu miyr daboolmaa, geerina way sababtaa.
- Waxaa isticmaala baararka, waxaana loo garanayaa "chemsex"; waxayna inta badan saameysaa baaritaannada dembiyada galmo
- Waxaa jiro kumannaan isbitaallo loo seexiyo sannadkasta, balse qiimeynta ku saabsan dadka sida qaldan u isticmaala ayaan weli la ogeyn.
- Intii u dhexeysay 2007 illaa 2017-kii, waxaa lala xiriiriyay illaa 200 oo qof oo ku dhimatay UK. Wixii ka dambeeyay 2014-kii waxaa lagu daray hubka wax dila.

Mid ka mid ah dhibbaneyaasha, oo soo toosay isagoo qaawan oo jiifa dhulka qolka Sinaga, wuxuu sheegay in uu dareemayay lalabo, uuna argagaxay. Wuxuu aaminay in dhulka lagu jiiday, wuxuuna shakigaa u sheegay saaxiibtii, balse muusan u sheegin sidii uu dareemayay markuu soo naaxayay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin kale oo loo sheegay in uu dhulka iska seexdo, wuxuu xusuustaa in uu soo toosay laba goor, mar ka mid ahna uu dareemayay xanuun.
Wuxuu sheegay in mar ka mid ah xilliyada uu soo naaxay, in uu awoodi waayay in uu dhaqaajiyo gacmahiisa, uuna dareemayay sida in uu isaga isku biyo-baxay, haddana markale ayuu hurdada ku noqday.
Subixii, intuusan bixin wuxuu xooga la hadlay Sinaga. Booliska uma uusan sheegin wixii dhacay, balse markii dambe waxaa ninkaa la xiriiray askarta.

Muuqaallada qaar waxaa laga dhex arkay Sinaga oo si xoog ah dhulka ugu nabaya ragga qaar, inkastoo ay miyr daboolnaayeen, waxayna u muuqatay in uu wax kaga riixayay dhanka dambe.
Sidoo kale waxaa jiro muuqaallo laga arkay dhibaneyaal matagaya xilligii lagu xadgudbayay.

Xigashada Sawirka, Greater Manchester Police
Si ragga la kufsaday loo helo, booliska waxay adeegsadeen muuqaallada iyo alaabta laga helay guriga Sinaga - sida telefoonno, saacado, kaarar aqoonsi oo ku jiray boorsooyiinkooda, sawirro uu Sinaga kala degay barahooda bulshada, iyo baaritaanno iyaga ku saabsan oo internet-ka laga sameeyay.
Marka ay waayaan xogtooda iyo aqoonsigooda, waxay askarta adeegsadeen qalab casri ah oo lagu dhejiyay meelaha u dhow jaamacadaha. Waxay kaloo la hadleen askarta kale ee daafaha UK oo ay weydiisteen in la aqoonsado dadkaas dhibbaneyaasha ah.
Waxay sidoo kale ciidamada baareen in Sinaga uu dilay qof ka mid ah dadkii uu ku xadgudbay. Waxaa dib loo baaray dad la dilay oo la garan waayay qofkii ka dambeeyay iyo kuwa la la'yahay, balse waa lagu waayay wax cadeyn ah oo arrintaas la xiriirta.














