Gabadh loo sharciyeey inay isdisho

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Gabadh 17 jir ah oo u dhalatay dalka Netherlands ayaa si sharci ah loogu ogolaaday inay isdisho kaddib markii kufsi loo geystay iyada oo da'yar ayna muddo wajaheysay dhibaatooyin badan, sida laga soo xigtay Wargayska New York Post.
"Jacaylka waa in sida qofka uu rabo loo yeelo," ayey ku sheegtay fariin ay soo dhigtay barta Instagram-ka, iyada oo halkaasna ku shaacisay go'aankeeda ah inay isdili doonto.
Pothoven oo faraxumayn loo geystay iyada oo 11 sanno jir ah ayaa sheegtay in saddex sano kaddib kufsi loo gaystay taasina ay u horseeday inay murugo ku noolaato.
"Waxaa laga yaaba inay tani dad badan ka yaabiso, muddo dheer ayaan isbitaal ku jiray, qorshahaygana wax badan ayaan ka fikirayay mana isbadelaayo," ayey tiri gabadha.
"Waan neefsadaa, balse ma noolayn."
Carruurta u dhexeeysa 12 ilaa 16 jir ee ku nool Netherlands ayaa u baahan inay fasax weydiistaan waliidkooda ayna la tashadaan dhakhtar ka hor inta aysan go'aanka gaarin.
Balse marka ay gaaran 17 sanno uma baahna inay fasax weydiistaan waalidkood, waxayna qaadan karaan go'aan u gaar ah. Pothoven ayaa 17 sanno jirsatay bishii Diseembar ee sannadkii la soo dhaafay.
Dalka Netherland ayaa sharciyeey arrinkan sannadkii 2001-sii, isla sannadkaas ayeyna gabadhan dhalatay.

Xigashada Sawirka, InSTAGRAM
Ma jiraan warar sheegaya inay waalidkeed ka hor yimaadeen go'aankan, iyada oo la sheegay in sannad ka hor ay diideen inay fasax siiyaan gabadhooda, maxaa yeelay waxay filaayeen in daawooyinka ay gabadhooda qaadato ay caawin doonan.
Gabadhan ayaa sheegtay inaysan qofna u shegin dhibaatooyinkii ay la kulantay xilligii ay yareyd, maxaa yeelay waxay ka cabsanaysay in asxaabteeda ay si xun u arkaan.
Pothoven waxa ay sheegtay inay isku dayday inay go'aankan ka noqoto ayna booqatay isbitaala badan balse aysan helin awood ay ku sii noolan karto.
Waalidkeed ayaanan war u haynin dhibaatooyinka gabadhooda loo gaystay xilligii ay ka war heleenna ma aysan awoodin inay go'aankeeda baddelaan. "Aad ayaan u yaabay," ayey tiri hooyadeed. "Ma aanan fahmin. Noa waa gabadh fiican, qurux badan, aqli badan, furfuran. Sid ay suurtagal ku tahay inay rabto inay isdisho?
"Ma aanan helin jawaab cad weli. Waxa kaliye ee aan maqalnay ayaa ah inaysan nolosheeda wax micna ah aysan hadda u lahayn, anaga haddaan nahay waalidkeeda waxaan jeclaan lahayn inay sii noolaato"
Aabaheed, Frans, waxa uu sheegay inuu rajaynayay inuu arko gabadhiisa oo nool.
Dad ka badan 6500 oo qof oo u dhashay Netherland ayaa isdilay sannadkii 2017-dii, Dalka Belgium ayaa sidoo kale dadka u ogol inay isdileen haddii uu dhakhtar u fasaxo.










