Neymar oo ka jawaabay kufsi lagu eedeeyay

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciyaaryahanka caanka ah ee reer Brazil Neymar ayaa su'aalo lagu weeydiiyay saldhig ku yaala magaalada Rio de Janeiro isaga oo loo heysto eedeymo la xiriira kufsi.
Xogtan waxaa xaqiijiyay garyaqaanka u doodaya ciyaartooyga.
Gabadh lagu magacaabo Najila Trindade ayaa ku ashtakootay in Neymar uu ku kufsaday qol hoteel oo ku yaala Paris, 15-kii May.
Gabadhan ayaa taleefishin ku yaala Brazil u sheegtay in ay doonayso caddaalad.
Muuqaalkan ayaa la baahiyay, waxaana ka muuqda gabadha iyo Nymar oo isla jooga Hoteelka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Eedeymaha ayaa durbaba waxyeeleynaya ciyaartooyga, iyada oo shirkadda kaararka lacagta ee Masters ay xiddiga ka saartay dadka adeegooda u xayeysiiya.
Sidoo kale shirkadda dharka isboortiga soo saarta ee Nike ayaa iyaduna sheegtay in ay ka welwelsan tahay wararka soo baxay.
Neymar ayaa la sheegay in uu saldhiga boolis tagay isaga oo wata biraha curyaamada kaddib markii uu dhaawac kasoo gaaray ciyaar dhexmartay Brazil iyo Qatar.
Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa Neymar ku booqday cisbitaalka ka dib dhaawacaas soo garay wuxuuna u sheegay in uu "u rjeynayo in sidegdeg ah uu u caafimaado".
"Xaalad adag ayuu ku jiraan laakiin waan aaminsanahay", ayuu yiri.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Xiddiga ayaa sheegay in uu ka gallad sheeganayo taageerada loo fidiyay iyo fariimo badan oo uu adduunka ka heley.
Gabadhan ayaa warbaahinta Brazil u sheegtay in markii hore ay labadooda iska heleen, doonaysayna in ay wax dhex maraan, balse markii ay kula kulantay Paris uu ula dhaqmay si aysan jecleysan, islamarkaasna uu xoogay, iyaduna rabtay in si tartiib ah wax u dhex maraan.











