You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan oo ku maadeystay dimuqraadiyadda doorashada Mareykanka
Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, ayaa qoraal uu Arbacadii soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu maadsaday xaaladda ay ku jirto doorashada Mareyaknka.
"Yaab badanaa! Qof ayaa sheegay in doorashada ay tahay tii ugu musuqmaasuqa badneyd ee soo martay taariikhda Mareykanka. Yaa yiri sidaas? Waxaa yiri madaxweynaha hadda xafiiska ku sugan. Ninka kasoo horjeeda wuxuu sheegayaa in Trump uu damacsan yahay inuu doorashada ku shubto! Sidaas ayey u shaqeeyaan Doorashada Mareykanka iyo Dimuqraadiyadda Mareykanka." Ayuu soo qoray Khamenei.
Hadalka Khamenei ayaa qabsaday baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamka.
Maalin ka hor ayuu hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan sheegay in natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Mareykanka ee 2020-ka aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin mowqifka Iiraan.
Wuxuu ku adkeystay in qof walba oo kusoo baxaba aysan isbaddali doonin siyaasadda Tehran ee ku wajahan Washington.
"Siyaasaddeennu way caddahay. Isuma baddaleyso shakhsiyaad isbaddalay awgood," ayuu yidhi. "Waxba nagama galin cidda baxeysa iyo cidda imaaneysa toona."
Donald Trump ayaa "cadaadis heerkii ugu sarreeyay ah" saaray Iiraan tan iyo markii uu sanadkii 2018-kii waxba kama jiraan kasoo qaaday heshiiskii nuclear-ka ee Tehran lala galay intii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Obama.
Ninka hadda loollanka adag kula jira, Joe Biden, ayaa sheegay in haddii uu xilka madaxweynaha ku guuleysto uu dib u milicsan doono heshiiskaas, ayna suuragal tahay inuu dib u soo nooleeyo.
Markii heshiiskaas laga wada xaajoonayay sanadkii 2015-kii, Biden wuxuu madaxweyne ku xigeen u ahaa Barack Obama, wuxuuna goob joog u ahaa go'aankii cunaqabateynta looga khafiifiyay Iiraan.
Tallaabadaas baddalkeeda waxaa Tehran laga dhowrayay inay joojiso bacriminta barnaamijkeeda nuclear-ka.
Tartan adag ayaa wali ka taagan doorashada Mareykanka, labada musharrax ee kala ah Donald Trump iyo Joe Biden ayaana ku loollamaya tirooyin aad isugu dhow.
Gobollo dhowr ah ayaa wali xisaabinaya codadkii doorashada laga dhiibtay, iyadoo kooxda Trump ay tallaabo sharci ah u qaadeen inay joojiyaan tirinta codadka.
Donald Trump iyo Joe Biden mid walba wuxuu sheeganayaa inuu ku horreeyo doorashada, inkastoo wali natiijo rasmi ah iyo mid hordhac ahba aan la shaacinin.
Kooxda ololaha Trump waxay hadda xoogga saarayaan inay maxkamad ku hakiyaan tirinta codadka gobollada kala ah Nevada, Wisconsin, Georgia, Pennsylvania iyo Michigan.
BBC-da ayaa xaqiijisay in Mr Biden yy ku guuleystay gobolka Michigan. Warbaahinta Mareykanka ayaa iyana soo tabiyay inuu hantay gobolka Wisconsin.
Ma jirto wax natiijo ah oo ilaa hadda kasoo baxday gobolka Pennsylvania.
In uu dhammaan gobolladaas ku guuleysto Biden waxay u suuragalineysaa inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka Mareykanka.
Musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga waxa uu sidoo kale hadda hoggaaminayaa gobollada Nevada iyo Arizona, isagoo marba marka ka dambeysana soo gaabinaya tirada codadka uu Mr Trump uga horreeyo gobolka Georgia.
Mr Biden wuxuu afkiisa ka celiyay inuu guul sheegto, laakiin wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu ka guuleysanayo musharraxa kasoo horjeeda ee xisbiga Jamhuuriga.
Isku darka dadkii u soo baxay codeynta doorashada ee dhacday Talaadadii ayaa ahayd 66.9%, waana tii ugu badneyd ee Mareykanka laga arko muddo 120 sano ah, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta doorashada.