Natiijada doorashada Maraykanka: Goormaan ogaan doonaa ninka ay guushu raacday?

Waxaad filaysay in ay haatan soo baxaan waxyaabo muujinaya natiijada ka soo baxaysa doorashada Maraykanka.

Ilaa hatan lama oga, sababtuna waxa weeyi in aan ilaa haatan la tirin codadka tiradoodu saansaan ka bixin karto cidda guushu raacayso Donald Trump iyo Joe Biden.

Run ahaantii xaqiiqadu waxay tahay in wakhti dheeraad ah loo baahan yahay oo lagu tiriyo codadka lagu soo diray boostada maadaama uu safmar jiro, arintaasina keeni karto in tirinto dhawr maalmood qaadato.

Dhawr gobol oo muhiim ah oo ay ku jiraan Arizona, Georgia iyo Michigan ayaa la filayaa in tirinta codadkooda la dhamaystiro maanta oo Khamiis ah. Marka la dhamaystiro tirinta codadka gobolladaas ee lagu daro iyagana gobollada kale ee gelinka dambe ee Khamiista shaacin doona natiijada codkadka la tiriyey, ayaa waxa soo bixi doona in saansaan guud oo loo qaateen ahi soo baxdo.

Intaas uun maaha se arintu. Hadii ay caddaato in dood sharci la geliyo natiijada - arintaas oo durba Trump ku hanjabay inuu samayn doono- waxa dhici karta in ay todobaaddo qaadan doonto mudada si rasmi ah loogu shaacin doono cidda guushu raacday. Taasina waxay keeni kartaa in ay arimuhu murgaan.

Haatan gobollada ayay arintu ku soo ururtay

Waxa mudan in la xusuusnaado in si musharaxu ugu guulaysto madaxtinimada waxa ugu weyn aanu ahayn in uu helo tirada ugu badan codadka shacabku dhiibtaa. Waxay se tahay inuu guulaysanayo musharaxa hela tirada ugu badan codadka ay bixiyaan gudiyada gobollada ee la yidhaa gole-doorasho oo ah in gobol waliba leeyahay tiro go'an oo gudidaas ah oo lagu jaan gooyey saamiga shacabka ku nool gobol kasta. Musharaxa ka hela codadka shacabka ee ugu badan gobol kasta ayaa helay codadka gole-doorashadiisa (labada gobol ee Nebraska iyo Maine oo arimahoodu si gaar ah u kakan yihiin).

Wadarta codadka gole-doorashooyinku waa 538, markaa musharaxa helay 270 ayaa noqonaya madaxweyne. Ilaa haatan labada musharaxa mid waliba dhabbaha uu ku doonayo inuu Aqalka Cad ku gaadhaa wuxuu ku xidhan yahay hadba inta uu ka kasbado tiradan la yaabka ah.

Sida lagu yaqaanna marka dambe waxay iskugu soo ururtaa arintu dhawr gobol oo codadkooda gole-doorasho lagu kala baxo.

Biden ayaa haatan la saadaalinayaa inuu ku guulaysto codadka gobolka Michigan. Waxa sidoo kale tiro aan badnayn ku hogaaminayaa gobollada Nevada iyo Arizona, saadaasha telefishannada CNN, CBS, Fox iyo Associated Press ayaa muujinaya inuu sidoo kale ku guulaysanayo gobolka Winsconsin.

Hadii kama dambaysta uu ku guulaysto codadka dhamaan goboladan marka la dhamaystiro tirinta oo wadartoodu tahay 43 wuxuu heli doonaa 270 cod. Hadii uu guulo kale ka gaadho gobollada Pennsylvania ama Georgia waxa Dimuqraadgu ku heli doonaa gacan sare oo xataa hadii codad khaldama laga jaro ay ku badbaadi karaan.

Dhanka Trump, dhabba uu ku doonayo inuu mar labaad madaxtinimada dalka ku waxay ku xidhan tahay gobolka Pennsylvania oo codadka gole-doorashadiiu tahay 20 inta uu ka helo. Hadii uu halkaa guul ka soo hooyo iyo sidoo kale ugu yaraan saddex ka mid ah gobolada gadhay oo ay u badan tahay inuu wax ka helo Georgia, North Carolina, Nevada ama Arizona waxa suurto geli doonta in yididiilo hor lihi gasho.

Laakiin maadaama codad badani hadhsan yihiin, tartankuna ilaa haatan yahay mid adag waxa dhici karta in wax waliba is bedelaan.

Maxaa keenay in aan weli la kala bixin?

Dadka aan fahamsanayn waxay u qaateen in codbixinta todbaadkani ay muujinayso sawir aan buuxin.

Robert Cuffe, oo ah madaxa qaybta tirokoobka ee BBC-da ayaa sheegay in ay degdeg noqonayso hadii haatan la yidhaa arintu weli dhanna uma dhicin. Laakiin waxa la ogyahay waxa weeyi in celceliska saadaashii la sameeyey aanay ilaa haatan muujinayn cidda guushu raacayso. Sadaashii la sameeyey doorashada ka or waxay muujinaysay in Biden qiyaastii sideed dhibcood ka horeeyey Trump. Hase yeeshee gobollada haatan lagu hirdamayo waxa ku horeeyey Biden laakiin waa wax aan sidaa u badnayn.

Waxa kale oo suurto gal ah in rabitaanka codbixiyeyaasha la qalad fahmay. In kasta oo doodda fayraska korona sannadka badankiisii oo dhan ay warbaahintu qaadaa dhigaysay, hadana daraasad ay samaysay xarunta Edison Research ayaa lagu ogaaday in shantii qof ee codbixiyeyaal ah midkood uu qabay in fayraska korona yahay waxa ugu mudan ee sida uu codka u dhiibanayo saamaynaya. Dad badan oo kale, oo ka badan saddex meeloodoow meel codbixiyeyaasha oo dhan ayaa iyaguna sheegay in waxa ugu mudan ee ay danaynayaan yahay arimaha dhaqaalaha.

Arintaa marka la eego waxa dhici karta in ay u xaglinayso Trump- waana kuga muhiimada koobaad siinaya shaqooyinka iyo dhaqaalaha oo aad ugu janjeedha dhanka Madaxweynaha.

Dulucda arinta oo ku kooban dhawr sadar

Donald Trump wuxuu helay codad ka badan intii la filayey halka Joe Biden na uu ku guuldarraystay inuu wada helo gobollada codadkooduu dhakhsaha loo tiriyey, taas oo ka dhigan in ka dhursugga natiijaddu wali tagan yahay dhawr gobol oo muhiim ah la sugi doono.

Weedhahay musharaxiinta qudhoodu yidhaahdeen…

Joe Biden oo taageerayaashiisa la hadlaya ayaa yidhi "waynu ku guulaysanaynaa doorashadan" waxa se uu ku tirtirsiyey in ay samir yeeshaan. Donald Trump ayaa sheegay in Jahmuuriygu guulaystay inta la ogyahay se wuxuu sheegay been ah in musuq dhacay, maadaama oo weli codadkii la tirinayo oo aanay jirin wax caddayn ah oo muujinaya in musuq dhacay.

Wararkii kale ee ku dhaafay

In kasta oo aan weli tartankii madaxtinimada weli lagu kala bixin, oo laga dhur sugayo. Waxa kale oo jira wara dadka qaar dhaafay oo ah:

  • Nin u dhintay fayraska korona bishii Oktoober ayaa loo doortay inuu ka mid noqday baarlamanka gobolka Dakota. David Andahl oo 55 jir ay oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guulaystay is reebreebkii xusbiga gudihiisa waxaanu galay olole. Ma se aha markii ugu horraysay ee musharax dhintay ku kuulaysto doorasho dalka Maraykanka. Sannadkii 2018 ayaa nin mukhmaarad ku lahaa gobolka Nevada oo musharax ahaa dhintay oo ku guulaystay doorashadii.
  • Sarah McBride ayaa noqonaysa qofkii ugu horeeyey ee jinsigiisa bedelay ah ee ku guulaysa Senate-ka heer gobol ee gobolka Delaware. ''Waxaan rajaynayaa in caawa ay caddaatay in dimuqraadiyaddeenu aqbashay in qof ka mid ah dadka isku jinsiga ah ee is guursada ama jisigooda bedelaa ay dalka wax ka noqn karaan.
  • Dadka xashiishadda cabba ayaa iyagana xalay guuli u soo hoyatay. Gobollada Arizona, Montana, New Jersey iyo South Dakota ayaa dhamaantood sharciyeeyey in xashiishadda faakihaysi loo cabi karo.
  • War kale oo xiise leh ma doonaysaa? Doorashan Maraykanku waa tii dadkii ugu badnaa codkooda ka dhibtaan muddo qarni ah.