Doorashada Maraykanka: Ma dhici doontaa in Maxkamadda Sare go'aamiso natiijada?

Musharaxa Dimuqraadiga ee Joe Biden wuxuu cagta ku hayaa dhabbe uu ku hanan karo inuu ku guulaysto doorashada Maraykanka, laakiin ninka la loolamaya ee u sharaxan Jamhuuriga waa Madaxweyne Donald Trump e ayaa dood ka qaba tirinta codadka afar gobo loo muhiim ah. Hadaba maxaa dhici karaa?

Ololaha Trump ayaa sheegtay iyaga oo aan wax caddayn ah soo bandhigin in uu dhacay musuq doorasho oo ay doonayaan in la joojiyo tirinta codadka gobollada Pennsylvania, Winsconsin, Georgia iyo Michigan.

Waxaanu la hadalnay khubaro sharci oo aanu waydiinay waxay arintaasi ka dhigan tahay iyo waxa dhici kara hadii arintu sii jiitanto.

Cidda guulaysatay in haatan ba la ogaaday miyaanay ahayn?

Haa iyo maya. Badanaa marka ay soo baxdo xog muujinaysa in musharax ku horeeyey tiro aan la loodin karin, warbaahinta Maraykanku waxay sheegaan in musharaxaas guulaystay. Arintaasi waxay badanaa bilaabantaa saacadaha ugu horeeya maalinta codka la bixinayo.

Waxaasi se ma aha xog rasmi ah, ma aha natiijadii kama dambaysta ahayd. Waa saadaal, laakiin natiijada rasmiga ah ee kama damabysta ahi waxay qaadataa dhawr cisho in codadka la tiriyo.

Laakiin sannadkan tirada badan ee codadka boostada lagu soo dhiibtay ay ayaa kalifaya in mudada tirintu sii dheeraato, gaar ahaan gobollada aadka loogu loolamayo oo aan loo ogolayn in ay tirinta codadkaa bilaabaan maalinta doorashada ka hor.

Markaa waa in ay isla maalintaa doorashadu dhacayso la tiriyaa, tirinta codadka boostada lagu soo dhiibtaana way ka mudo dheertahay ta qofku goobta codbixinta ka dhiibto maadaama oo ay jiraan shuruudo badan oo lagu xaqiijinayo ansaxnimadooda.

Hadii tartanku noqdo mid aan aad loogu kala horrayn oo laba musharax midkoodna qirin in laga badiyey waxa caadi ah in tirinta codadka la sii wado ayuu yidhi Matthew Weil oo ah agaasimaha xarunta cilmi baadhista ee la yidhaa Bipartisan Policy Research Centre.

Doorashada ka hor ba caqabadaa jiray

Marka hore ba waxay ahayd doorasho maxkamad in la isla galay laga filayey.

Codbixintii Salaasadii ka hor, waxa taagna in ka badan 300 oo dacwadood oo ka socday 44 hgobol oo lagu eegayey eedo ku saabsan qaabka codbixinta hordhaca ahayd ee boostada codadka ay dadku ku soo dirayeen sannadkan.

Waxay dulucda dacwadahaasi ku arooraysay arrimo ay ka mid yihiin wakhtiga loo qabtay in codka boosta lagu soo diro iyo goorta codadkaa la aqbali karo, saxeexyada caddaynta ah ee loo baahan yahay iyo bushqadaha lagu soo riday nooca ay yihiin.

Gobollada ay ka taliyaan Jamhuurigu ayaa sheegay in arimahaasi lagu xadidayaa ma huraan u ahaayeen si looga hor tago musuq dhaca.

Laakiin Dimuqraadiyiintu waxay sheegeen in arimahaas looga dan lahaa I dadka lagaga horjoogsado xaqooda madaniga ah.

Waa maxay doodda Trump qabaa?

Winsconsin

Saraakiisha ololaha madaxweynuhu waxay Salaasadii codsadeen in lagu celiyo tirinta codadka gobolka Winsconsin "sababtoo ah qaladaad ay arkeen".

Ma cadda goorta tirinta lagu celin doono maadaama oo aanay ku celinta tirintu dhicin ilaa inta la dhamays tirayo tirinta codadka dalka laga dhiibtay oo dhan. Maalinta kama dambaysta u aha ee sharciga gobolkaasi ogol yahay waa 17 Noofember.

Borofessor ka dhiga sharciga Jaamacadda Columbia oo la yidhaa Richard Briffault ayaa sheegay in ay dhacday in tirinta codadka gobolka Winsconsin lagu celiyey sannadkii 2016 laakiin "farqiga soo baxay ahaa qiyaastii boqol cod".

"Tirinta oo lagu celiyaa maaha qaab duraya sharciyadda codka la dhiibtay" ayuu yidhi isagoo arinta faahfaahinaya waxaanu intaa kud aray "waa uun hubsiimo lagu sugayo in aan tiradu gedmin".

Michigan

Trump ayaa cod aan badnayn ku guulaystay doorashadii 2016, wuxu helay waxaanay guushu ku raacday wax in yar uun ka badan 10700 oo cod. 4 Noofember ayaa saraakiishii ololihiisu shaaciyeen in ay dacwad ay ku doonayaan in la joojiyo tirinta codadka gubinayaan in kasta oo 96% codadka si hor dhac ah loo tiriyey.

Kumanaan cod ayaan weli la tirin waxaanay codadkaa in badan oo ka mid ahi ka imanayaan gobollo taariikh ahaan lagu yaqaan in ay taageeraan Dimuqraadiga, laakiin warbaahinta Maraykanka iyo BBC waxay saadaalinayaan in Biden ku guulaysan doono.

Pennsylvania

Gobolkan doodda ka taagani waxay ku saabsantahay go'aanka gobolka ee ah tiriyo codadka lagu soo dhiibtay boostada maalintii doorashada ee saddex casho ka dib soo gaadhay goobaha tirinta. Jamhuurigu waxay sheegeen in ay arintaa racfaan ka qabaan.

Weil ayaa sheegay in walaac ka qabo murankan maadaama oo maxkamadda dalka ugu sarraysaa doorashada ka hor ba go'aan ka gaadhi weyday ka hor intii aan la magacaabin garsoore Amy Coney Barrett.

"Waxay mar sheegeen in ay danaynayaan in arinta marka dambe laga hadlo. Markaa waxaan arkaa in ay jirto arin ah in codadka boostada lagu soo dhiibtay qaarkood aanay goobta tirinta soo gaadhay Jimcaha ka hor oo ku waana la buriyo. Waxay ila tahay in arintaasi tahay mid qaldan laakiin marka sharciga loo eego waxay noqon kartaa natiijo sax ah." ayuu yidhi.

Georgia

Jamhuuriyiinta gobolka iyo saraakiisha ololaha Trump waxay durba dacwad u gudbiyeen maxkamadda gobolka oo ay ku dalbanayaan in la joojiyo tirinta codadka, waxaanay eedda ay sheegayaan tahay in dad aan cododkooda soo dhiiban la tirinayo.

Gudoomiyaha xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Georgia, David Shafer, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey ku sheegay in muraaqibiibta xisbigu arkeen haweenay "in ka badan 50 waraaqo codbixineed ah ku calaamadisay in ay xumaadeen".

Waxay garsooraha weydiisteen in uu buriyo tirinta codadka boostada ku yimid maalintii doorashada wixii ka dambeeyey.

Ma dhici kartaa in Maxkamadda ugu sareysa dacwadu gaadho?

Subaxnimadii Arbacadii ayaa Trump wuxuu ku dooday in musuq doorasho dhacay isaga oo aan wax caddayn ah soo bandhigin waxaanu yidhi ''waxaanu tagi doonaa Maxkamadda Sare, waxaanu doonaynaa in tirinta oo dhan la joojiyo."

Codbixintu waabay dhamaatay oo goobihii codbixinta waa la xidhay isla maalintii doorashada markii wakhtigii loo qabtay la gaadhay, waxa se doodi ka taagan tahay waxa laga yeelayo codadka boostada ku yimid sida kuwa gobolka Pennsylvania oo kale.

Weil wuxuu sheegay in ''Maxakamadda Sare aanay lahayn awood gaar ah oo ay ku joojin karto tirinta sharciga ah ee codadku in ay socoto".

Yaa ka qayb geli kara hadii dacwad doorasha laga qabaa furanto?

Hadii natiijada doorashada dacwad laga keenyo, waxay u baahan doontaa in kooxo sharci yaqaanno ah oo dhinacyada ay khusayso kala metelayaa ay ka qayb qaataan. Garsooreyaasha heer gobol waxay ku qasbanaan doonaan in ay difaacaan go'aannadooda ay hore u gaadheen ee ah dib loo tiriyo codadka, halka garsooreyaasha Maxkamadda Sare na laga yaabo in laga codsado in ay go'aankaa hore ee garsooreyaasha heer gobol buriyaan.

Meelaha qaarkood, ku celinta tirintu way dhacdaa hadii ba farqiga la kala horeeyaa yahay mid aad la isugu dhaw yahay laakiin sidii ka dhacday gobolka Florida 2000 doorashadii madaxtinimada ee ay ku loolameen George W Bush iyo Al Gore.

Maxaanay gobolladu ugu dhawaaqi karin qofka guulaysta?

Maxaa dhici kara hadii aanay gobollada maamulkoodu aanay raali ka ahayn cidda heshay codadka laga dhiibtay gobollladooda? Waa la saadaalin karaa in arintani dhici karto hadii xisbi ku doodo in natiijada kama dambaysta ahi aanay sax ahayn ama la musuqay.

Gobollada aadka loogu tartamayo ee North Carolina, Pennsylvania, Michigan iyo Winsconin dhamaantood waxa ka jira dawlad goboleedyo kala qaybsan- badhasaabyadu waa Dimuqraadi laakiin baarlamaannada gobollada aqlabiyadoodu waa Jamhuuri.

Congress-ka ayey noqon doontaa inuu go'aan ka gaadho cidda codadkooda la tiranta lagu celinayo - ee ay soo gudbiyaan baarlamaannada gobollada ama badhsaabyadu.

Goorta aan la dhaafi karin ee go'aan lagaga gaadhi karo dacwadda

Wax kastoo dhacaba, 20 Jeeniweri wixii ka dambeeya dastuurka dalku wuxuu dhigayaa in dalka ay ka bilaabanto muddo xileed cusub oo madaxweyne.

Hadii natiijadu soo bixi weydo oo madaxweyna la caleemo saari waayo maalintaa, gudoomiye ku xigeenka gudida joogtada ah ee Senet-ka ayaa madaxweyne noqonaya.

Hadii madaxweyne ku xigeen la waayona waxa ku xigeen noqonaya gudoomiyaha aqalka wakiillada (oo haatan ah Nancy Pelosi oo xisbiga Dimuqraadiga ah)

Dawakhan oo kale hore ma udhacay?

Ilaa haatan doorashadii dhacday 2000 oo keliya ayaa ah ta natiijadeeda lagu murmay ee Maxkamadda Sare dacwaddu gaadhay, waana waagii ay George Bush Al Gore faro cididood kaga qaaday.