Doorashada Mareykanka: Shirkadda Twitter oo qarisay qoraal uu barta soo dhigay Trump oo ku saabsan codeynta

Shirkadda Twitter ayaa qarisay qoraal uu madaxweyne Trump soo dhigay bartaas oo uu kaga hadlayay codeynta doorashada.

Trump ayaa go'aanka kasoo baxay maxkamadda sare ku tilmaamay 'Mid aad halis u ah' kaddib markii maxkamadda ay soo saartay in wakhti dheeraad ah loogu daro muddada loogu talagalay in gobolka Pennsylvania ay ku gaaraan warqadaha codeynta ee boostada.

Wuxuu intaas ku daray 'Wax isdaba marin baahsan oo aan la eegin" ay kusii xigi doonaan.

Shirkadda waxay digniin u dirtay madaxweynaha isla markaana ku tilmaantay qoraalka "Mid khilaaf abuurayo oo laga yaabo in uu marin habaabin yahay"

Shirkaddan waxay horraan qaaday tallaabooyin noocan oo ka dhan ah bogga Trump.

Trump wuxuu ku andacooday in go'aanka maxkamadda uu horseedayo in qalalaase ay ka dhacaan waddooyinka ayn tahay "in wax laga qabto"

Shirkadda Facebook ma aysan qarin qoraalka Trump waxay ka bixisay digniin ah "Labada hanaan ee kala ah codeynta qofka ama midka boostada waa kuwa taariikhi ah oo laisku haleyn karo gudaha Mareykanka, waxaana dhif iyo naadir ah in wax laisku daba mariyo guud ahaan qaababkaas"

Ninka sida weyn uu loolanka ugala dhexeeyo Joe Biden ayaa shacabka ugu baaqay inay codeyaan, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday Trump.

Muxuu yahay go'aanka kasoo baxay maxkamadda sare?

In badan oo kamid ah shacabka Mareykanka wey codeeyeen halka dad badan ay ku codeeyeen qaabka boostada.

Mareykanka waxaa ka taagnaa walaac ka dhashay in dhammaan warqadaha codeynta aysan wakhtigii la rabay gaari doonin xarumaha lagu tirinayo codadka.

Maxkamadda sare ayaa dhawaan meesha ka saartay go'aan la doonayay in lagu hor istaago in muddada lagu kordhiyo xilligga loogu talagalay in warqadaha codeynta dhinaca boostada ay ku gaaraan gobolka Pennsylvania.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan cambaareeyay nidaamka lagu codeynayo boostada oo uu sheegay inay wax lais daba marin karo.