"Shacabka Soomaalida iyo Canfarta cadow baa ku kala dhex jira"

Qaar ka mid ah dadka la dilay oo loo barooranyo

Xigashada Sawirka, Ministry of Education Ethiopia

Xafiiska warfaafinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida e dalka Itoobiya ayaa sheegay gacan seddexaad iey ku kala dhex jirto shucuubta walaalaha ah ee Soomaalida iyo Canfarta ee dagaallamaya.

Ku xigeenka xafiiska warfaafinta ee Dowlad Deegaanka Deegaanka Hibo Maxammedn oo BBC u warrantay waxay tiri: "Hadda ka hor deegaanka Soomaalida iyo Canfarta wadahadallo dhibaatooyinkan xal looga raadinayo ayey yeesheen, waxaanna aaminsanahay wax weliba wadahadal inaan ku dhammeyneyno, walaalaheenna Canfartana iney walaaltinimada aaminsan yihiin ayaan filayaa, wadahadalladuna wey sii soconayaan."

"Cidda weerarkaasi geystay baaritaan lagu ogaanayo ayaa socda. Labada shacabna waa walaalo, waxaanna aaminsanahay iney labada shacab ku dhex jirto gacan seddexaad oo dooneyso iney colaad ka dhex abuuranto labada shacab ee walaalaha ah oo ay nabadduna meesha uga baxdo" ayey tiri.

"Shucuubta labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta waxay leeyihiin dhaqan isku mid ah iyaga oo xagga guurkana si weyn iisu dhex galay, marka ma garanayo waxa aan ku tilmaamo in shacab masaakiin ah la iska horkeeno faa'idada laga helayo".

Deegaannada ay dagaallada ka socdeen maalmihi u dambeeyey ayaa la sheegayaa iney haatan nabdoon yihiin dowladda federaalka iyo labada dowlad deegaaanna uu wadahadal uu u socdo.

Deegaanka Canfarta muxuu yiri?

Madaxa xafiiska warfaafinta ee deegaanka Cafarta Axmed Kaloyta oo BBC u warramay ayaa sheegay dadka dilka ka geystay xadka labada deegaan ee Soomaalida iyo Cafarta u dhaxeeya iney ahaayeen dad xoola dhaqata ah oo xilli habeen ah weerar ku soo qaaday tuulooyin xadka labada degaan ku yaalla.

Wuxuuna sheegay 10 qof oo 2 ka mid ah ay ahaayeen shaqaale ka socday wasaaradda waxbarasadda Federaalka in weerarkaasi lagu dilay.

"Weerarkana waxaa si gaar ah loola beegsaday haween iyo carruur" ayuu yiri.

"Deegaanka Cafartu horay wey uga dhici jireen dilalka noocan ah balse dilalka maalmihi ugu dambeeyey dhacay iyo sida ay u dhaceen waa kuwo aan horay deegaankaasi looga arag" ayuu yiri Axmed.

Mar wax laga weydiiyey Madaxa xafiiska warfaafinta ee deegaanka Canfarta Axmed Kaloyta dadka weerarradaasi ka dambeeya waxay ay yihiin wuxuu sheegay: "Dadkan waa dad ku howlanaa ganacsiga xaaraanta ee loo yaqanna kontarabaanka, dowladdu markay ganacsigooda hor istaagtay waxay billaabeen iyaga ku gabbanaya magaca beesha ciise ee aaggasi deggan ay weerarradaasi geysteen."

"Beesha Ciise ee ku nool Gadamaytu waxaa looga baahan yahay cadowga ku dhex dhuumanaya ee iyagu gabbaadka ka dhiganaya inay la dagaallamaan."

DDS

"Dhibaatooyin noocan oo ah sanadki hore ka dhacay deegaannada ku teedsan xadka deegaanka Soomaalida iyo deegaanka Canfarta dadaallo wadjir ah oo ay sameeyeen wasaaradda nabadda iyo maamullada labada deegaan in dhibka xal laga gaaray balse si xal kama dambeys ah looga gaaro la sii wadi doono baaritaannada iyo kulammada shucuubta labada deegaan dhexmaraya ay sii soconayaan" ayey tiri wasaaradda Nabadda dalka Itoobiya

Shucuubta Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallama deegaanno ay labada deegaan lahaanshahooda kala sheegtaan sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla xadaka ay wadaagaan deegaannadaasi.

Golaha wasiirrada ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sanadki hore laalay heshii ay dowladda dowladda dhexe ee dalka Itoobiya taageereysay oo deegaanada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Itoobiya lagu hoos geeyay maamulka Canfarta balse tan iyo xilligaasi ay dhacayeen rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Dhibaatooyinka ka dhacay xadka u dhaxeeya deegaannada Sooomaalida iyo Canfarta ayaa sameeyey iisu socodka gaadiidka dekadda Jabuuti u socda ama ka yimaaddaa maadaamaa ay marto wadda halbowla u ah dhaqdhaqaqa dhaqaale ee dalka Itoobiya.

Colaaddan oo deegaankaasi ka taagneyd labadi sana ee la soo dhaafay waxaa ku naf waayey dad ka badan 400 iyada ooh anti aad u bandanna ay ku burburtay.