Doorashada Mareykanka: Maxay u adkaatay in laga codeeyo Mareykanka?

Long queues in Nevada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mareykanka waxaa ka taagan dood xooggan oo ku saabsan qaabka loo codeynayo, iyadoo arrintaas laga gudbiyay boqollaal dacwado ah oo horseeday eedeymo ku saabsan in caburin lagu hayo codbixyeyaasha doonaya inay ka qeybgalaan doorashada madaxtinimo ee Mareykanka. Haddaba maxay yihiin caqabaha ku hor gudboon codeynta? Weli maxay usii jiraan?

Safafka, sharciyada xaddidayo codeynta iyo in la tago goobaha codeynta, tallaabooyinkaas dhammaan waxay horseedeen in dadka laga hor istaago inay ka qeyb qaataan hannaanka dimuqraadiyadeed, sida ay sheegeyso Andrea Hailey oo ah agaasimaha ha'yad safamal oo la yiraahdo Vote.org, taas oo dadka ka caawisa inay ku codeeyaan teknooloojiyadda.

Caqabadaha ugu waaweyn waxay ka dhasheen cudurka safmarka ah ee Koroona, waxaa hoos u dhacay shaqaalihii ka shaqeyn jiray goobaha lagu codeeyo. "Dadka waa inay ka gudbaan caqabadahan si ay codkooda u dhibtaan," ayay tiri Ms Hailey.

Tallaabooyinka ka dhashay ka hortagga cudurka si dad badan aanay isugu tegin xarumaha doorashada, waxay ka dhigan tahay in dad badan oo Mareykanka u dhashay ay xilli hore toos u codeeyaan ama boostada ay codkooda ku dhiibtaan, balse ma noqon doonto in qof kasta uu codeyn doono.

Ill hadda, waxaan 300 oo dacwadood laga gudbiyay ilaa 44 gobol kaddib markii walaac laga muujiyay sida loo tirinayo codadka la dhiibtay xilli hore iyo sida loo uruurinayo codeynta qaabka boostada ah, gobollada ay ku xooggan yihiin Xisbiga Jamhuuriga, waxay sheegeen in xayiraaddan looga hortaggayo isku day kasta oo ku shubasho ah, halka Dimuqraadiga uu sheegay in tallaabadan ay tahay mid dad looga hor istaagayo in ay codeeyaan.

Haddaba, maxay yihiin caqabadaha horyaalla dadka doonayaa inay codeeyaan?

10 Saacadood oo uu qofka sugayo

Gobolka Georgia, kumanaan qof oo codbixiyeyaal ah ayaa muddo saacado ah saf ku jiray si ay codkooda u dhiibtaan, iyadoo codeynta wakhtigeeda laga soo horumariyay, waxaana arrintaas loo aaneeyay arrimo dhowr ah sida goobaha codeynta oo yar, shaqaalaha xarumaha doorashada oo gabaabsi ah iyo inay jirtay cilad farsamo ah.

Daraasad uu sameeyay macadka teknooloojiyadda ee Massachusetts, waxaa lagu sheegay in codbixiyeyaasha madowga ah ay safka ku jireen illaa 16 daqiiqo, doorashadii 2016-kii, halka codbixiyeyaasha caddaanka ay 10 daqiiqo ku qaadatay in codkooda ay dhiibtaan.

Waraaqaha codeynta iyo xeerar kale oo adag

Tusaale ahaan, maxkamadda sare ee gobolka Pennsylvania waxay soo saartay go'aan ah in warqadaha codeynta ee aan la soo dhex gelin bakhshad marka boostada lagu dirayo, waxbo kama jiraan laga soo qaadi doono, waxayna arrintaas horseeday walaac ah in 'tirada waraaqaha codeynta ee la tuuri doono ay badan tahay'.

Ka hor inta cudurka Koroona uusan ka dilaacin Mareykanka, gobollada wuxuu xeerarkooda qeexayay in warqadda codeynta marka lagu dirayo boostada uu soo saxeexo qof goob jooga ah, tan iyo markii cudurkan safmarka ah uu ka bilowday gobollo badan, waxay dabciyeen tallaabooyinkaas.

Gobollada kala ah North Carolina, South Carolina, Oklahoma, Alaska iyo Alabama, waxay sheegeen in ugu yaraan hal qof oo goob jooge ah loo baahan yahay marka warqadda lagu dirayo boostada.

Man posts mail-in ballot in Maryland

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wakhti dheer ee qofka uu waddada ku soo socdo

Dad badan oo ku nool deegaanno ka fog magaalooyinka, waxay waddada ku soo jiri doonaan saacado badan si ay u tagaan goobaha ay codkooda ka dhiibanayaan.

Dacwado ay gudbiyeen xubno ka tirsan ururka Navajo Nation ee Gobolka Arizona, ayaa lagu codsaday in dadka wakhti badan la siiyo si ay u tagaan xarumaha boostada ee laga codeynayo maadama 707-dii Mile-ba uu ku yaallo hal xafiis oo laga codeeyo.

Sharciga qeexaya kaarka aqoonsiga

Dadka marka ay yimaadaan goobaha laga codeynayo, waa in ay soo bixiyaan sharcigooda aqoonsiga ah si loo ogaado waxa ay yihiin.

Ilaa 35 gobol, waxaa khasab ah in qofka uu xarunta codbixinta la yimaado sharciga aqoonsiga, halka qaar kalena ay ogolyihiin adeegsadii waraaqo kale oo sharci ah mar haddii uu lumo sharciga aqoonsiga.

Balse sharcigaas qeexaya in la wato kaararka aqoonsiga kama jiro gobollo dhowr ah sida Wisconsin, Texas, Kansas, Indiana, Tennessee, Missouri iyo Georgia.

In magacyada laga saaro diiwaanka

Doorashada Mareykanka waxaa maamulayaa deegaannada - deegaan kasta ama gobol kasta wuxuu leeyahay xeerarka ama sharciyo u gaar ah,. Gobollada qaar waxay markasta magacyada codbixiyeyaasha ka saaraan diiwaanka codbixinta ee horey loo diyaariyay - waxay taas ka dhigan tahay in codbixiyeyaasha ay markale is diiwaan geliyaan.

Maxkamad ku taallo gobolka Wisconsin waxaa yaallo kiis ku saabsan in 130,000 qof laga saaro diiwaanka codbixiyeyaasha, shirkadda qaabilsan sharciga ayaa dacwad ka gudbisay gobolkan maadama ay sheegeyso in guddiga uusan si degdeg ah uga saarin diiwaanka codbixiyeyaasha.

Nin ka ganacsado tufaaxa oo ku sugan suuq ku yaalla gobolka Wisconsin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin ka ganacsado tufaaxa oo ku sugan suuq ku yaalla gobolka Wisconsin

Xisbiga Jamhuuriga waxay sheegayaan in guddiga uu ku guuldareystay inuu raaco sharciga si magacyada codbixiyeyaasha ay weli ugu sii jiraan liiska halka dimuqraadiga ay sheegayaan in arrintan loo sameynaya maadama ay saameyn ku yeelan karto dadka da'da yar, kuwa saboolka ah ama codbixiyeyaasha laga tiro badan yahay ee aan heysan hoy joogto ah.

Maxaabiista oo laga mamnuucay in ay codeeyaan

Inta badan gobollada waxay xayiraad ku soo rogeen codeynta maxaabiista loo heysto dambiyada halista ah ee lagu riday xukunka, halka qaar ka mid ah gobollada ay dib u soo celiyeen arrinta ah in maxaabiista ay codeyn karaa mar haddii xukun lagu riday halka qaar kalena ay codeyn karaan mar haddii la sii daayay, kaddib marka qeyb ka mid ah xarigga ay dhameystaan, ama marka ay bixiyaan ganaaxa lagu soo rogay.

Sannadkii 2018-kii, gobolka Florida wuxuu 1.5 malyan oo maxaabiis ah oo loo heystay dambiyo fudud u ogolaaday in ay codeeyaan, dhawaan gobolka wuxuu isbeddal ku sameeyay sharcigaas, kaas oo qeexaya inay codeyn karaan ka dib marka ay bixiyaan ganaaxa lagu soo rogay.

Duqii hore ee magaalada New York, Mike Bloomberg, ayaa 16 milyan oo doolar ku deeqay maxaabiis si uu uga bixiyo ganaaxa lagu soo rogay isla markaana ay u codeeyaan.

Taariikhda madow

Faquuqa dhanka codeynta ma ahan arrin ku cusub Mareykanka - doorashooyinkii ugu horreeyay waxaa codeyn karay dadka caddaanka oo keli ah.

Dad madow ah oo dibadbaxyo dhigayay sanadkii 1963-dii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad madow ah oo dibadbaxyo dhigayay sanadkii 1963-dii

Ka dib dagaalladii sokeeye, markii dadka madowga ee Mareykanka loo golaaday in ay codeeyaan, waxaa la dul dhigi jiray shuruudo ay ka mid yihiin canshuur celin iyo imtixaan lagu ogaanayo waxbarashadooda.

Sannadkii 1965-tii waxaa la meel mariyay sharciga codeynta, waxaana meesha laga saaray shuruudahaas.