Trump oo ku baaqay in doorashada Mareykanka dib loo dhigo
Madaxweynaha Masar ayaa saxiixay sharcigan
Tebin toos ah
War deg deg ah, Trump oo ku baaqay in dib loo dhiga doorashada Mareykanka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku
baaqay in dib loo dhiga doorashada madaxtinnimadadalkaasi ee 2020, isagoo sabab uga dhigay
inay jiri karta wax isdaba marin dhinaca codadka boostada, inakstoo aysan jirin
caddeymo muujinaya walaaca Trump
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Xukunka weriye Gurbiye oo la cambaareeyay
Xigashada Sawirka, Gurbiye
Qoraalka sawirka, Weriye Gurbiye
Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa
sheegtay in dacwada loo haysta Weriye Cabdicasiis Gurbiye ee uu ku muteustay
xarig lix bilood ah ay tahay mid liddi ku ah “heshiisyada caalamiga ah ee
xuquuda aadanaha” ee ay Soomaaliya saxiixday.
“Heshiisyadaasi waxa ay bari yeelayaan xaqa ay dadku u leeyihiin
inay dhaleeceeyaan masuuliyiinta dowladda iyo hay’adaha dowliga ah” ayay
tiri Laetitia Bader oo ah
cilmi baare ka tirsan Human Right Watch
Qoraalka sawirka, weriyayaal ku sugan garoonka Muqdisho
14 bishii April ayay booliska u yeereen Gurbiya ka dib markii uu bartiisa Facebook ku soo qoray qoraal uu ku dhaleeceynaya qaabka ay dowladdu uga jawaabtay Covid19.
Agaasimaha Goobjoog sheegay in sababta loo heystay weriye Gurbiye ay ahayd in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Soomaaliya, arrintaas oo ilaa iyo hadda aysan ka hadlin madaxda dowladda federaalka.
"Go'aanka wuxuu ahaa mdi cadaalad darro oo aan sharciga loo marin, garsooraha wuxuu xukumay wax uusan aqoon u lahayn, mana la ixtiraammin xeerarka wadanka u yaala sida xeerka saxaafadda, wuxuu na ahaa go'aan cagajugleyn ah, mana lasoo bandhigin wax caddeyn oo ka dhan ah eedeysanaha", ayuu yiri agaasimaha warbaahinta Goobjoog Xassan Maxamud Maxamed oo la hadlayay BBC-da.
Qofkii aan maaskara xirnayn waa laga saari doonaa aqalka wakiilada Mareykanka
Hogaamiyaha Aqalka wakiilada Mareykankaayaa amar ku bixisay in dhammaan xubnaha ka
tirsan Aqalka Wakiilada iyo shaqaalaha ay xirtaan maaskarada iyadoo tirada
dadka u dhintay faryraska korona ee dalkaasi ay hadda gaartay 150,000
Nancy Pelosi waxa ay ka dhigtay qofkii ku xadgudbaa
amarkaasi laga saari doono dhimsha Aqalka.
Go’aankan ayay qaadatay ka dib markii xildhibaan
ka tirsan Aqalka Wakiilada Louie Gohmert, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo
aan xiran jirin maaskarada laga helay cudurka covid19 Arbacadii.
Waxaa
lagu waday inuu maalinkaasi safar la gala madaxweyne Donald Trump.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Nancy Pelosi
Nin dilay daanyeer naadir ah oo 11 sano oo xariga ah lagu xukumay
Nin dilay mid ka mid daanyeerada naadirka ee ku
nool buuraleyda ayay maxkamad ku taalla Uganda ku xukuntay 11 sano oo xabsi ah
Felix Byamukama ayaa qirtay dambiga ah inuu si sharci darro ah
u galay goob la ilaaliyo iyo dilka daanyeerkaasi caanka oo lagu magacaabi jiray
Rafiki
Byamukama ayaa horay u sheegay inuu
iska difaacayay daanyeerka oo soo weeraray taasoo keentay inuu toogto.
Daanyeerada
ku nool buuraha ayaa la aaminsanyahay
inay ka mid yihiin duurjoogta khatarta ugu jirta inay dabar go’aan waxaana la
sheegay in 1,000 xabbo oo kali ah ay dunida ku soo hartay.
Waaxda Duurjoogta Uganda ayaa
sheegtay in Rafiki uu helay caddaalad.
Sharciga cusub ee Masar ee ka mamnuucaya milatariga inay siyaasadda galaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Sisi
Madaxweynaha Masar Cabdil Fataax Al Siisi ayaa saxiixay sharci
ka mamnuucaya masuuliyiintii horay uga tirsanaa milatariga inay u tartmaaan
madaxtinnimada ama baarlamaanka iyagoo aan fasax ka heysan golaha sare ee
milatariga.
Waxaa sidoo kale laga mamnuucay inay ku biiraan axsaabta
siyaasadda.
Dadka dhaliishan sharcigan ayaa sheegay in Siisi uu arrintani
uga gol leeyahay inuu ku hubiya in xubna ka tirsanmilatariga aysan ku dhiiranin loolan
siyaasadeedoo isaga ka dhan ah.
Sanadii 2018 ayay ahayd markii taliyihii hore ee milatariga
dalkaasi Sami Anan xabsiga loo taxaabay markii ay miltariga ku eedeeyeen inuu
doonyay inuu u tartama doorashada madaxtinnimada isaga oo aan idim u haysan