Maxay tahay sababta aan fiidmeerta loogu eedeyn inay keentay cudurka Covid-19?

Fiidmeerta waxay dunida ku nooleyd in ka badan 50 malyan oo sano

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Fiidmeerta waxay dunida ku nooleyd in ka badan 50 malyan oo sano

Dr Mathieu Bourgarel wuxuu cilmi baaris ku sameynayay xayawaanka fiidmeerta, wuxuu booqasho ku marayay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla dalka Zimbabwe, wuxuu tegay godadka iyo goobaha ay ku nooshahay fiidmeerta.

Wuxuu xirtaa qalabka jirkiisa oo idil daboolayo si uu cilmi baaris ugu sameeyo noolahan oo lagu eedeeyay fiditaanka cudurka Covid-19.

Shacabka ku nool Zimbabwe waxay fiidmeerta ugu yeeraan magacyo ay kamid yihiin "Jiirkii duulayay" "Midda xun"

Wuxuu sheegay in fiidmeerta ay tahay xayawaan 'Cajiib ah", "Dadka waxay ka argagaxaan waxa aysan garaneyn"

Godadka ay nooshahay fiidmeerta ee ku yaalla Zimbabwe halkaas oo ay khubarrada ka wadaan cilmi baaris

Xigashada Sawirka, M Bourgarel/Cirad

Qoraalka sawirka, Godadka ay nooshahay fiidmeerta ee ku yaalla Zimbabwe halkaas oo ay khubarrada ka wadaan cilmi baaris

Dr Bourgarel wuxuu ka tirsan yahay macadka cilmi baarista ee fadhigiisu yahay Faransiiska ee la yiraahdo Cirad, wuxuuna inta badan dabagal ku sameeyaa feyraska, wuxuu la shaqeynayaa jaamacadda Zimbabwe, wuxuu soo uruurinayay saxarada iyo goobaha ay ku nooshahay fiidmeerta.

Seynisyahanada waxay cilmi baaris ku sameeyeen fiidmeerta, waxayna fiidmeerta ka heleen feyraska Koroona oo ka duwan kan banii'aadanka ku dhaca balse wuxuu bahwadaag la yahay cudurrada kala ah Sars iyo Sars-CoV-2.

Cilimi baaristan ayaa ah mid caalami ah oo dunida ka socota si loo ogaado feyrasyada ay siddo fiidmeerta.

"Dadka deegaanka waxay booqdaan godadka ay ku nooshahay fiidmeerta si ay usoo uruursadaan saxaradeeda uguna isticmaalaan bacriminta beerahooda, waxaa muhiim ah in la ogaado in cudurrada ay siddo fiidmeerta ay u gudbi karto banii'aadanka" ayuu yiri Dr Elizabeth Gori oo ka tirsan jaamacadda Zimbabwe.

Seynisyahanada waxay xirteen dhar daboolayo jirkooda oo u idil marka ay cilmi baarista ku sameynayaan fiidmeerta

Xigashada Sawirka, M Bourgarel/Cirad

Qoraalka sawirka, Seynisyahanada waxay xirteen dhar daboolayo jirkooda oo u idil marka ay cilmi baarista ku sameynayaan fiidmeerta

Khuburrada waxay bilaabeen olole ay ugu magac dareen "Haku eedeyn fiidmeerta inay keentay cudurka Covid-19" si meesha looga saaro khuraafaadka iyo wararka marin habaabinta ah ee ku saabsan in cudurka uu ka imaaday fiidmeerta isla markaana laga hortaggo in aan la ciribtirin.

Waxay sheegayaan in fiidmeerta ay noqotay xayawaanka aanan la fahmi karin isla markaana fikrad xun laga aaminsan yahay guud ahaan dunida, waxay arrintaas si weyn usoo ifbaxday xilli dunida uu ku baahay feyraska Koroona.

Presentational white space

Arrimaha dhabta ah ee ku saabsan fiidmeerta

  • Fiidmeerta waxay kamid tahay noolaha naasleyda ah ee duula.
  • Waxay cunta cayayaanka, sanad kasta beeraleyda Mareykanka waxaa u badbaadaa isticmaalka 3.7 balyan oo doolar oo lagu kharash gareyn lahaa cayayaanka waxyeelleynta u geysta dalagga maadama fiidmeerta ay arrintaas wax ka qabato.
  • In ka badan 500 oo geedo kala duwan ah ayaa ku tiirsan fiidmeerta gaar ahaan marka ay cuntada sameynayaan.
  • Fiidmeerta waxaa saameyn ku hayaa xaalufinta lagu hayo deegaanka,isbaddallada cimilada iyo ugaarsiga.

Isha warkan: Ururka caalamiga ah ee ilaaliyo fiidmeerta

Inta badan seynisyahanada waxay aaminsan yihiin in feyraska uu xayawaanka u gudbiyay banii'aadanka, kama dhigno in eeda dusha looga tuuro fiidmeerta.

Forest loss, Borneo

Seynisyahanada waxay ku qiyaaseen in saddex kamid ah afartii cudur ee soo ifbaxa ay ka yimaadeen xayawaanka, waxay digniintaas timid sanadkii 2002-dii kaddib markii uu uu Shiinaha ka dilaacay cudurka Sars oo ay u dhinteen 800 qof guud ahaan dunida.

Sanadkii 2017-kii ayay aheyd markii fiidmeer ku nooleyd dhul buuraley ah oo ku yaalla gobolka Yunnan ee Shiinaha la ogaaday inay sidday feyraska Sars ee banii'aadanka ku dhaca, waxayna ka digeen in cudur lamid ah midkaas uu markale dunida ka dilaaci doono.

Intii aan eedeyn laheyn hal xayawaan waa in aan ka shaqeynaa sidii aan u ilaalin laheyn xayawaanada, ayuu yiri Dr Rocha.

Fiidmeerta waxay ka hortagtaa cayayaanka dhibaatada ku haya dalagga, waxayna ka shaqeysaa la dagaalanka isbaddalada cimilada.

Fiidmeerta oo duuleysa
Qoraalka sawirka, Fiidmeerta duuleysa

Waxaa ka dhalan kartaa natiijo xun haddii la ciribtiro fiidmeertan, in xayawaanada ay cudurka u gudbiyaan banii'aadanka waxay ka dhalataa banii'aadanka oo u ugaarsado xayawaanadaas" sida uu sheegay Dr David Robertson oo ka tirsan jaamacadda Glasgow.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay "Muddo tobonaan sano ah wuxuu feyraska Sars Covi-2 ku dul wareegayay fiidmeerta"

Waxaa soo baxayay warar sheegayo in dhibaato lagu hayo fiidmeerta ku nool dalalka Peru, India, Australia, China iyo Indonesia.

Nooc kamid ah fiidmeerta ku nool Masar
Qoraalka sawirka, Nooc kamid ah fiidmeerta ku nool Masar

Seynisyahanada waxay sheegayaan in wararka marin habaabinta ah ee ku saabsan fiidmeerta ay horseedeen in la laayo ama ay jiri karto halista ah in cudurka la faafiyo.

Fiidmeerta waxay qarniyaal badan ku ag-nooleyd banii'aadanka, tusaale ahaan jaamacadda Coimbra ee ku taalla Bortuqiiska waxay fiidmeerta ku nooleyd maktabadda muddo ka badan 300 oo sano, waxay cuneysay cayayaanka dhibaatada u geysan lahaa buuggaagta maktabadda.