You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maalinta kahortagga is-dilka: "Aabahey in uu isdilo maka joojin karay?"
Waxeynu maleynaa in aan sawir ka haysano sida uu u ekaan karo is-dilka marka uu qofku yaryahay, balse marka ay da'da noqdaan badanaa dabeecaduhu way kala duwanyihiin.
Kris Griffiths waligii ma fileynin in uu aabihiii uu gacantiisa isku dili doono hase yeeshee hadda wuxuu yaqiinsaday in dhowr jeer uu badbaaday.
Hadii aad joojiso qof wadada socda aadna waydiiso waa maxay erayga "is-dilka ragga " waxaa malaha durbadiiba maskaxdaada ku soo deg-degaya heesaa caan ah laga yaabee in aad xusuuto Kurt Cobain ama Keith Flint, ama dabcan ciyaaryahan caan ah sida Gary Speed.
Aragtidaan waxaa lagu taageeray xadi tirakoob ah : is-dilka dhanka ragga ee ugu weyn kana dhaca gudaha Britain waa da'da ka hooseeysa 50, iyadoo da'da 45 sano jir ilaa 49 ay tahay tan ugu sareeysa sida lagu xusay daraasad rasmi ah oo laga sameeyay dhawaan England iyo Wales.
Tirooyinka ayaa sidoo kale si cad u xaqiijinaya in guud ahaan heerka is-dilku uu aad kor ugu kacay uuna gaaray heerkii ugu sareysay oo ah 2000, iyadoo 75% ay rag yihiin - islamarka hal qof ayaa qiyaastii is dila labadii saacadoodba.
Balse marka la eego tiradaan walaaca xambaarsan waxaa jira tira koob qorsoon oo sheegaya inay jiraan rag is dila oo aan lagu sheegin sheekooyinkooda Telefishinada iyo Twitter-ka .
Aabe wuxuu jiray da'da 76 jir markii uu nafta iska qaaday 18 bilood kadib markii ay hooyo u geeriyootay xanuun hayay muddo dheer, waxaa garabkiisa ka baxay dad nolashiisa muhiim u ahaa waxaana mudaba sii kordhayay in uu dareemo kalinimo inkasta oo caruurtiisa iyo kuwa awoowaha uu u yahay ay booqosho joogto ah ugu tagi jireen.
Mid ka mid ah sababaha ay saddex jeer raggu uga badan yihiin dumarka is dila, ayaa si weyn loogu maleynayaa inay tahay u hoggaansamida noolosha oo dhan ee qaababka habdhaqanka qaybaha kala duwan ee bulshada.
isticmaalka daawooyiina iyo isticmaalka maandooriyayaasha sida Khamriga ayaa sidoo kale aad ugu badan ragga, taas oo had iyo jeer sii kordhisa dhibaatada, keentana arrimo horseedi kara in qofku uu ku fikiro in uu is -dilo.
Waxaa inta badan jira farqi u dhaxeeya sababaha kala saaraya dadka da'da yar iyo kuwa da'da waaweyn islamarkana waxyaabaha ku hoggaamiya in ay is dilaan waxaa ka mid ah welwelka iyo niyad-jabka shaqo la'aanta iyo cadaadiska la saaro dadkaas da'da ah oo ah waxa ugu badan ee la soo hadal qaado marka ay timaado waxyaabaha loo aaneyo is dhaafinta nafta.
Dadka waaweyn ayaa la sheegayaa inay is dilaan marka da'doodu gaarto 70 iyo ka badan waxaana sbab looga dhigay in ay dareemaan cidlo ama kalinimada .
"Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kalinimadu ay dhaawici karto caafimaadka qofka iyadoo kor ukac ay sameeyaan hoormoonada qaabilsan heerarka walbahaarka, taas oo iyana kordhin karta halista cudurka wadnaha, waallida iyo xitaa iskudayada is-dilka."
"Marka laga hadlo Xaaladda aabahey waxaa uu waayay xaaskiisii oo ahed 45 jir isla markaana isaga daryeeli jirtay ,markii ay dhimatay kadib ma uusan helin wax daryeel ah mana jirin booqosho ay ugu imaanayeen caruurtiisa qaarkood,waxaana uu dareemay kalnimo".
Xitaa markaa kadib ma jirin wax dareen ah oo ku saabsan faraxdihii uu ka heli jiray waxyaabihii uu jeclaa jiray ee uu kala qayb gali jiray qoyska sida ciidaha Kirismaska, waxaana ku bilowday xanuun dhaqaatiirtuna ma aysan ogaan waxyaabaha sababay cudurka haleelay .
Markii uu yaraa wuxuu ahaa nin raaxeysta isla markaana ku faraxsan shaqdiisa waxaana uu markii dambe noqday oo uu nolashiisa ku dhameystay darawal Bas, wuxuuna cabi jiray Khamriga iyo Sigaarka.
Sanamkiisii majaajillada waxaa lagu magacaabi jiray Norman Wisdom - waligiis ma heli doono filimadiisa qosalka lahaa - laakiin sidoo kale waxaa si qoto dheer u taabtay muusiggi fannaaniintii uu ugu jecelaa ee Elvis iyo Roy Orbison, wuxuu daawan jiray dhammaadka usbuuc kasta .
Aragtida shakhsiyadeed ee is-dilka sida uu caddeeyay cilmi-baare dhanka climi-nafsiga ah oo lagu magacaabo Dr Thomas Joiner, oo isaga qudhiisa aabihii uu is-dilay, ayaa soo jeedinaya inay jiraan dhowr sababood oo keeni kara in qofku uu is-dilo.
Waxaa ka mid ah waxyaabahaas sababa "culays la dareemo".Markay dhalinyaradu ka hadlayaan is-dilka ama ay oranayaan'Waxaan rabaa inaan dhinto', dadka waayeelka ah waxay u badan tahay inay dhahaan iyaguna 'ma doonayo inaan culeys dareeno', ayuu yiri Patrick Arbore.
Sida loo helo caawimaad
Maalintii iigu murugada badaneed waxey ahed xili galab ah oo aabe iigu yimid gurigeyga isagoo ka yimid meel 70 mayl ii jirtay si uu iila joogo muddo saacaad ah taasi oo uusan waligii hore u sameynin "waxeyna ahed markii iigu dambeysay ee aan arko.
In aan arrintaan ka shalaynayo waxey bilaabatay wakhti hore maxaa yeelay waxey aheyd markii iigu horeysay oo aan arko isaga oo kaligiis guriga jooga isla markaana aney suurta gal u aheyn in uu sameeyo waxyaabaha qaar marka laga reebo daawashada Tv-ga ee maalinlaha ah.
Marka la gaaro wakhtiga aan guriga ku laabanayo mararka qaar wuxuu i waydiin jiray hadii aan la sii joogi karo maalin kale taasi oo aanan awood jirin mar walba ,marka waxaan dareemi jiray dambi.
"Xaaladaha qaarkood maaha kuwo joogto ah ayuu yiri Dr Yeates Conwell".waxaana jira ayaa la leeyahay walaaca qofka ku abuurama oo la xiriira dhimasho iyo nolal.
"Waxaa jirta rejo ah in uu qofku noolaado ama rejo ah in uu dhinto oo qofka qalbigiisa ku soo laalaabata."
Waxyaabaha inta badan sababa arrimahaan ayaa ugu badan niyad jabka iyo welwelka waxaana dadka ay u horseedaan in uu ku fikiro in uu qudha is jaro iyadoona dadka waaweyn ay ubadanyihiin xaaladahaan,waxaana cabsi laga qabaa in ay kordhaan tirada dadka is dilaya.
Sanadkii 2009-kii dhageysi dacwadeeda oo mareykanka ka dhacday ayaa lagu ogaaday in dawooyinka qulubka ama niyad- jabka loo isticmaalo ay si weyn hoos ugu dhigeen is-dilka, dadka gaar ahaana dadka waaweyn oo da'doodu gaareyso 65 iyo ka badan.