Senegal oo hanatay koobka Qaramada Africa
Koobka waxaa loo gacan geliyay Kalidou Koulibaly, kabtanka ka maqnaa ciyaarta caawa sababo la xidhiidha ganaax. Isagu wuxuu u dhiibay Sadio Mané, kaas oo kor ugu qaaday cirka isaga oo si guul leh u qaylinaya. Senegal ayaa markale hanatay koobka Qaaradda Afrika.
Ciyaartooyda reer Senegal ayaa sawirro ku galaya koobka iyaga oo qaarkood garoonka farxad la dhex roorayaan, waxay dhigeen taariikh baal dahab ah ugu qornaan doonta qarankooda kadib markii ay garaaceen xulkii koobka martigelinaayay.