You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay tahay sababta ay iisu dilaan dadka ku nool magaalada Nyadaraua ee dalka Kenya?
Magaalada Nyadaraua ee ku taallo bartamaha dalka Kenya waxaa sanadki la soo dhaafay isku dilay dad gaaraya 70 qof.
Barnaamijkaa baarista ee BBC Afrika Eye ayaa baaritan ku sameeysay mowduuc ku saabsan ragnimada ee qaaradda Afrika. Warbixinnada oo ah kuwa taxanaha ah warbixinta ugu horreysay waxaa laga sameeyey magaalada Nyadaraua oo ku taallo bartamaha Kenya magaaladaasi oo sanadki la soo dhaafay ay isku dileen 70 rag ah.
Waanja waa sarkaal Boolis waxaana looga yeeray tuulada Shamaata oo uu qof isku dilay, qofkaasi isdilay oo ah kii seddexaad ee toddobaadkan gudahiisa.
Ninka isdilay wuxuu ahaa 40 jir xaasleh oo aabba ahaa, walaalkiis oo naxsan ayaa u yimid inuu hubiyo meydka inuu yahay walaakii, balse dadka hortuban guriga maydka walaalkii uu ku jira ayaa dajinaya balse xanuun badan ayey ku abuurta geerida walaalkii.
10-ki sano ee la soo dhaafay tirada dadka isdla ee Kenya wey laba laabantay, gobolkan oo keli ah tirada ka jirtay aad ayey u badneyd, sanadki la soo dhafay oo kale tirada waxay ka badneyd 70 sida laga soo xigtay booliska dadkaasi oo rag u badnaa.
"Maxay tahay sababata arrintani ay agagaarkenna marwalba uga dhaceyso. Tirada saboolnimada waxay ka badan tahay meelah kale waxaa suuragal ah iney tirada dadka isdilo ay badato ay uga wacan tahay tiradaasi badan" ayuu yiri TaliyahaBooliska Shamata, Joseph Mathenge.
Haaweeney ka warrantay ninka isdilay oo ay aqoon iisu lahaayeen waxay sheegtay "inuu gaaray rajo xumo halki ugu dambeysay shaqa ma haysan khamri badan ayuu cabi jiray waxaana ku adkeyd inuu helo lacag uu wiilkiisa waxbarasha ugu diro kaddibna xaaskiisa ayaa ka tagtay."
Ragga ku nool waddanka Kenya saboolnimo, deyn iyo welwel ayey la aamusan yihiin. Hadda waxay hoggaamiyeyaasha bulshada billaabeen iney ku dhiirradaan iney hadlaan oo isweydiiyaan "maxaa keenay iney dadkeennu marwalba isdilaan?".
Nin ka mid ah dadki wadatashiga hooggaanka bulshaada ay booliska la yeesheen ka qayb galay wuxuu yiri "Arrima badan ayaa haysta ragga mana haystaan meel ay aadaan ama dhibka haysta ay u miciinsadaan."
Faransis waa wiil 19 jir ah aabbihiis wuu isdilay wuxuuna qirtay inuu isaguba ku fakaray inuu isdilo balseqaraabadiisa ayaa ka joojisay waxayna durbadiba heleen qoraalka ah inuu isdilayo hase yeeshee aabbihii ayaa kaga hormaray.
"Marki aan waraqadda ah inaa isdilayo dhab ayey iga ahayd balse markaa ma sameeyn qorshahana hadda iiguma jirto inaan sameeyo maxaa yeelay waxaan hadda dareemayaa xanuunka in la iga tagay mana doonayo cid kale iney sidaa dareento."
Isdilka mudda dheer ayey deegaankan ka jirtay rag badan ayaana isdilay waxayna tahay in qaar ka badan bulshooyinka Kenya ka mid ah ay qirtaan iney tani tahay mushkilad guud oo loo baahan yahay in wax laga qabto.