Salman Khan markii uu aflaanta ku soo biiray 32 sano ka hor

Xigashada Sawirka, Salman Khan/Facebook
Salman Khan, oo shaleemooyinka Hindiya looga yaqaanno Suldaan, ayey dhawaan u u buuxsantay 32 sano oo uu jilayay filimada shirkadda Bollywood.
Filimkii ugu horreeyay ee uu jilay Salman Khan, oo lagu magacaabo Biwi Ho To Aisi, wuxuu soo baxay 22-kii bishii August ee sanadkii 1988-kii.Salman wuxuu filimkan ka ahaa atooraha labaad. Rekha iyo Farukh Sheikh ayaa kaalimaha ugu muhiimsan ka lahaa filimka Biwi Ho To Aisi.
Halkan waxaa kusoo bandhigeynaa qaar ka mid asawirrada Salman Khan, oo waagaas caato ahaa, kuwaasoo uu taageerayaasha kula wadaagay baraha bulshada.
Sawirradan oo dadka intooda badan aysan arkin waxay Salman Khan u muujinayaan si aad uga duwan sida uu maanta yahay.

Xigashada Sawirka, Salman Khan/Fb
Salman Khan aabihiis wuxuu ahaan jiray qoraa si weyn loo yaqaanno. Waxaa jilaagan maanta loo yaqaannaa inuu yahay qofka gacanta ku haya guud ahaan shirkadda Bollywood, oo qofkuu rabo u fasixi kara, qofkuu rabana u diidi kara.
Sidoo kale wuxuu leeyahay taageerayaal aad u badan oo ku taxan bogaggiisa baraha bulshada.
Salman waxa uu aad u jeclaan jiray farshaxanka loo adeegsado rinjiga. Waxaa jira farshaxanno badan oo uu ku xardhay guriga saaxiibkiis Aamir Khan.

Xigashada Sawirka, Salman Khan/fb
Wuxuu farshaxanka ka bartay hooyadiis, Salma, oo farshaxamiiste ahayd.
Waxaa la sheegaa in Salman Khan uusan waligiis dib u eegin muuqaallada uu jilo marka la saxayo. Marka uu duubo qeyb ka mid ah filimka, wuxuu usii gudbaa qeybta xigta, halka hagaha iyo soo saareyaasha ay dib u hubinayaan waxa uu markaas duubay.

Xigashada Sawirka, Salman Khan/fb
Wuxuu atoorahan Bollywood ku sameeyay filimo aad u badan oo si weyn looga daba dhacay. Filimadiisa ugu caansanna waxaa ka mid ah:
Sultan, Tiger Zinda Hai, Ready, musalsalka Dabangg, Hum Aapke Hain Kaun, Bodyguard, Kick, Wanted, Tere Naam. Salman wuxuu sidoo kale sameeyay Bigg Boss.

Xigashada Sawirka, Salman Khan/fb
Magaciisa saxda ah waa Abdul Rashid Salim Salman Khan. Wuxuu magaalada Indore, ee dalka Hindiya ku dhashay 27-kii bishii December ee sanadkii 1965-kii. Hadda da'diisu waa 54 sano.
Waxaa hantida ama lacagtiisa Salman lagu qiyaasaa $260 milyan oo doolar.

Xigashada Sawirka, Salman Khan/fb
In ka badan 30 sano oo uu xirfaddan kusoo dhex jiray wuxuu ku muteystay abaalmarinno farabadan, oo ay ku jiraan labo National Film - oo uu ku muteystay dhinaca soo saarista filimada iyo waliba labo Filmfare - oo lagu siiyay xirfadda jilitaanka.










