You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dilkii loo geystay George Floyd oo sababay Mareykanka oo dhan iney mudaharaadyo gilgilaan
Mudaharaadyo ballaadhan ayaa dalka Mareykanka oo dhan ka socda, mudaharaadyadaasi oo ka dhashay dilkii boolis caddaan ah oo ka tirsan gobolka Minnesota u Isniinti u geystay wiil madow ah oo aan hubeysnayn.
George Floyd ayaa geeriyooday kaddib marki uu askari boolis ah uu jilibka qoorta ka saaray isaga oo gacmaha ka katiinadeysan.
Gobolka Minnesota uu dilka Floyd ka dhacay waxaa Sabtidi laga howl geliyey ciidamada ilaalada qaranka si ay uga hortagaan mudaharaadyada rabshadaha wata ee halkaasi ka socda.
Waa qaar ka mid ah sawirra muujinaya mudaharaadyada gilgilay dalka Mareykanka.