Sumadda xoolaha Soomaalida: Ururin xog iyo faallayn

Inta badan sumad caanooddu waxay u taagtan tahay baadisooc

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Inta badan sumad caanooddu waxay u taagtan tahay baadisooc
    • Author, Dr Jaamac Muuse Jaamac
    • Role, Qoraa arrimaha dhaqanka Soomaalida

Maanta xoolaha daaqa agagaarka magaalada Hargeysa waxa ku qoran tirsiga telefoonka mulkiilaha, riyaha magaalada iyo geelaba na waxa aad ku arkaysaa nambarka teleefonka oo khad madow lagu qorey.

Haddii gaadhigaagu jiidho amase baadi ay noqdaan xoolahaasi, waxa aad la hadli karaysaa mulkiilaha, hadii aad heshiisaanna waxa aad cawilcelintiisa ugu diri karaysaa Zaad.

Dalalka Waqooyiga Maraykan iyo Yurubna neefka xoolaha ahi kolka uu dhasho ayaa "microchip" (mishiin yar oo ili maqabtay ku dhow) jidhka hoostiisa laga geliyaa si loola socdo noloshiisa loogana dhigo baadisooc.

Haddaba Reer Galbeedka iyo Soomaaliduba waxa ay lahaayeen hab soo jireen ah oo xoolaha loo sunto.

Ujeeddada qoraalkani waa ururinta sumadaha ay Soomaalidu xoolaha ku dhigan jirtey, walina ku dhigato, sida geela, lo'da iyo adhiga.

Waxa aynu gaar ahaan xoogga saari doonnaa ishinka. Sumaddu waxay ka kooban tahay calaamad, ama dhowr calaamadood oo la is raaciyey, oo la isla yaqaanno.

Waxa halkan lagu kaydiyey waa calaamadaha, gaar gaar, calaamad kastana waxa la sheegay:

  • Xoolaha loo adeegsado iyo halka neefka lagaga dhejiyo
  • Qeex kooban oo sharraxaysa sansaanka ay leedahay calaamaddu,
  • Haddii ay jiraan magacyo kale oo isla calaamaddan loo yaqaannaa
  • Sawir rasmi ah oo summadda ay calaamaddu ka mid tahay laga qaaday amase sharraxaad dheeraad ah oo ku saabsan sida ay calaamaddu u eeg tahay,
  • Iyo ugu danbayn Abtirsiimada ereygu halka uu ka soo jeedo, marka la garanayo.
JAAMAC

Xigashada Sawirka, DR JAAMAC

Maxaa loo suntaa, goormaase la suntaa xoolaha?

Xoolaha waxa loo suntaa in ay u noqoto astaan lagu garto cidda iska leh, oo haddii xoolahaas oo baadi ah lala kulmo, loogu soo sooco cidda iska leh, looguna dhowro oo loogu celiyo ama loogu tilmaamo. Waxa la suntaa inta neefku uu yar yahay, sumadduna waa mid raagta oo aan duugoobin.

Suntidda xooluhu, gaar ahaan geela, waxa ay dhacdaa laba jeer:

  • Sumadda dabka lagu dhufto neefka oo ah mid xanuun badan, hawlna badan oo reerku aad ugu diyaar garoobo; iyo
  • Sumad caanood oo ah sarriin amase goyn neefku marka uu dhasho meel jidhkiisa kamid ah la saro amase la gooyo (dhegta oo la jeexo amase cad laga gooyo).
BB

Inta badan sumad caanooddu waxay u taagtan tahay baadisooc. Reer kasta oo degaan-wadaag ahi waxa ay leeyihiin sumad ay wadaagaan oo loo ogyahay, laguna yaqaanno xoolahooda. Sumadda waxa qeexa inta iyo noocyada calaamadood ee ay ka kooban tahay iyo halka ay kaga taallo neefka.

Baadisoocdu na waa calaamad ka yar sumadda oo xoolaha isku sumadda ah lagu sii kala saaro. Si sax ah looma oga xilliga ay Soomaalidu bilowday inay xoolaha suntanto.

Can jiid (ama: Canjiid). [Geela] (ku taalla: Daanka). Summad alif dheer ah oo xoolaha daanka lagaga dhigo.

Xigashada Sawirka, Dr Jaamac

Qoraalka sawirka, Can jiid (ama: Canjiid). [Geela] (ku taalla: Daanka). Summad alif dheer ah oo xoolaha daanka lagaga dhigo.

Sumadda xoolaha iyo caalamka: taariikh soojireen ah

Adduunyada kale waxa ay leeyihiin agab lagu sunto xoolaha oo heerar kala duwan soo maray. Waxa lagu tilmaamaa sanadkii 1490 markii uu uu Kolombo safarkiisii labaad ku tagay qaaradda Ameerika, ee la bilaabay in la dhaqdo lo'da in isla markaaba ay bilaabantay sumadda xooluhu.

Laga soo bilaabo 1800 waxa la adeegsan jirey bir u samaysan sida shaambadda oo xarfo, tirooyin amase astooyin joomatari ku qoran yihiin oo lagu gubo meel ka mid ah jidhka neefka oo muuqata.

Dalalka Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika waxa ka jiray muddooyin badan xafiis u gaar ah diiwaangelinta sumadda xoolaha. Haddase waxa la soo gaadhay in neefka meel jidhkiisa lagu aaso "microchip" (mishiin yar oo kombiyuuter ili maqabatay ku dhow ah), oo lagula socon karo neefka dhalashadiisa ilaa marka la gawracayo.

Dalalka qaar sida UK waxaa la isticmaalaa lambaro gaar u ah neef kasta iyo microchip

Xigashada Sawirka, Farm Images

Qoraalka sawirka, Dalalka qaar sida UK waxaa la isticmaalaa aqoonsi gaar u ah neef kasta iyo microchip

Agabkaa hore ee ka soo hadhay ilbaxnimooyinkii tagay waxay fikir innaga siiyaan ilaa xilliga dadku ay xoolaha sumadayn jireen. Gidaarrada xabaalo duug ah oo ay Masaaridu lahaayeen waxa ku yaalla lo' suntan, waxana lagu qiyaasay in xabaalahaasi jireen 2700 C.H. Godadka ku yaalla Laas Geel waxa ka muuqda gidaarradooda sawirro xoolo u eeg lo' oo suntan.

Giriiggii iyo Roomaankii hore waxay adeegsan jireen bir la kulayliyey si ay xoolohooda iyo addoontooba u suntaan.

Sumadda xoolaha ee Soomaalida

Inta badan Soomaalida xoolo-dhaqatada ahi malaha agab u gaar ah farsamooyinka qaarkood, agabkaas oo la qaado marka reerku guurayayo, arrinkaasi na waxa sababa koobnaanta awrka reerku ku guurayo dushiisa, oo qaada waxyaabaha lagama maarmaanka ah oo kaliya.

Sidaa darteed reer guuraagu waxa ay sumadda xoolaha u adeegsadaan kolba waxa markaa la helo: bir la kululeeyey, qori dogob ah oo la shiday, abley dacalka dhegaha ama sanka loogu jeexo, iwm.

Qoraalkan waxa aynu ku kaydinaynaa calaamadahaas. Waxana aynu faallo kooban raacinaynaa xidhiidhka ama isu ekaanshaha ay calaamadahaasi la yeelan karaan calaamado kale oo adduunka ka jira iyo in ay macno gaar ah samayn karaanba. Sumadaha waxa loogu dhigaa xoolaha laba siyood:

Gubitaan neefka xoolaha ah lagu gubo dab, si ay sumaddu marka neefku bogsado ay haragga uga dul muuqato.

Dhud-baxar ama Galoolooyin: Laba jiitimood oo dhaadheer oo neefka luqunta lagaga dgaiyo, kasoo bilaabma madaxa oo qadaadka kusoo daga.

Xigashada Sawirka, DR JAAMAC

Qoraalka sawirka, Dhud-baxar ama Galoolooyin: Laba jiitimood oo dhaadheer oo neefka luqunta lagaga dgaiyo, kasoo bilaabma madaxa oo qadaadka kusoo daga.

Jeexitaan ama goyn in ka mid ah hilibka si marka nabarku bogsado ay uga muuqato astaantu dillaac jidhka dushiisa ah amase dalool meel kaga yaalla neefka.

Inta badan xilli isku mid ah ayaa xoolahaa sannadkaa kacay oo dhan la suntaa. Waxana ay ku beegantaa xilli barwaaqo oo xooluhu dhaleen.

Sumaddu waa inaanay noqon mid dhibaato badan ku keenta neefka marka la suntayo, isla markaana aan wax yeelin manaafacaadka haraggiisa (gaar ahaan adhiga).

Fikirka casriga ah ee in teleefonka neefka lagu qoraa waxa uu ka hortagayaa in marka la qalo neefka, haraggiisa uu dhaawac gaadho iyo in neefku xanuunsado kolka la suntayo ba.

Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Saameynta abaarta ay ku yeelatay Soomaalida Itoobiya

Yaa isku sumad ah?

Sumadda cusub ee teleefonku waxa ay ka dhigaysaa madi lahaanshaha xoolaha. Qofka iska leh ayaa markiiba la garanayaa neefkaas. Haseyeeshee berigii hore kolka xoolaha la suntayo, qabiil kastaaba sumad ayuu lahaa, waxana isku sumad ahaa inta diyada wada bixisa. Jifooyinka hoose ee magta wada bixiyaaba waxa ay lahaayeen sumad u gaar ah oo geelooda lagaga sooco geelasha kale, waxana la raacin jirey baadisooc haddii jifada magta wada bixinaysaa ay aad u badato deegaan ahaan.

Magacyada sumadaha qaarkood

Alif, Barkin, Baxaro, Bil, Birqaab, Calan, Canjiid, Cawaag, Dacal, Dacarimo, Dakhar, Dhaad, Dharan, Dheg-dalool, Dheg-jeex, Dhud-baxar, Dildil, Far, Farxuunsho, Fiid , Fur, Gabal, Gadh, Galgaal, Galoolooyin, Ganaf, Garab wayn, Garoof gaane, Gawl, Godol, Goobo, Gorod, Gorof, Haneed, Hangool, Hareed, Hawaar, Heensaraar, Idan, Iskutallaab, Jiim, Kabaal, Kabaal jab, Laanqayr, Laba dhaad, Liin, Maqas, Marag, Marag godan, Marag jiifa, Marag taagan, Mareeg, Miim, Milow, Qalimmo (Qalin), Qalqale, Qanjagub, Sakamad, Saneeg, Shax, Shumme, Taraar, Toojad, Xariir, Xariiro , Xaynbooro.

Laanqayr [Geela] Astaan iskutillaab ah oo luqunta lagaga dhigo geela.

Xigashada Sawirka, DR JAAMAC

Qoraalka sawirka, Laanqayr [Geela] Astaan iskutillaab ah oo luqunta lagaga dhigo geela.

____________________________________________________________________________________________________________________________________________________________________

Dr. Jaamac Muuse Jaamac, PhD, waa qoraa wax ka qora isla markaana kaydiga afafka iyo dhaqammada Afrikaanka, gaar ahaan Soomaalida, waana Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Waxaad ka heli kartaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka