Ayaxa Soomaaliya: "Waan cuneynaa haddii aan weyno cid naga caawiso la dagaalankiisa"

    • Author, Muawiya Muhumed Burale
    • Role, BBC Somali, Nairobi

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen digniinno iyo walaac laga muujinayay in waddamada bariga afrika uu dib ugu soo laabto Ayaxa ayaa waxaa magaalada cadaado laga soo sheegayaa iney arkeen ayax cusub oo soo gaaray Cadaado.

Magaalada Cadaado ayaa waxa ay ka mid ahayd goobihii uu aadka ugu habsaday Ayaxa.

Axmed Sheekh Xassan oo tobankii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynayay dhireynta deegaankaasi sidoo kalana ka mid ah Guddiga ka hortagga Ayaxa ee magaalada Cadaado ayaa BBC u sheegay inay isku tashan doonaan si ayaxa looga hortaggo haddii ay ku kalifto inay cunaan.

"Haddaan weyno cid na caawiso anaga isku tashaneynaa...waa isku tashannaa waxaan ka badin weynaa yelnaa xitaa ay nagu kalifto in aan cunno, sida hadda ka hor dhacday" ayuu yiri Axmed Sheekh Xassan.

Wuxuu sidoo kale inay jiraan dad badan oo isku daweeyay ayax oo cunay halka qaarna ay u heystaan ciyaar.

"Dad baa cunay oo yiri waan ku dawoownay laakin dadka deegaanka xoolana wey heystaan addunyo inta ay doonta hala ekaate wey heystaan hadda ayax naf kale ka dooni maayaane..dad waxaa jiraa isku daweeyay oo ka raadsaday caafimaad"

Markii uu ayaxa sida ba'an u saameeyay deegaanada soomaalida waxaa soo ifbaxayay wararka ah in dad badan ay ayaxa cuneen, ayaxan ayaa baabi'iyay dhul dhaaqsimeed ballaaraan.

Dhadhanka ayaxa

Axmed Sheekh Xassan wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in isaga uu wax ka cunay ayaxa markii dhalinyaro deegaan ah ay sameeyeen sidaas darteedna uu dhadhamiyay.

"Waxbaan ka taabtay waxaan kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay cunitaankiisa... inkasta uusan cadna laheyn... laakiin maraq yar ayuu waxbo iska leeyahay.. ma aanan badsan laakiin waxbaan ka dhadhamiyay"

Ayaxa dhadhan uu leeyahay waan ka waayay, macaana waan ka waayay, sida uu sheegayo Axmed Sheekh.

Dadka ku nool magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ayaa arkay ayax raxan ah raxan ah oo la wareegay guud ahaan magaalada kaas oo ay dadweynaha ka argagaxeen.

"Waa daruur madow oo kale oo da'ysa weeye.. marka aad aragtid waad baqeysaa, waaba baqnay anagu marka aan aragnay..magaaladii buu ka dhigay magaalo daruur"

Wuxuu sheegay in ayax uu yahay masiibo isla markaana aan cunitaan lagu soo afjari karin.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii uu ayaxa ku habsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna baabi'iyay dhul beereed ku yaalla halkaas.

Ayaxa soo rogaal-celiyay

Qaraamada Midoobey ayaa saadaalinaysa in haddii aan imika la xakameyn Ayaxa uu gaari doono heer aad u sareeya.

Dalka Itoobiya oo ka mid ah dalalka uu sida ba'an ugu habsaday Ayaxa ayaa waxaa uu halakeeyay ku dhawaad 200,000 oo Higtar oo ah dhul beereed iyo in ka badan 1 milyan oo higtar oo ah dhul daaqsimeed.

Hay'adda FAO ayaa qiyaasaysa in 1 milyan oo qof oo ku sugan Itoobiya ay gaajo wajahayaan sababo la xiriira Ayaxa ku habsaday dalkaas

Bilooyiin kooban ka dib ayaa waxaa markii labaad dalalka bariga afrika ku dhuftay Ayax ka da'a yar kana saameyn badan kii ka horeeyay, xilli uu gobolka wali la daalaa dhacyo gaajo iyo cudurka saf-marka ee Covid-19, taasi oo adkeysay in ay helaan daawooyiinkii lagula dagaalamayay Cayayaankan

Waxaa la qiyaasayaa in Ayaxan uu 20 mar uu ka ballaaran yahay kii ka horeeyay islamarkana marka la gaaro bisha June uu 400 oo mar uu ka sii baalaarnaan doono.

"Waxaan aragnay Ayax ku habsaday keymaha, dhul daaqsimeedka iyo dhul beereedka," waxaa sidaasi sheegtay Meseret Hailu, oo ah sargaal ka tirsan dowladda Itoobiya oo qiimeyn ku sameynaysa burburka uu geystay gobolka Amxaarada ee wuqooyiga Itoobiya ku yaalla.

Waxaa ay intaa ku dartay in khudaar iyo miro kale uu cunay Ayaxa.

Dabayaaqadii 2019, tira badan oo ah Ayax ayaa lagu arkay Itoobiya iyo waliba dalalka dariska la ah ee Eritrea iyo Jabuuti.

Waxaa uu sidoo kale xilligaasi Ayaxan ku baahay dalalka Soomaaliya, Kenya iyo waliba dalalka Uganda, Koonfurta Sudan iyo Tanzaniya oo tiro yar ay gaartay.

Dowladaha dalalkan oo aan muddo 25 sano ah arkin Ayax baaxadan leh ayaa waxay u kala carareen adeegsida sunta lagu buufiyo cayayaankan iyo iyaga oo isticmaalaya diyaarado dusha sare looga buufinayo si loo laayo.

"Sare u qaadida howlahan ayaa ahayd caqabadda ugu wayn ," ayuu yiri Cyrill Ferrand oo ka tirsan hay'adda cunada iyo beeraha ee (FAO).