Corona fayras: "Madaxweynaha oo TV kaga dhawaaqay in aan qabo Covid-19 ayaan daawaday"

Sita Tyasutami (Bidix), Maria Darmaningsih (Dhexda) and Ratri Anindyajati (Midig)

Xigashada Sawirka, Ardito Kodijat

Qoraalka sawirka, Sita Tyasutami (Bidix), Maria Darmaningsih (Dhexda) and Ratri Anindyajati (Midig)

Qandho daran, lalabo iyo qufac qalalan.

Sita Tyasutami waxay ka sheekeneysaa astaamaha cudurka corona, inkasta oo ay jiifto isbitaal ku yaalla caasimadda Indonesia ee Jakarta, welina lama ogaan xaaladdeeda caafimaad, iyada iyo hooyadeed Maria waxaa la seexiyay hal isbitaal, lamana ogaan cudurka ku dhacay.

Tyasutami iyo hooyadeed waxay sugayaan natiijada baaritaanka cudurka corona xilli madaxweynaha Indonesia u shaaca ka qaaday khudbad naxddin leh.

Xilli uu shacabka si toos ah warbaahinta ugala hadlayay, madaxweyne Joko Widodo wuxuu sheegay in labo qof uu dhalatay Indonesia laga helay cudurka Covid-19, waana kiiskii ugu horrreeyay ee cudurka ee laga xaqiijiyay dalkaas, hooyada oo 64 jir ah iyo gabadheeda oo 31 jir ah ayaa waxaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka lagu daweeyo cudurrada faafa ee ku yaalla Jakarta, sida uu sheegay madaxweynaha.

Waxaana la xaqiijiyay in cudurka corona uu soo gaaray Indonesia.

Waxaana khudbadda madaxweynaha laga sii daayay telefishinka isbitaalkii ay jiifeen Tyasutami iyo hooyadeed, waxay arrintani ku reebtay cabsi, Madaxweyne Widodo wuxuu ka hadlayay in labo bukaan oo laga helay ay jiifaan isbitaalka, wuxuu shaaca ka qaaday da'dooda, calaamadaha lagu arkay iyo halka lagala soo xiriiri karo, laakinse madaxweynaha ma uusan sheegin magacyadooda.

Tyasutami oo wareersan waxay dhakhtarka weyddisay in haatan isbitaalka lagu daweynayo bukaan u ku dhacay corona, markii uu dhakhtark ku yiri 'maya' wey argagaxday.

Tyasutami iyo hooyadeed waxaa la xaqiijiyay inay noqden labadii qof ee ugu horreeyay ee uu ku dhacay corona gudaha Indonesia "Waan welwelay, waan xanaaqay, murug ayaan dareemay, mana garanayo tallaabada aan qaadi doono maadam warbaahinta ay si weyn u hadal heysay arrintani" ayay tiri Tyasutami oo la hadashay BBC.

Ka hor inta aanan cudurka laga helin, Tyasutami waxay si weyn u garaneysay ciyaaraha qoob ka cayaarka iyo suugaanta, waxaa soo wajahday dhibaato ah in la dusiyay diiwaankii baaritaankeeda iyo si khaldan looga warramay kiiskeeda, waxaa baraha bulshada ku baahay warar been abuur ah.

Sita Tyasutami waxay sheegtay in isbitaalkii ugu horreeyay ay tegtay uusan laheyn qalabkii lagu baarayay cudurka

Xigashada Sawirka, Sita Tyasutami

Qoraalka sawirka, Sita Tyasutami waxay sheegtay in isbitaalkii ugu horreeyay ay tegtay uusan laheyn qalabkii lagu baarayay cudurka

Saacado uun kaddib, waxay noqotay wajiga saf-marka corona ee Indonesia.

Waxay xannuun ka dareentay dhuunta.

Tyasutami, 17-kii bishii Febraayo waxay ku soo toostay caalamadaha cudurka iyo xannuun.

bb
bb

Hooyadeed Darmaningsih oo profesoor ciyaaraha qoob ka cayaarka ka ah macadka suugaanta ee Jakarta ayaa toddobaad kaddib xannuun dareentay, waxay xaaladdeeda ka sii dartay markii 23-dii bishii Febraayo ay ka qeyb gashay bandhig faneed.

Xilligas, Darmaningsih iyo Tyasutami waxay aaden isbitaal ku yaalla duleedka caasimadda Indonesia , dhakhtarkii wuxuu sheegay inay qabaan xannuun ka dhasha bakteeriyada.

"Wuxuu naga codsaday in aan iska baarno cudurka Covid-19 maadama isbitaalkaas uusan laheyn qalabkii baaritaanka" ayay tiri Tyasutami.

Tyasutami waxaa teleefoon usoo diray saaxibkeed inay ka wada qeybgaleen munaasabad lagu soo bandhigayay qob ka ciyaarka oo ay sidoo kale joogtay haweeney u dhalatay Japan oo iyadu laga helay Covid-19.

Tyasutami ma aysan garaneyn haweeneyda reer Japan, balse waxay ogaatay halkii laga soo gaaray.

Tyasutami iyo hooyadeed waxaa la geeyay isbitaal lagu daweeyo bukaanada uu ku dhaca cudurrada faafa oo ku yaalla Jakarta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tyasutami iyo hooyadeed waxaa la geeyay isbitaal lagu daweeyo bukaanada uu ku dhaca cudurrada faafa oo ku yaalla Jakarta

Tyasutami iyo Darmaningsih waxay ka dhur sugayeen in dhakhtarka uu sheego natiijada baaritaanka, balse waxaa natiijada shaaca ka qaaday 2-dii bishii Maarso madaxweyne Widodo, arrintani ayaa naxdin ku abuurtay, maalmo kaddib waxaa loo sheegay in haddii uu dalka ka dilaaco cudur safmar ah in madaxweynaha uu sharciga u saamaxayo in bukaanada uu ku dhacay uu shaaciyo.

Achmad Yurianto oo ah afahayeen u hadlay dowladda Indonesia wuxuu BBC u sheegay in madaxweynaha uusan ku khaldaneyn inuu shaaca ka qaado bukaanada isla markaana uu sharciga u ogolaanayo, halka Bivitri Susanti oo ah aqoonyahan dhanka sharciga ah ay sheegtay in aysan habbooneyn tallaabada madaxweynaha.

Madaxweyne Widodo wuxuu shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee cudurka corona

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Widodo wuxuu shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee cudurka corona

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay warar been abuur ah oo ku saabsan nolosha Tyasutami iyo Darmaningsih halka barta Whatsapp-ka lagu baahiyay diiwaanka baaritaankooda oo lasoo dusiyay, arrintani waxay caro weyn ka dhex dhalisay baraha bulshada.

Sita Tyasutami waxay si weyn taqaanna ciyaarah qoob ka cayaarka

Xigashada Sawirka, Sita Tyasutami

Qoraalka sawirka, Sita Tyasutami waxay si weyn taqaanna ciyaarah qoob ka cayaarka

Haatan dalka Indonesia, wuxuu ka mid yahay dalalka uu sida ba'an u saameeyay cudurka ee gudaha koonfur bari Aasiya, wuxuu xaqiijiyay 12,000 kiisas halka dhimashadu ay gaartay 900.

"Markii hore waxaa barta Instagram igu xirneyd 2,000 qof...halka markii la shaaciyay in la iiga helay cudurka ay dadkii ku xirnaa barteyda Instagram-ka ay gaareen 10,000 qof, dadka wax kasta oo aan soo bandhigay wey ka falcelinayeen" ayay tiri Tyasutami.

Saddexdii bishii March madaxweynaha Indoneisa Widodo wuxuu ugu baaqay isbitaallada iyo saraakiisha dowladda inay qaddariyaan waxyaabaha u gaarka ah shakhsiyaadka uu ku dhacay cudurka Covid-19, marka dhibaatada loo geystay waxay ka horreysay arrintani.

Ratri Anindyajati

Xigashada Sawirka, Sita Tyasutami

Qoraalka sawirka, Ratri Anindyajati
Presentational white space

Dhammaan dadkii ku noolaa gurigooda waxaa laga helay cudurka Covid-19, waxaana ka mid ah walaasheed ter, Anindyajati oo ku nool Vienna oo horey cudurka uga dhacay, balse ka bogsatay kaddib markii ay timid Indonesia horraantii bishii Febraayo, waxay ku biirtay qeybtii karantiilka oo ku taallay isbitaalkii ay jiifeen hooyadeed iyo walaasheed.

Saddex iyo tobankii bishii Maarso, kaddib 13 maalmood oo ay karantiil ku jireen, Anindyajati iyoTyasutami waxaa laga soo saaray isbitaalka, waana arrin farxaddeeda leh, balse waxaa lagu amray in isbitaalka ay sii joogaan muddo 3 maalmood ah oo kale.

Sawirka Sita iyo Ratri oo booqanayay hooyadood oo isbitaalka jiiftay

Xigashada Sawirka, Sita Tyasutami

Qoraalka sawirka, Sawirka Sita iyo Ratri oo booqanayay hooyadood oo isbitaalka jiiftay

Waxay sheegtay in khibrad ay ka kororsatay dhibaatadan. "Waxaan dareemay in nolosha aan ku heysto fursad labaad"

Waxay bilaabeen in talooyin ay siiyaan qoysaska uu cudurka saameeyay, waxay cilmi baarayaasha baadi goobaya dawada cudurka ku deeqeen dhiiggooda.

Haatan Indonesa waxaa ku baahay safmarka inkasta oo uu jiro faquuqa lagu hayo bukaanada.

Maalmo uun kaddib qof ayaa inoo soo qoray "Waxaad tihiin haween shayaadiin ah" ayay tiri Tyasutami.

"Waxaan rumeysan yahay in weli ay jiraan kiisas laga shakisan yahay, markii cudurka nagala helay ugu yaraan dowladda wuxuu ka caawiyay in tallaabo ay qaaddo"