Maxaad kala socotaa Filimkii ay Soomaalida wada sugayeen ee Corona uu joojiyay?

Xigashada Sawirka, .
Qeyb walbo oo noolasha ka mid ah ayuu saameyn ku yeeshay xanuunkan saf-marka ah ee Covid-19 dunida oo dhan.
Aflaan badan oo lagu waday in la soo bandhigo sanadkan ayaa dib loo dhigay iyadoo dhaqaalihii shirkadaha aflaanta soo sara uu dhulka gelay.
Xilligan xayiraadaha cudurka Corona laga soo rogay inta badan dalalka caalamak ayaa waxaan suuragal ahayn in dadka aflaanta jila ay hal gob isugu yimaadaan.
Aflaan badan oo la jilayay ayaa hakad ku yimid, waxana filimantaasi ka mid ah, filimka Ayanle oo lagu jilayay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Ahmed Farax oo ah iskudabaridaha filimkaasi ayaa BBC u sheegay in filimka uu hakad ku yimid ka dib markii uu Kenya soo gaaray cudurka Corona.
" Filimka waxaan bilaawnay maalin ka hor inta aan xayiraadaha la soo rogin, intaasi ka hor waxaa jirtay saddex toddobaad oo aanu ku jirnay diyaar garo, " ayuu yiri Axmed Faarax.
Mr farax ayaa sheegay in dadka filimka jilayay oo isugu jiray kuwa ka yimid dibadda Kenya iyo kuwa gudaha ku sugnaa ay howshooda hakad gashay.
Waxaa uu intaa ku daray in markii ay filimka qeybtii koobaad ay duubeen ka dib ay warqad ka heleen guddiga aflaanta ee Kenya islamarkana lagu wargaliyay in dhammaan so saaridda Filimada la joojiyay.
" Anaga oo aad u faraxsan oo maalinkii ugu horeysay ay bilow tahay oo maalinkii wixii aan duubi lahayn aan so duubnay ayaa habeenkii guddiga aflaanta Kenya warqad noo soo direen taasi oo la leeyahay dhammaan soo saaridda aflaanta waa la joojiyay," ayuu yiri.
Ahmed Farax oo ah iskudabaridaha filimka Ayaanle ayaa sheegay in dadkii filimka ka qeyb qaadanayay jilliinkiisa ay qaarkood dib ugu laabteen goobihii ay ka yimaadeen qarash badana uu ku baxay.
" Dadkii daganaa Kenya ee filimka ka qeyb qaadanayay way joogaan,dadkii meelaha dibadaha nooga yimid way laabteen sababtoo ah waxaa imaanaysa haddii ay iska sii joogaan Huteel ayaa ku socda reerahooda way ka maqan yihiin xagana shaqo kama hayaan," ayuu yiri Mr Ahmed.
Maxaa imika u qorshaysan kooxda Filimka Ayaanle?
Cudurka Corna ayaa waxaa uu gabi ahaanba isbadal ku keenay noolasha islamarkana in dad badan meel la isugu keeno ayaa qaadan doonta muddo dheer.
Ahmed Farax ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada aysan ahayn mid iyaga ku kooban oo ay tahay mid guud ahaan caalamka saameysay.
Waxaa uu intaa ku daray in dib u bilaabidda Filimka ay ku xiran tahay hadba waqtiga ay fasax ka helaan hey'adaha ay quseyso.
"Wax anaga kali ah nagu kooban ma aha oo anaga kaligeen na saameyay waxaa la qeybsanaynaa aduunyada oo dhan, marka waxay noqonaysaa inaan ka war sugno inta fasax laga bixinayo oo la oranayo wixii way baaba'een oo dadka shaqada dib way ugu laaban karaan," ayuu yiri Mr Axmed.
Ahmed Farax ayaa sidoo kale shegay in xitaa marka la fasaxo ay wali adkaanayso in dad badan meel la isgu keeno oo ay taasi muddo qaadan karta.
"Marka la yirahdo shaqadii dib ayaa loogu laaban karaan in sidii hore aanan hal meel 20 qof 50 qof meel la isugu keni Karin, waxaa dhici karta in si tartartiiba ah loo fasaxo," ayuu yiri.
Filimkan Ayanle ayuu sheegay in maalinkii ugu yaraan ay ka qeyb qaadanayaan 40 qof islamarkana aysan xilligan arrintasai suuragal ahayn.
Ahmed Farax ayaa farta ku fiiqay in xitaa haddii la fasaxo in filimka dib loo bilaabo uu u baahan yahay u diyaar garow kale oo cusub.
" Marka nala fasaxo xitaa isla markiiba hor kama bilaabi karno ugu yaraan saddex toddobaad oo diyaar garow ah ayaan u baahanahay, ayuu yiri Mr Axmed.
Qorshaha Filimka Ayaanle ayaa ahaa in ciidda Carafo Filimka la daawado, balse qorshahaasi imika ma aha mid hirgali kara.












