"Beentii aan facebook ku qoray ayaa sababtay in la i xiro"

Xigashada Sawirka, Tyler County Sheriff's Office/ Getty
Michael Lane Brandin wuxuu bartiisa Facebook soo dhigay qoraallo markii hore uusan ka fileyn inay horseedi karaan in la xiro balse markii dambe wuxuu ogaaday in natiijada ka dhalatay arrintaas ay ahayd in la xiro, in shaqadiisa uu waayo iyo inuu wajaho dacwad.
Wuxuu ku nool yahay gobolka Texas ee dalka Mareykanka, wuxuu bartiisa kusoo qoray in laga helay cudurka coronavirus isla markaana dhakhaatiirta ay ku yiraahdeen in cudurka uu hadda yahay mid hawada ka dhalanaya.
Warkan oo been abuur ahaa ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, wuxuuna gaaray inta badan dadka ku nool magaalada uu ka daggan yahay gobolka Texas.
Laakiin isagu wuxuu sheegay inuu sameynayay cili baaris uu ku ogaanayo sida ay dadka uga falcelinayaan arrintan.
"Dad ayaa kasoo jawaabay qoraalka, qaar kamid ah asxaabteyda ayaa iisoo weydiyay xaaladdeyda caafimaad, marka waxaan ku yiri 'waa war been ah", ayuu yiri Michael Lane Brandin.
Waxaa loo jaray warqad lagu soo xirayo
Booliska ayaa soo wacay Michael Lane Brandin, waxayna u sheegeen inuu wax ka baddalo qoraalka uu soo dhigay Faceboob isla markaana uu ku caddeeyo inuu sameynayay daraasad, wuxuu markiiba wax ka baddalay qoraalka.
Waxaa sii faafay wararka been abuurka ah, taliyaha sharciga degmada Tyler ee gobolka Texas ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro Michael Lane Brandin maadama uu galay dambi ah inuu baahiyay warar been abuur ah.
"Waxay igu yiraahdeen kusii jir xabsiga marka waa in aan sugaa maalinka xigta ee uu soo fariisanayo garsooraha, welwel ayaan dareemaya", ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Michael Lane Brandin
Brandin haatan waxaa uu ku sugan yahay gurigiisa, waxaa uu sugaya dhageysiga dacwaddiisa.
"Waxaan jaamacadda ka qaatay shahaadada koowaad ee culuumta saxaafadda, waxaan u sameeyay arrintaas in aan eego sida qof kasta uu qoraal ugu soo bandhigi karo baraha bulshada isla markaana u horseedi karo cabsi, waxaan doonayay in aan caddeeyo inay muhiim tahay in dadka wax la baro si ay u sameystaan daraasad gaar u ah ka hor inta aysan u maleyn waxkasta oo lasoo qoray ama ay maqleen inuu yahay run".
"Qoraalka aan soo dhigay Facebook, wuxuu ii horseeday in aan waayo shaqadeyda...mana billaabi karo waxbarashadeyda jaamacadda ee heerka labaad maadam aan lacag heysan.. waxay arrintani qoyskeyga ku keentay culeys dhaqaale iyagoo horayba ula daalaa dhacayay inay iga caawiyaan nolosheyda".
Dhammaan dunida kale
Mareykanka kaliya ah ma aha meelaha dadka loo xiray in baraha bulshada ay ku faafinayeen wararka been abuurka ah ee ku saabsan feyraska.
Dalalka lagu xir xiray dadka baahinayay wararka been abuurka ah waxaa kamid ah Hindiya, Morocco, Thailand, Kenya, Cambodia, Itoobiya, Singapore, Botswana, Russia iyo Koonfur Afrika.
Dhanka kale, Dadka dusha kala socda xuquuqul insaanka waxay noo sheegeen inay ka walaacsan yihiin tallaabooyinka xad dhaafka ah ee ka dhanka ah dadka dhaleeceeyay dadaallada dowladaha ay kaga hortagayaan feyraska.
Kenya, Robert Alai oo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka waxaa lagu sii daayay dammaanad, waxaana uu wajahi karaa 10 sanno oo xarig ah kaddib markii uu Twiitter-ka kusoo qoray warar ku saabsan feyraska.

Xigashada Sawirka, Robert Alai
Robert Alai ayaa markii hore 3 habeen ku baryay xabsi, waxaa loo heystay warar ah in lagu soo wargeliyay in cudurka uu ka dilaacay magaalada dekedda leh ee Mombasa.
Sida ay sheegeen saraakiisha waxaa loo heystay inuu ku xaadgudbay sharciga la dagaallanka dambiyada Internetka.
Robert Alai waa nin caan ka ah Kenya, waxaana bartiisa Twitter-ka ku xiran in ka badan hal malyan oo qof.
BBC oo la hadashay booliska wax jawaab ah kama aysan bixin xiriddan ninkan balse waxay Twitter-ka kusoo qoreen kiisaska loo heysto ka hor xiritaankiisa.
Agaasmaha waaxda dambi baarista ee Kenya wuxuu sheegay in nin lagu xiray magaalada Mwingi kaddib markii 'uu daabacay warar marin habaabin ah oo ku saabsan coronavirus" waxaana lagu dacweynayaa wararka been abuurka ah ee cabsida horseedaya.
Mas'uuliyiinta Kenya waxay shacabka ka codsadeen inay iska ilaaliyaan in baraha bulshada lagu baahiyo wararka been abuurka ah ee ku saabsan cudurka.
Robert Alai ayaa ku andacdooday in wararka uu kusoo qoray Twitter-ka ay yihiin kuwo run ah isla markaana uusan jebin sharciga, balse BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto arrintaas.
Haddii lagu helo wax dambi ah, Alai wuxuu wajahaya ganaax dhan 47,000 oo doolar ama 10 sanno oo xarig ah.
Dad kale oo la xiray
Hindiya waxaa lagu xiray nin lagu magacaabo Sikandar Ali kaddib markii uu barta Twitter-ka ku qoray sidatan: "Waxaan isku dayay in aan booliska iyo maamulka ku wargeliyo bukaan looga shakisan yahay inuu ku dhacay xanuunka Covid-19".

Xigashada Sawirka, Sikandar Cuttrack
"Waxaan Twitter-ka ku qoray farrimaha noocaas ah balse booliska aniga ayay xabsiga ii taxaabeen, waxay igu yiraahdeen waxaad abuurtay cabsi, ma filayo in aan wax khalad ah galay, waxaan rumeysanahay in booliska ay qaadeen tallaabo aanan looga baahneyn. Xaaladda waxay booliska siisay fursad ah in awood ay yeeshaan".
Sikandar Ali wuxuu wajahi karaa 3 sanno oo xarig ah.
Waa nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaadda ee dalkaas, waxaana qeyb ahaan xiritaankiisa lala xiriirinaya dadka kasoo horjeeda siyaasaddiisa ee ka tirsan dowladda hoose.
Laakiin booliska way beeniyeen eedeymahaas.
Taliyaha booliska Odisha ee dalka Hindiya wuxuu sheegay inuu ku dadaalayo sidii uu ku joojin lahaa wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada.
Ha'yadda Caafimaadka ee Adduunka waxay sheegtay in wararka ku saabsan safmarka ay qabsadeen baraha bulshada isla markaana dowladaha caalamka ay la dagaallamayaan.



Halista xoritayul qowlka
Toddobaadkii lasoo dhaafay, Ha'yadda xuququul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in safmarka uu yahay mid halis ah loona baahan yahay marka lala tacaalayo xakameyntiisa in la xaddidi karo xuquuqda qaar.

Xigashada Sawirka, Dr Li Wenliang
Si kastaba, Ha'yadda waxay ka walaacsan tahay in booliska iyo dowladaha qaar ay adeegsanayaan awood taas oo wiiqeysa xoriyatul qowlka xilliyada bandowga.
Warbixinta Human Rights Watch waxaa lagu yiri: "Dalalka qaar, dowladaha waxay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan xorriyatul qowlka iyo tallaabooyinka ay ka qaadayaan weriyeyaasha iyo howlwadeenada caafimaadka".
Warbixinta waxaa sidoo kale lagu xusay Li Wenliang oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan, wuxuuna digniinta ku saabsan cudurkan saaxiibadiisa shaqada u diray 30-kii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.
Booliska ayaa markaas ka dib ugu tagay gurigiisa waxayna ku amreen inuu joojiyo digniintaas, maadaama ay mas'uuliyiintu doonayeen in la qariyo warka ku saabsan caabuqaas cusub.










