Cudur baabi'inaya dhirta oo ku faafay Yurub

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cilmi-baarayaal ayaa sheegaya in qiimaha dhaqaale ee Yurub ay ku qasaarto fayraska saameynaya geedaha saytuunka ay gaari karto €20 oo bilyan oo u dhiganta 21.83 Bilyan oo dollar.
Waxaa la saadaalinayaan in saameyn xun oo mustaqbalka ah uu geysto cudurkan lagu magacaabo Xylella fastidiosa, kaas oo dhir badan ku laayay Taliyaaniga.
Sidoo kale, faafidda cayayaanka iyo jeermiska waa halis dhab ah oo ku wajahan geed Saytuunka dalalka Spain iyo Giriigga.
Fayraska waxaa suuragal ah inuu sababo sare u kaca qiimaha saytuunka.
Fayraska Xylella waxaa loo arkaa inuu ka mid yahay cudurada ugu halista badan ee ku dhaca dhirta daafaha caalamka. Haddana looma hayo dawo looga hortago caabuqan.
Wuxuu ku dhici karaa miraha kala ah cherry, yicibta iyo noocyo ka mid ah khudaarta, iyo sidoo kale saytuunka.
Markii ugu horeysay ee lagu arkay inuu ku dhaco saytuunka waxay ahayd sannadkii 2013-kii oo la arkay geedo badan oo ugu dhintay Puglia ee Taliyaaniga.
Waxaa fayraska sii faafiya cayayaan yaryar oo miraha dhexgala.
Fayraskan wuxuu sababayaa in geedaha ay awoodi waayaan in biyaha ay cabaan ay u gudbiyaan qeybaha kale, muddo ka dibna way qalalayaan wayna dhimanayaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Taliyaaniga, saameynta ka dhalata inuu fayraska faafo, waxay noqotay arrin musiibo ah. Waxaa hoos u dhacay miraha saytuunka boqolkiiba 60%, tan iyo sannadkii 2013-kii.
"Saameynta gaartay saytuunka waxay sidoo kale sababtay inuu hoos u dhaco qiimaha dhulalka iyo quruxdii gobolka," ayey tiri Dr Maria Saponari, oo ka tirsan Machadka CNR ee difaaca joogtada ah ee dhirta Taliyaaniga.
"Waxay yeelatay saameyn xun oo dhaqaale oo soo gaartay dadka deegaanka sida dadkii ka shaqeynahay beeraha."
Sidoo kale hadda wuxuu fayraska gaaray dalalka Spain, Faransiiska iyo Portugal.
Sida ku xusan cilmi baarista cusub, waxaa jiro qaabab kala duwan oo saameyn ay u yeelan karto sida xaaladda dhalan karta haddii uu hoos u dhaco wax soo saarka beeraha.
Kooxda waxay saadaaliyeen in Taliyaaniga, Spain iyo Giriigga ay saameynta ugu daran gaari doonto, kuwaas oo soo saara boqolkiiba 95% saliidda laga sameeyo saytuunka ee Yurub.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Spain, caabuqa wuu ku sii baahay, inta badan geedaha saytuunkana wuu ku dhacay wayna u dhinteen. Dhibaatada dhaqaale ee ka dhalatana waxay sii socon kartaa illaa 50 sano.
Sidoo kale, Taliyaaniga iyo Giriiga waxaa ka soo gaaraya dhaqaale xumo aad u daran.
Haddii xaddiga fayraska la xakameeyo lana yareeyo oo la abuuro dhir u adkeysan karta, ka dib waa suuragal in ay ka soo kabsadaan dhaqaale ahaan.
Balse, dadka qoray warbixinta waxay aaminsan yihiin in wax kasta oo dhaca ay xaaladdan saameynteeda si ba'an u taaban doono dadka isticmaala saliidda laga sameeyo saytuunka.













