Maalin kaliya ma lagu tallaali karaa 350 milyan oo geed?

Addis tree planter

Xigashada Sawirka, Getty Images

Itoobiya ayaa sheegtay in ay maalin keliya dadkeedu ku beereen 350 milyan oo geed, oo hadii tiradaasi sax noqoto rikoodhkii dunida dhigi doonta.

Maxaa sababy in dhirtaa badanla beero?

Ra'isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa bilowgii sannadkan bilaabay olole qarashka ku baxayaa yahay lacag ka badan hal bilyan oo doolar, ujeedaduna waxay tahay in lagaga hortago nabaad guurka dhilka iyo isbedelka cimilada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhirta kaymaha Itoobiya hoos uga soo dhacday 35% horraantii qarnigii labaatanaad oo ay gaadhay 4% horraantii 2000.

Qorshuhu wuxuu marka hore ahaa in muddo 12 saacadood ah lagu beero 200 oo milyan oo geed, laakiin Dr Getahun Mekuria, oo ah wasiirka tiknoolajiyada ayaa sheegay in dadku beereen in badan 350 milyan oo geed.

Ujeedku waxa uu yahay in la tallaalo 4.7 bilyan oo geed wixii loo gaaro bisha Oktoobar ee sanadkan.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Shaqada geed beerista

Ra'iisal Wasaare Abiye Ahmed ayaa hormuud u ah mashruucaan oo looga golleeyahay in looga hortago nabaad guurka iyo isbadalka cimilada.

Xafiisyada dawladda qaarkood ayaa la xiray si shaqaalaha madaniga ahi ay hawshaan uga qayb qaataan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in kaymaha Itoobiya ay baabe'een 35% guud ahaan dhulka dalkaas.

Mr Abiy ayaa daahfuay shaqada geed beerista waxayna qayb ka tahay hindisaha loo bixiyey Green Legacy Initiative, kaas oo laga qabanayo 1,000 goobood oo dalkaas ka mid ah.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Ujeedada ayaa ah in la beero afar bilyan oo geed.

Wariyaha BBC-da ee Addis Ababa, Kalkidan Yibeltal ayaa sheegaya in maalmo dhowr ah telefishinka dalkaas laga baahin doono muuqaallo dhiirri gelin ah oo dadweynaha lagu tirtirsiinayo in ay dhirta beeraan isla markaasna ay daryeelaan.

Abiy Ahmed oo geed beeraya
Presentational white space

Dalkii ugu horreeyey ee hal maalin beera dhirtii ugu badnayd caalamka ayaa noqday dalka Hindiya, dalkaas ayaana 2016-dii adeegsaday 800,000 oo qof oo iskaa wax u qabso ku shaqaynayey si ay u beeraan 50 milyan oo geed.

Wasiirka tiknooliyadda iyo Hal abuurka e Itoobiya Getahun Mekuria, ayaa bartiisa twitter-ka uga hadlay halka ay hawshu marayso.

Inside a dense Ethiopian forest

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Itoobiya waxaa ka baaba'ay kaymo dabiici ah

Nin Khabiir ayaa sheegay in suuragal ay tahay in intaas oo geed dalkaas lagu tallaalo hasayaaye aanay taasi noqonayn tallaal habaysan.

"Wax aanan suuroobayn ma ay jiraan hasayeeshee waxa ay u baahan tahay in si wanaagsan loo maareeyo." ayuu yiri Tim Christophersen, oo ah xiriiriyaha arrimaha kaymaha iyo isbadelka cimilada ee Qaramada Midoobay.

Qoraalka Muuqaalka, Sir laga duubay janankii isku dayay afgembiga Itoobiya