'Xaaskeyga Aishwarya iyo hooyadey jabkeyga ayey u midoobeen'

.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times

Filimada musaslsalka ah waxaad ku aragtaa ficillo badan oo aad ku aamineysid inay cadaawad weyn u dhaxeyso haweenka la qabo iyo soddohyaashood, laakiin Jaya Bachchan iyo Aishwarya Rai Bachchan waxay caddeeyeen in markii nolosha dhabta ah la imaado ay xaaladdoodu tahay mid sidaas aad uga duwan.

Aishwarya iyo seygeeda hooyadiis waa labo qof oo aad isugu dhow waligoodna uu ka dhaxeeyay jacayl baaxad weyn leh.

Xitaa Abhishek Bachchan wuxuu mar sheegay in xaaskiisa iyo hooyadiis ay u midoobaan jabkiisa, gaar ahaan marka ay isku dhacsan yihiin isaga iyo xaaskiisa.

Markii dhanka kale la eego, Jaya waa xaaska atooaha caanka ah ee reer Hindiya, Amitah Bachchan, kaasoo ay Soomaalida u taqaanno (Cali Dheere).

Hadda oo ay Jaya u dabaaldagtay sanadguuradii 72-aad ee kasoo wareegtay dhalashadeeda, waxaan halkan kusoo gudbineynaa shan jeer oo ay caddeysay in soddohyada ay yihiin hooyooyin dahabi ah.

1. Markii uu Abhishek Bachchan shaaca ka qaaday in Jaya ay la safato Aishwarya, ayna si wadajir ah uga soo horjeestaan isaga.

.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times

Si la mid ah sida ku dhacda lamaane kasta oo nolosha isla wadaaga, Abhishek iyo Aishwarya mar kasta isku ra'yi ma aha. Waxaa jira marar ay is khilaafaan ama ay waxyaabaha qaar ku kala aragti duwanaadaan, sidaas darteedna ay isugu dhacaan.

Wareysi uu warbaahinta DNA siiyay sanadkii 2015-kii ayaa Abhishek lagu weydiiyay cidda ay hooyadiis Jaya la safato marka ay is dagaalaan isaga iyo Aishwarya, wuxuuna sheegay in labadoodu ay u midoobaan sidii ay isaga u jabin lahaayeen.

"Hooyo iyo Ash way isku key baheystaan, waxayna igu xantaan luuqadda Bengali-ga. (wuu qoslay) Hooyo way taqaannaa luqaddaas waayo waa Bengali, Ash iyada lafteedu waxay luqaddaas baratay markii ay la shaqeyneysay Rituda, oo ay jilayeen filimkii Chokher Bali," ayuu yiri.

2. Markii ay Jaya siisay Aishwarya hadiyad aan la qiimeyn karin

Waa waxyaabaha yar yar ee muhiimadda ugu weyn u leh nolosha. Jaya waxay Aishwarya u hibeysay dahabkeeda - nooca loha loo yaqaanno.

Wareysi ay siisay wargeyska Times of India sanadkii 2013-kii, ayey Aishwarya shaaca uga qaadday in dahabkaas ay mar kasta ku heysato laabteeda, oo ah meesha ugu dhow qalbigeeda.

Waxay tiri, "Aad baan u jeclahay dahabka. Laakiin dahabkeyga waxaa ugu muhiimsan kuwa ay i siisay soddohdey iyo faraantigeyga arooska."

Ka bood Instagram boggan, 1
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 1

3. Markii ay Jaya iyo Aishwarya isla xirteen hal saari

Jaya waxaa markii ugu horreysay lagu arkay iyadoo xiran saari basali ah oo aad u qurux badan mar ay ka qeyb galeysay munaasabad abaalmarin ah oo dhacday sanadkii 2010-kii, saarigaasna waxaa sanadkii xigay lagu arkay Aishwarya oo xiran. Sanadkii 2014-kii mar kale ayey Jaya soo xiratay isla saarigii iyadoo ka qeyb galeysay munaasabad. Taageerayaasha qoyskan ayaa arrintaas u arkay jacayl aad u weyn oo ka dhaxeeya labada dumarka ah, waxayna u jeediyeen ammaan badan.

4. Markii ay Jaya amaanta ka joojin weysay Aishwarya

Jaya waxay si joogto ah wiilkeeda Abhishek ugu mahadcelisaa inuu jacaylkiisa ka dhigtay Aishwarya. Mar ay arrintan ka hadleysay sanadkii 2007-dii waxay ku dheeraatay ammaanta gabadha ay soddohda u noqotay, iyadoo sheegtay inay ahayd qofka kaliya ee ka dhimanaa qoyskeeda.

"Aad bay u fiican tahay, Anigu aad baan u jeclahay iyada. Waa cajiib sababtoo ah waa gabar xiddig weyn ah wayna u qalantaa qoyskeenna!" ayey tiri Jaya.

Ka bood Instagram boggan, 2
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 2

5. Markii ay Jaya ka carootay in sawirqaadeyaasha aysan qaddarintii ay mudneyd u muujinin Aishwarya

Jaya waxay muujisay inay difaaceyso gabadha ay soddohda u tahay, taasina waxay dhacday xilli ay ka qeyb galayeen xaflad dhacday sanadkii 2013-kii. Waxay ka carootay in wariyeyaasha sawir qaadeyaasha ah ay Aishwarya ugu yeerayeen magaceeda koowaad, si ay ugu soo jeedsato, wayna canaanatay. "Maxaad ka waddaan Aishwarya? Ma gabar saaxiibaddiin ah oo aad iskuul isla dhigataan baa?" ayey ku tiri.