Coronavirus: Tijaabadii ugu waynayd ee caalamka, ka dib dagaalkii labaad

Wacygalinta caabuqa Corona

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Wacygalinta caabuqa Corona

Fayraska Corona ee ka dillaacay caalamka ayaa ah dhibaatadii ugu waynayd ee dunida soo marta tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, waxaa sidaasi ka digay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Waxaa uu sheegay in cudurkan uu keeni doono dhaqaala burbur "aysan jirin mid la mid ah oo horey caalamka u so maray".

Digniintiis ayaa timid xilli la saadaalinayo in cudurkan uu yeesho saamayn dhaqaale marka la eego tallaabooyiinka la soo rogay ee lagu xakamaynayo.

Tirada kiisaska ee guud ahaan caalamka oo dhan laga xaqiijiyay waxay ka badan tahay 860,00, halka in ka badan 42,000 ay u dhinteen.

Tirada Corona ugu dhimatay Mareykanka ayaa imika mareysa in ka badan 4,000, taas oo ka sareysa tiradii cudurka ugu dhimatay Shiinaha oo ah goobtii uu ka so bilaabmay sannadkii aanu so dhaafnay.

Jaamacadda Johns Hopkins ayaa sheegtay in 865 qof ay fayraska Corona ugu dhinteen Mareykanka 24-tii saac ee ugu dambeysay.

Mareykanka waxaa uu cudurka so ritay dad gaaraya ugu yaraan 189,000 qof.

Dhanka kale, Spain ayaa ku jirta kaalinta labaad ee dhanka dhimashada waxaana 24 saac ee gudahood ku dhimatay 849.

Dalka Britain, waxaa Corona u dhintay illaa iyo hadda 1,789, waxaana ka mid ahaa dadka dhintay cunug jiray 13 sano.

bb
bb

Muxuu yiri Guterres?

António Guterres

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, António Guterres

Mr Guterres ayaa ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobey ee New York oo looga hadlay saamaynta uu fayraska corona ku yeelan karo dhaqaalaha bulshada.

"Fayraska corona wuxuu bulshada caalamka ka baabi'inayaan waxyaabaha aasaasiga ah, isaga oo galaafanaya nolosha dadka iyo hab noolaleedkooda," ayuu yiri Mr Guterres.

"Covid-19 waa tijaabadii ugu wayneyd ee aan wajahno tan iyo intii la asaasay Qaramada Midoobey," ayuu hadalka ku daray.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midobey ayaa ku baaqay "in la isku dubarido jawaab caafimad si looga adkaato faafidda iyo soo afjaridda cudurka".

Guterres ayaa ugu baaqay dalalka dhanka warshadaha ku hormaray ay gacan siiyaan dalalka soo koraya," oo wajahaya dhibaatada lama filaanka ah ee cudurkan sidii dabka oo kale u faafaya".

Dhanka kale, madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dadka Mareykanka ugu baaqay inay isu diyaariyaan"labo toddobaad oo xanuun badan ah".