Coronavirus: Isu naxariisashada naadirka ah ee ka dhalatay Covid-19

iskoolada UK oo dhan ayaa la xiray

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Iskoolada UK oo dhan ayaa la xiray

ka dib markii uu dilaacay cudurka Corona, waxaa dad ku nool goobo kala duwan oo caalamka ka mid ay sameyeen falal kala duwan oo wajiyada dadka dhoollacadeyn ku reebay.

Iyadoo xaalad adag lagu jiro ayay dad badan aqbalayaan xujo furka Covid-19 oo ah in aad isa soo sawirtid adigoo qof caawinaayo.

Koox Hindiya ka soo jeeda oo si mutadawacnimo ah Facebook iskugu abaabulay

Gabar u dhalatay Hindiya oo xiran cafuufka wajiga lagu xirto.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gabar u dhalatay Hindiya oo xiran cafuufka wajiga lagu xirto.

Mahita Nagaraj oo ka soo jeeda magaalada Bangalore ee dalka Hindiya waxay Facebook ka bilowday qol ay ugu magac dartay Caremonger India, si ay taageero ugu fidiso dadka nugul ee bulshada ka mid ah, inta uu socdo xanuunka Coronavirus.

Muddo toddobaad gudihiisa, kooxdaas waxay gaartay in ka badan 5,800 oo mutadawiciin ah oo diyaar u ah inay dadkaasi caawiyaan.

Kooxda ayaa mudnaanta siinaya dadka ugu nugul bulshada, kuwaas oo ay u kala qeybiyeen afar; waayeelka, dadka naafada ah, waalidiinta haysta carruurta ka yar 12-ka bilood, iyo dadka qaba cudurrada halista ah.

Dadka u nugul cudurka

"Qolkan Facebook-ga waxaan furnay iyadoo ay xitaa asxaabteyda ka walaacsanyihiin waxa ku dhici kara dadka cudurka u nugul ee ka mid ah qoyskooda xilliga xayiraadaha lagu guda jiro," ayey tiri asaasaha qolkan.

Waxay intaasi raacisay "inay aad ula dhacday dadka sida mutadawacnimada u doonayo inay dadkooda caawiyaan, iyagoo tixgelinayo xaalada adag ee jirta balse waxay ila tahay in dadka mutadawacnimada ay ka fakarayaan inay dadka u caawiyaan, marka iguma ahan la yaab in dadka ay caqabadaha waxbo u arkin."

Kooxda ayaa hadda haysata mutadawiciin ku filan oo daboola baahida magaalooyiinka dalka oo dhan.

Bandhigga Cannes wuxuu hoy siiyaa dadka darbijiifka ah

Jilaayasha caanka ah ayaa imaan jiray balse hada waxay hoyi u tahay darbijiifta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Jilaayasha caanka ah ayaa imaan jiray balse hadda waxay hoyi u tahay darbijiifta

Qabanqaabiyeyaasha Filimada Cannes ayaa albaabadooda u furay dadka hoy la'aanta ah, kuwaas oo aanan haysan meel ay aadaan maadaama magaalada ay weli xayirantahay.

Munaasabadda sanadlaha ah ee ka dhacda Faransiiska Riviera, oo martigelisa xiddigaha ugu waaweyn filimada, ayay ahayd in ay dhacdo 12 May illaa 23 May balse dib ayaa loo dhigay.

Goobta xafladda lagu qaban jiray ayaa hadda habeen walba guri u noqotay dad gaaraya illaa 50-70 qof.

Dad gaaraya 12 kun oo hoy la'aan ah

Heerkulka ayaa laga cabiraa qof walbo oo raba inuu soo galo dhismaha.

Waxaa jiray walaac laga qabo dadkaas oo lagu qiyaasay 12,000, dadkan ayaanan horay u haysanin hoy.

Dad badan oo guri la'aan ah ayaa sidoo kale ku tiirsan lacagta ay dadweynaha ku caawinayaan, way adkaan doontaa inay ku nagaadaan gudaha halkaas si ay naftooda uga ilaaliyaan fayraska iyo inay yareeyaan faafitaankiisa.

Makhaayadaha oo noqday halka bulshada lagu caawiyo

Gabar u dhalatay Hindiya oo xiran cafuufka wajiga lagu xirto.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gabar u dhalatay Hindiya oo xiran cafuufka wajiga lagu xirto.

José Andrés oo ah nin kariya cuntada oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa si kumeel gaar ah u beddelay maqaayadiisa si ay u siiyaan qado dadka u baahan cuntada ee an waxbo haysanin.

Ujeedada ayaa ah in la taageero qoysaska uu dhaqaalahooda liita, dadka aanan haysanin hoy iyo waayeelka.

Aasaaha World Central Kitchen ,ayaa dowladda ugu yeeray inay waxbadan ka qabato sidii loo caawin lahaa dadka baahan.

Markii uu cudurku ka dillaacay Shiinaha, dadka cuntada makhaayadaha ka kariya ayaa durbawa bilaabay inay quudiyaan dadka cunnada u baahan.

bb
bb

Tusaalaha ugu horeya waa Li Bo, oo dhowaan mulkiile ka noqday makhaayad bishii Disembar ka dib markii uu gaarigiisa iibiyey iyo weliba lacag amaah ah, balse 36 sano jirkan ganacsigiisa uma hirgelin waxaana bilowday Covid-19.

"Waan argagaxnay. Waxaan jiiftay guriga anigoo ka walwalaya sidii aan dib ugu bixin lahaa deenta," ayuu ku yiri Changjiang Daily.

"Balse waxaan arkay warka ku saabsan sida shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka ay u halgamayaan marka waxaan dareemay in ay tahay waqtigii aan ficil sameyn lahaa. Waxaan rabay in aan sameeyo qaybteyda si kastoo aysan muhiim u aheyn."

Sawirrada ay ku muujinayaan rajada

iskoolada UK oo dhan ayaa la xiray

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Iskoolada UK oo dhan ayaa la xiray

Waxay bilaabeen in daaqadaha saaraan sawirro farshaxan ah ka dib markii la xiray iskuulada UK.

Boqollaal iskuul ayaa aradyda ku dhiira galinaya sawirradan ay ku muujinayaan rajo ka dibna barta Interned-ka ay ku baahinayaan.

Inkastoo dhismayaal badan la xiray ayaa mid ka mid ah maamulka macalimiinta ayaa sheegay in ardyada badankooda qaab online ah ku qaadanayeen cashirada.

Adeega isbitaalada

Warshadaha soo sara warqadaha lagu isticmaalo suuliga ayaa wax soo sarkooda badalay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Warshadaha soo sara warqadaha lagu isticmaalo suuliga ayaa wax soo sarkooda badalay.

Warshadda soo saarta tiishka ee dalka Spain ee dhoofisa xaanshiyadaha tirtirashada iyo waxyaabaha kaabayaasha ah sida dharka miisaska ayaa markii makhaayadaha iyo hoteelada la xiray, bilawday inay wax soo saarkeeda ku badesho soo saarista fayadhowrka iyo qalabta caafimaadka.

Xaanshiyadaha tirtirashada oo yaraaday

Pau Vila oo ah maamulaha guud ayaa yidhi: "Markii dhibaatadu run ahaantii bilaabatay, oo uu saameeyay isbitaallada gobolka, waxa ku yaraaday qalabka.

Nasiib xumo, hannaanka dib loogu soo celinayo agabyada isbitaalka, runtii waa gaabis wuxuuna dadka halis gelinayaa duruufaha jira."

Laba toddobaad ka hor, warshadda ayaa joojisay wax soo saarkii caadiga ahaa, waxayna hadda soo saartaa keliya waraaqaha fidsan iyo tiishka musqusha si loogu isticmaalo isbitaalada.