Mas'uuliyiin shaqada looga eryay cudurka Corona awgii

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Shiinaha ayaa shaqada ka eriday mas'uuliyiin sarsare, kadib markii ay sheegtay inay ku guuldareysteen wax ka qabashada caabuqa Corona ee ka dilaacay dalkaasi.
Xanuunkan oo ay u dhinteen dad gaaraya kun qof ayaa mas'uuliyiinta shaqada ku waayay waxay kala yihiin xoghayaha xisbiga talada haya u qaabilsan guddiga caafimaadka ee Hubei iyo gudoomiyaha guddigaasi.
Mas'uuliyiintan ayaa noqday kuwii ugu sarreeyay ee shaqada guddiga caafimaadka laga eryo, waxaana sidoo kale shaqadiisi waayay agaasime ku xigeenka hay'adda laanqeeyrta cas ee dalka Shiinaha.
Mas'uuliyiinta shaqada laga eryay ayaa la sheegay in lagu bedali doona kuwo kale oo heer qaran ah.
Maalin ka hor, dad gaaraya 103 qof ayaa xanuunkan ugu dhintay gobolka Hubei oo keliya, tiradaas oo noqotay tii ugu badneyd ee maalin qura dhimato, waxaana guud ahaan dadka xanuunkan u dhintay ay gaarayaan 1,016 qof.
Sida ay ku soo warrantay warbaahinta dalkaas, waxaa jira boqolaal qof oo kale oo shaqada laga eryay, waxaana socda baaritaanno ku aadan sida loola tacaalay xanuunka ka dilaacay Shiinaha.

Qaar kamid ah dadkaas ayaa la sheegay in shaqadii ay hayeen laga yareeyay oo aan gebi ahaanba shaqada laga eryin. Waxaa suuragal ah in dadkaasi shaqada la eryay ay sidoo kale ciqaab mutaystaan.
Dadka shaqo ka tirista ay saameysay waxaa kale oo kamid ah madaxa guddiga caafimaadka ee Huanggang oo ah magaalada labaad ee uu sida ba'an u saameeyay cudurka.
Muddooyinkii dambe, mas'uuliyiinta dalka Shiinaha ayaa lagu dhaleeceeyay wax ka qabasha la'aanta cudurka iyo sida ay ula tacaaleen.
Dad badan oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ka carooday dhimashada dhakhtar horay uga digay xanuunka Corona, waxaana ay sheegeen in al dhayalsaday digniintii uu bixiyay.
Xukuumadda Beijing ayaa koox baaritaan samaysa u dirtay gobolka Hubei, si ay u baaran qaabka loo daweeyay dhakjtarkaas.

Guud ahaan dalka Shiinaha waxaa la sheegay in xanuunka uu haleelay dad tiradoodu gaareyso 42 kun, taas oo dhibaato caafimaad ka abuurtay dalkaas.
Gudidga caafimaadka ee Hubei ayaa sheegay in dadka uu xanuunkaas ku dhacay ee ku nool gobolkaas ay tiradoodu gaareyso 31 kun, halka 974 qof ay ugu dhinteen xanuunka isla gobolkaas.
In kabadan saddex meelood oo meel ayaa tirada dhimashada waxaa laga soo wariyay caasimadda gobolka Hubei ee Wuhan, halkaas oo ah meeshii uu marka hore xanuunka ka dilaacay. Dad gaaraya 11 milyan oo qof oo ku nool magaaladaas ayaa go'doon la geliyay.
Madaxweynaha dalka Shiinaha oo inta badan ay adag tahay in lagu arko goobaha dadweynaha ayaa booqday xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda Beijing, halkaas oo lagu daweynayo dad la il-daran xanuunka Corona.
Waxaa uu ku baaqay in la qaado tallaabooyin adag, si looga gaashaanto xanuunka, waxaana uu intaa raaciyay in dadku ay ku kalsoonaadaan in ugu dambeyn la cirib tiri doonaa xanuunka.










