Doorashada Taiwan: Tsai Ing-wen ayaa mar labaad ku guuleysatay xilka dalkaas

Tsai Ing-wen waves to supporters in Taipei, 11 January 2020

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tsai Ing-wen ayaa Shiinaha u sheegtay inuu iska daayo awoodda uu ku faanayo

Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa mar labaad ku guuleysatay xilka dalkaas, iyadoo doorashada Taiwan ay hareysay xiriirka ay jasiiraddu la leedahay Shiinaha.

Codadkii la tiriyay, Ms Tsai waxay ka heshay 57%, iyadoo aad uga horreysa ninka la tartamayay ee Han Kuo-yu.

Ms Tsai ayaa ka soo horjeedda xiriir dhow oo lala yeesho Shiinaha, halka Mr Han uu rumeysan yahay in xiriir lala yeesho Shiinaha uu sare u qaadayo dhaqaalaha dalkaas.

Khudbaddii ay jeedisay, Ms Tsai ayaa waxay u sheegtay Shiinaha inuu ka tanaasulo hanjabaaddiisa ah inuu jasiiradda si xoog ah u soo ceshan doono.

Weriyaha BBC John Sudworth oo ku sugan Taiwan ayaa sheegaya in natiijada doorashada ay dharbaaxo weyn ku tahay Beijing. Damaceeda ah midow ballaaran oo Shiinuhu yeesho ayaa si weyn loo qaadacay.

Ms Tsai ayaa shir jaraa`id ka tiri: "Taiwan waxay dunida tusineysaa sida aan u jecel nahay inaan dimuqraadiyad ugu noolaaddo iyo sida weyn ee aan u jecel nahay dalkeenna"

Shiinaha ayaa sheegay inuu maamulo Taiwan tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Shiinaha sanadkii 1949. Waxay sheegtay in Taiwan ay tahay inay qasab ku aqbasho dib ula midoobidda Shiinaha, haddii kalena xoog loo adeegsan doono.

Ms Tsai ayaa sheegtay in Shiinaha ay tahay inuu haatan ka laabto hanjabaaddaas.

Mr Han, oo ahaa musharraxii xisbiga Kuomintang, ayaa oggolaaday in laga guuleystay.

Han Kuo-yu speaks during a rally outside the campaign headquarters on January 11, 2020 in Kaohsiung

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Han Kuo-yo ayaa doonayay xiriir dhow oo lala yeesho Shiinaha

Kahor codbixinta, Ms Tsai ayaa ku horreysay qiimeyn la sameeyay iyadoo codbixiyeyaashu ay arkeen sida ay Beijing u maareysay dibadbaxyada dimuqraadiyadda lagu doonayo ee ka dhacay Hong Kong.

Dadka ka soo horjeeda in Taiwan ay la wareegto Shiinaha ayaa taageersan haweeneydan.

Madaxweyne Tsai ayaa ku adkeysaneysa in go`aanka mustaqbalka Taiwan uu u yaallo 23-ka milyan ee dalkaasi ku nool.

Supporters of Han Kuo-Yu react during a rally outside the campaign headquarters on January 11, 2020 in Kaohsiung,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Han Kuo-yu ayaa ka niyad-jabay natiijada
A supporter of Taiwan President Tsai Ing-wen reacts outside the campaign headquarters in Taipei on January 11, 2020

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kuwa taageersan Tsai Ing-wen, ayaa aad u farxay

Hadda waa sidee xaalka Taiwan?

Taiwan caadi ahaan hadda waa dal madax bannaan - waxay leedahay dowlad la soo doortay oo u gaar ah, dastuur iyo milatari.

Balse Shiinaha ayaa diiddan inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato dal walba oo Taiwan u aqoonsan dal madax bannaan.

Balse dhowr dal ah ayaa ku raacay Beijing, balse badankood xiriir aan caddeyn ayay la leeyihiin Taiwan oo dhanka ganacsiga ah.