Suniel Shetty oo sheegay inuu ka warqabo ninka gabadhiisa lagu xamanayo

.

Xigashada Sawirka, Suniel V Shetty/Facebook

Qoraalka sawirka, Suniel Shetty waxay Soomaalida u yaqaannaan Balwaan

Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya, Suniel Shetty, oo ay Soomaalidu u taqaanno "Balwaan", ayaa markii ugu horreysay ka hadlay fikirka uu ka qabo nin maalmahan lagu xanto gabadhiisa Athiya Shetty.

KL Rahul, oo ah ciyaaryahan dheela kubadda cricket-ka iyo Athiya Shetty ayaa mar qura hadalheynta qabsaday ka dib markii ay dib uga soo laabtay dabaaldaggii sanadka cusub ee ay ku tageen waddanka Thailand.

Hase yeeshee, Suniel Shetty ayaa hadda yareeyay holaca xanta ku saabsan xiriirka jacayl ee gabadhiisa, wuxuuna xaqiijiyay inuu ka warqabo arrintaas.

Wareysi uu jilaagan magaca weyn ku leh Hindiya siiyay warbaahinta Times Of India ayuu ku sheegay inuu aad u jecel yahay lamaaneyaasha carruurtiisa, mar walbana uu soo dhaweynayo.

Halka la sheegayay in Athiya ay la kulanto Rahul, sidoo kale Suniel wiilkiisa oo lagu magacaabo Ahan Shetty wuxuu muddo dheer xiriir la leeyahay Tania Shroff, oo ah gabar uu dhalay atoore kale oo caan ah.

"Aniga iyo xaaskeyga waan jecelnahay carruurteenna iyo carruurta kale ee ay shukaansadaanba. Runtii aad baan u jecelnahay, waxayna ila tahay inaan xitaa kasii jeclahay xirfaddeyda shaqo. In nolosha lagu faraxsanaado waa arrin muhiim ah maanta, waxayna ila tahay in arrintaas ay tahay mid si guud uga maqan bulshada. Kulligeen waannu faraxsan nahay, si farxad leh ayaana kusoo kornay", ayuu yiri.

.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times

Qoraalka sawirka, Suniel Shetty ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay carruurta shukaansata carruurtiisa

Atoorahan 58 jirka ah ayaa sheegay in hadda ay dunidu isbaddashay, loona baahan yahay in walaidiintu aysan jacaylkooda ku ekeynin carruurtooda kaliya, balse ay sidoo kale la jeclaadaan carruurta kale ee ay isjecel yihiin.

"Waan jeclahay Ahan saaxiibtiis, waxaana sidoo kale u jeclahay qofka ay la socoto Athiya. Wax dhibaato ah kuma qabo arrintaas, xaaskeyga Mana iyaduna wax dhibaato ah kuma qabto arrintaas, iyaguna way faraxsan yihiin... waan ku faraxsanahay inay carruurta kasoo jeedaan qoysas barakeysan oo aad u wanaagsan, waana isu wada qalannaa", ayuu yiri Mr Shetty.

Qoraalka Codka, Sunil Shetty (Balwaan) oo og in Soomaalida ay taageeraan

Dhawaan ayuu Rahul indhaha warbaahinta iyo dadweynaha kasbaday ka dib markii uu shaaciyay sawir ay kula jirto Athiya, kaasoo uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka.

Wuxuu sawirka kusoo qoray: "Hello, devi prasad....?" oo ah hadal laga soo qaatay filim soo baxay sanadkii 2000. Filimkaas waxaa atooreyaashii jilayay ka mid ah Suniel Shetty, Akshay Kumar, Paresh Rawal iyo Tabu.

Suniel iyo wiilkiisa Ahan ayaa sawirkaas ku qoray falcelin qosol ah. Waxaa kale oo ka hadlay Arjun Kapoor, Hardik Pandya iyo jilayaal kale.