Farxaddii uu ka helay meel uu u tagay in timaha looga jaro

Xigashada Sawirka, Rediff/celebprofile
Jilaaga rug caddaaga ah ee reer Hindiya, Rishi Kapoor, ayaa aad u farxay markii uu maqlay hees uu qaaday isagoo filin jilaya xilli uu aad u da' yaraa.
Mr Kapoor heesta 'Mai Shayar To Nahi' looga daaray meherad timajare ah oo uu y tagay in timaha looga xiiro.
Jilaagan ayaa hadda ku sugan dalka Mareykanka, halkaasoo looga daweynayo xanuunka kansarka ee uu qabo.
Nin ka mid ah shaqaalihii meheradda, oo u dhashay ruushka ayaa heesta caanka ah daaray isla markii uu aqoonsaday in qofka soo galay uu yahay Rishi Kapoor.
Rishi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal uu ku qoray: "Heestii astaanteyda ahayd ayaa laga daaray goob aan u tagay in timaha la iiga jaro. Nin Ruush ah ayaa I aqoonsaday, wuxuuna heesta kasoo saaray keydkiisa fanka. Mahadsanid Sergie."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Filin sameeyaha lagu magacaabo Rahul Dholakia ayaa arrintan kusoo xasuustay dhacdo kale oo taas la mid ah.
Rahul ayaa ku dul jawaabay muuqaalka uu Twitter-ka soo dhigay Rishi wuxuuna sheegay in sidaasoo kale ay ku dhacday mar ay la socdeen hooyadiis iyo habaryartiis, ayna ku sugnaayeen magaalada Las Vegas ee isla dalka Mareykanka.
Rishi Kapoor ayaa sidoo kale aad u farxay markii ay booqdeen jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Suniel Shetty iyo xaaskiisa.
Suniel waa atoore Hindi ah, waxayna Soomaalidu u taqaannaa Balwaan.
Sawir ay ka muuqdaan Rishi, xaaskiisa, Suniel iyo xaaskiisa Manna ayuu soo dhigay Twitter0-ka wuxuuna ku qeexay sida uu ugu farxay booqashadooda, taasoo uu uga mahad celiyay.
Ranbir Kapoor, oo ah wiilka uu dhalay Riishi, jilaa caan ahna ka ah Hindiya ayaa si joogto ah aabihiis ugu booqda isbitaalka, isagoo ay wehliyaan saaxiibadiis.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times
Mr Kapoor ayaa muddo 11 bilood ah ku sugnaan doona Mareykanka, sida uu dhawaan u sheegay warbaahinta Mumbai Mirror.
Intii lagu guda jiray sanadkan, waxaa Rishi magaalada New York ku booqday jileyaal badan oo ay ka mid yihiin: Deepika Padukone, Malaika Arora Khan, Karan Johar iyo kuwo kale.
Atoorahan sida weyn looga yaqaanno dunida ayaa dhashay bishii Sitembar ee sanadkii 1952-kii.
Rishi Kapoor waxa uu abaalmarinta Filmfare ku qaatay filimkiisii ugu horreeyay ee uu jilay isagoo weyn sanadkii 1974-kii.










