Atoore cunug yar ka badbaadiyay gaari rogmaday

Xigashada Sawirka, dannytrejo/Instagram
Jilaaga ka tirsan shirkadda filimada Hollywood-ka ee lagu magacaabo Danny Trejo ayaa lagu tilmaamay inuu yahay halyeey dhab ah oo aysan howshiisu ku ekeyn filimada oo kaliya, ka dib markii uu si geesinimo leh u badbaadiyay cunug yar oo ku xayirmay gaari rogmaday.
Trejo ayaa falkan lagu amaanay sameeyay xilli uu gaariga ku rogmaday shil ka dhacay magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka.
Atoorahan caanka ah ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay qof gaari wada oo si ula kac ah waddada u gudbay xilli uu shidnaa nalka casaanka ah, ka dibna uu ku dhacay gaari kale.
Gaariga lagu dhacay ayaa markaas gabi ahaanba rogmaday, sida uu jilaagu sheegay, waxaana gudihiisa ku jiray haweeney iyo cunug yar.
Xiddigan sameeyay filimkii la magac baxay Machete, ee soo baxay sanadkii 2010-kii, ayaa si deg deg ah ugu gurmaday goobtaas, wuxuuna si nabad ah u badbaadiyay cunugga yar, isagoo caawinaadna ka helay qof kale oo waddada ku lugeynayay.
"Iyadu waxay ka furtay suunka fadhiga, aniguna dhinaca kale ayaan kasoo bixiyay cunuga", ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, EPA
Wareysi lagala yeeshay dhacdadan, oo uu muuqaalkiisa soo dhigay bartiisa Instagram-ka, ayuu atoorahan 75 jirka ah ugu baaqay darawaliinta gaadiidka inay "taxadar sameeyaan", marka ay waddooyinka socdaan.
Wuxuu sheegay inuu markii hore isku dayay in kaligiis uu cunuga yar kasoo saaro daaqadda gaariga, balse markii ay ku adkaatay taas ay u timid haweeney jidka socotay oo magaceeda ku sheegtay Monica Jackson, taasoo caawisay.
Labadooduba waxay sheegeen in haweeneyda gaariga dhexdiisa ku jirtay, oo u muuqatay inay dhaawac ahayd, ay ugu qeylo dhaamisay inay cunuga badbaadiyaan.
"Dhaawac ayey qabtay, laakiin erayada afkeeya kasoo baxayay waxay ahaayeen oo kaliya: 'Cunuga ii badbaadiya'," waxaa sidaas tiri Ms Jackson.
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Instagram boggan
Saraakiisha ciidamada booliska ee magaalada Los Angles ayaa warbaahinta Mareykanka u xaqiijiyay in atooraha uu ku sugnaa goobta uu shilku ka dhacay.
Telefishin maxalli ah oo lagu magacaabo KABC-TV ayaa soo tabiyay inuusan jirin qof uu dhaawac halis ah kasoo gaaray shilkaas, balse saddex ruux loo qaaday isbitaalka, si adeegyo caafimaad loogu sameeyo.
Danny Trejo ayaa kasoo muuqday filimo cajiib ah oo ay sameysay shirkadda Hollywood, wuxuuna inta badan noqdaa laadar.
Filimada sida weyn loogu xasuusto waxaa ka mid ah Spy Kids iyo Machete.










