Ciidamada Britain: Dad aan isku kalsooneyn oo ciidan ahaan loo qorayo

Army recruitment posters

Xigashada Sawirka, Karmarama

Dadka ay baraha bulshada u noqotay balwadda, kuwa aan goobaha jimicsiga ka bixin si ay murqo waaweyn u yeeshaan iyo dadka kale ee aan isku kalsooneyn ayaa lagu dhiirageliyay in ay ku biiraan ciidamada dalka Britain. Xayeysiimo lagu soo jiidanayo ayaa lagu sameeyay dalkaas.

Boorarka iyo xayeysiimaha ee ololahan lagu muujiyay waxaa lagu sheegay in xubnaha ciidamada xoogga ay ku nool yihiin "kalsooni buuxda oo aan dhammaad lahayn". Arrinta middaa ka soo horjeedana ay tahay ku qanacsanaanta aragti yar iyo kalsooni gaaban oo laga helo lebiska iyo like-ta Instagram.

Dalalbkan ciidamada waxaa laga soo guuriyay cilmi baris lagu sheegay in dhallinyarada ay aaminsan yihiin in dib u celin ay kala kulmayaan kalsooni darada ay naftooda ku qabaan.

Tirada ciidamada Militariga Britain waxay hoos u dhacday sannadkii sagaalaad oo xiriir ah, ka dib qiimeyn lagu sameeyay 2018-kii.

Codsigan oo ah mid la sameeyo Bisha January ee sannad kasta waxaa lagu shaqaaleysiiyaa dhallinyaro cusub oo ciidanka ka mid noqda.

Labada sawir oo ololaha lagu soo qaatay waa dad murqo leh oo qalabka jimicsiga haysta, waxaana lagu qoray: "Kalsoonida waxay ku egtahay xagaaga ama waa mid weligeed jirta".

Farriimo kale oo lagu dhalleeceynayay kalsoonida xilliga yar ku eg ayaa sidoo kale lagu dhejiyay macaahidda, waxaan lagu buufiyay gawaarida ciidamada, dharka, waxaana la sameeyay waxyabo baraha bulshada la geliyo.

Collage of bodies

Xigashada Sawirka, Karmarama

Col Nick MacKenzie, madaxa tababarada ciidamada ee UK wuxuu sheegay in ololaha uu yahay mid lagu saleynayo guusha ay gaareen dhallinyaradii sannadkii tagay ku biirtay askarta.

Xayeysiisntaa 2019-kii waxay noqotay mid la yaab leh ka dib markii la dhiirageliyay noocyo kala duwan oo dhallinyaro ah si ay askarta uga mid noqdaan. Waxaana sidoo kale la adeegsaday farriintii dagaalkii koobaad ee dunida ee ahayd "dalkaaga wuu kuu baahan yahay".

Xilligaas, illaa 13,520 oo qof ayaa is qortay illaa bishii August, taas oo 1,593 ka yar tiradii la qoray 2018-kii ee ahayd 14,860.

Presentational grey line

Khamiistii, Colonel MacKenzie wuxuu yiri: "Waxan aad ugu faraxsanahay in dad badan ay go'aansadeen in ay sannadkan ciidamada ka mid noqdaan, taas oo ah natiijo ka dhalatay ololaha guuleystay ee aan sameynay."

Arritan waxaa lagu saleeyay baaritaan ay sameeysay hay'adda Price Trust, sannadkii 2018-kii oo boqolkiiba 54% oo ah dhallinyarada ay da'dooda u dhexeyso 16 illaa 25 sano ay aaminsan yihiin in kalsooni darada ay naftooda ku qabaan ka celineyso in ay horumar dhanka nolosha ah sameeyaan.

Cpl Katie Carter, oo ku biiray ciidamada UK markii uu 16 sano jirka ahaa wuxuu hadda dhallinyarada u sheegayaa in ay askarta ka mid noqdaan. Walbahaarkooda ugu weyn waa in meel kale loo daad gureeyo oo ay gurigooda ka tagaan.