You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Asxaabtaada ma u daran yihiin caafimaadkaaga?
Bilowga sannadka cusub, dad badan ayaa qorsheynaya inay sameeyaan isbeddel dhanka qaab nololeedkooda ah.
Dad badan ayay u fududahay inay iska dhaafaan cuntooyinka fudud ee aan caafimaadka lahayn amaba ay miisaanka dhimaan marka ay arkaan saaxiibbadood iyo qoysaskooda oo isla sidaas sameynaya.
Si kastaba, dhammaan go`aannada saameynaya nolosheenna ayaa laga yaabaa inay yihiin kuwo ay saaxiibbadeen, dadka aan isla shaqeyno amaba xubnaha qoyskeenna ee aan ku dayanno ay saameyn ku yeeshaan.
Nasiib darro, waxaan sidoo kale cajilnaa dabeecadaha aan u wanaagsaneyn caafimaadkeenna, sida in cuntada la iska badiyo.
Asxaabtaada ma awoodaan inay qof buuran kaa dhigaan?
Dadka aan qiimeyno waxaan la leennahay xiriir joogto ah.
Daraasad laga sameeyay caafimaadka wadnaha laguna baaray awoodda xiriirka bulshada, dabayaaqadii sanadihii 1940-meeyadii, ayaa lagu ogaaday inay u dhowdahay in qofku uu si xad dhaaf ah u cayilo haddii qof saaxiibkiis ah uu sidoo kale cayilo.
Waxay saameyntu sii badan tahay haddii labada qof ee saaxiibbada ah ay isku jinsi yihiin, waxaana lala xiriiriyay saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhaxaysa labada qof.
Tusaale ahaan, daraasadda Framingham ayaa lagu sheegay in miisaanka qofka uusan saameyn ku yeelan qof deriskiisa ah oo cayilan haddii uusan la lahayn xiriir dhow.
Heerka furriinka iyo maandooriyaha ayay sidoo kale is qaadsiiyaan saaxiibbada iyo xubnaha qoysaska.
Xiriirka Bulshada
Xiriirka bulshada ayaa saameyn ku yeesha hab dhaqankeenna iyo dareenkeenna.
Tusaale ahaan, dadka da`yarta ah marka ay sigaar cabaan, waxaa laga yaabaa inay carruurtana ku daydaan, iyadoo ay sidoo kale yaraato dadka iska daaya isticmaalka mukhaadaraadka.
Dhanka kale, da`yarta ay saaxiibbadood haysato xaalad nafsi ah ayaa la sheegay in iyaguna ay sidoo kale la soo deristo xaaladdaas.
Fakradda ah in saaxiibbadu ay isku daydaan waxaa lagu xaqiijiyay daraasad laga sameeyay 700,000 oo qof oo isticmaala Facebook.
Dadka tijaabada lagu saameeyay waxaa la eegay qoraallada ay soo dhigaan Facebook iyo kuwa ay saaxiibbadood soo dhigaan.
Cambaareyn loo jeediyay daraasadda ayaa lagu sheegay in markii horaba dadka aan saaxiibbada la noqoneyno ay yihiin dad aan wadaagno dabeecadda iyo xaalado isku mid ah.
Sidoo kale akhriso warbixinnadan
Sidee ayaan ku joojin karnaa?
Haddii aan cajilno dabeecadda saaxiibbadeen iyo xubnaha qoysaskeenna, sidee ayaan isaga deyn karnaa?
Dry January iyo Veganuary - oo dadka ku dhiirri geliya inay joojiyaan aalkolada amaba ay u weecdaan khudaarta cagaaran - ayaa loo soo qaadan karaa tusaale wanaagsan.
Dadaallada lagu doonayo wax ka qabashada dabeecadaha baaha ee baraha bulshada ayaa guul laga gaaray tan iyo sanadkii 2012.
Waxaa loo maleynayaa in dadaallaadas ay in ka badan hal milyan oo qof ku dhiirri gelisay inay joojiyaan dabeecaddaas.