Nin si lama filaan ah u cunay mooskii lagu iibiyay $120,000 oo dollar

Xigashada Sawirka, AFP
Moos sharooto lagula dhejiyay gidaar oo farshaxaniste uu sameeyay oo lagu iibiyay $120,000 oo dollar ayaa waxaa si lama filaan ah u cunay nin kale oo farshaxaniste ah.
Farshaxaniiste David Datuna ayaa mooskan gidaarka ka soo fujiyay islamarkana inta uu fiiqay cunay Sabtidii shalay ahayd.
"Waxaan jecelahay shaqada farshaxaniiste Maurizio Cattelan waana jeclaaday meesha lagu dhajiyay waa mid aad u macaan,waxa uu sidaasi ku soo qoray barta uu Instagram ku leeyahay.
Inkastoo shaqaalihii joogay goobtii uu mooskaasi ku dhaganaa ay ka xanaaqeen arrintan ayaa waxaa hadana markiiba la badalay mooskii mana jirin tallaabo dheeraad ah oo la qaaday.
Farshaxanka oo muran dhaliyay oo lagu magacaabo "majaajiliiste", waxaa sameeyay Maurizio Cattelan oo u dhashay Taliyaaniga kaas oo sannadkii 2017-kii sidoo kale sameeyay farshaxanka la wada jeclaaday ee loogu yeeray "Mareykan" oo ahaa fadhiga musqul dahab ah.
Balse farshaxankaas oo qiimihiisu ahaa $6 milyan oo dollar, waxaa laga xaday qasriga Blenheim ee London, xagaagii la soo dhaafay.
Illaa shan qof ayaa tan iyo markaa ka dib loo xiray arrimo la xiriira xatooyada. Abaalmarin ayaana lagu bixiyay soo celinta mashqushaas, in kastoo weli aanan la soo helin.

Xigashada Sawirka, CBSN
Emmanuel Perrotin, aasaasaha farshaxankan wuxuu warbaahinta CBS ee Mareykanka u sheegay in shaqada Maurizio aysan ku koobneyn walxo oo keli ah, balse waa sida walxahaas ay daafaha caalamka ugu kala gudbaan.
"Haddii gidaar lagu sawiro ama haddii lagu daabaco bogga hore ee wargeyska New York Times, farshaxankiisa wuxuu nagu qasbaa in aan isweydiino waxa uu yahay qiimaha aan alaabta ku bixino," ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in "sawirka uu aad uga duwan yahay mooska."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kuwa dhalleeceynaya waxay ku doodayaan in farshaxanka uu si wanaagsan u matali karo waxa artiska dunida uu noqday ee ah arrinta lagu tilmaami karo farqiga sinnaan la'aanta dhaqaale ee jirta. Sidoo kale waxaa jiro dad doortay in aysan si wayn u amaanin sida fudud ee farshaxanka uu u taagan yahay.

Xigashada Sawirka, CBSN
Ninka sameeyay sawirka wuxuu fikradda la yimid sannad ka hor. Wuxuu "ka fakarayay sameynta farshaxan loo ekeysiiyay moos," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Perrotin.
"Markasta ee uu safro, wuxuu la soo noqdaa moos wuxuuna suraal qolkiisa si uu uga helo dhiiragelin. Wuxuu sameeyay dhowr nooc: Markii hore wuxuu sameeyay mid dareere ku dhex jira, ka dibna mid naxaas ah. Ka dibna mid adag oo la rinjiyeeyay. Markii ugu dambeysayna wuxuu la yimid fikradda ah moos dhab ah."
Farshaxanistaha ma uusan siinin tilmaamo rasmi ah dadka iibsaday ee ah in uu mooska bololi doono iyo in kale. Wargeyska The Miami Herald wuxuu ku warramay in dadka leh mooska ay bedelan karaan haddii loo baahdo.
Ka hor intaanan la iibinin, Emmanuel Perrotin, wuxuu CNN u sheegay in mooska uu yahay "astaanta ganacsiga adduunka, in uu dalxiiska ku lamaanan yahay iyo in uu yahay wax madadaalo fiican ah."
Wuxuu intaa ku daray in farshaxankan uu noqday wax la socda "gaariga farxadda iyo dhalleeceynta" labaduba.















