Weerar gaadmo ah: Wiil 13 sano jir ah oo burcad ka cararayay 23km

Xigashada Sawirka, Reuters
Wiil 13 sano jir ah oo ka badbaaday weerar gaadmo ah oo kolonyo uu la socday ay ku qaadeen burcadda daroogada Mexico, wuxuu qariyay lix carruur oo la dhalatay oo uu dhexgeliyay duurka, ka dibna wuxuu cararayay 13km si uu gurmad u soo helo, sida ay qoyskiisa sheegayaan.
Siddeed carruur ah ayaa weerarka ka badbaaday kaas oo ka dhacay Waqooyiga Mexico. Waxaana lagu dilay seddax dumar iyo lix carruur ah.
Shan ka mid ah carruurtaas waxaa ku dhacday xabad, sida warbaahinta Mareykanka ay ku warrameyso.
Dadka la weeraray, oo u dhashay Mareyknka, waxay ka tirsan yihiin qoyska LeBaron, kuwaas oo xiriir la leh beesha Mormon oo tobannaan sano ka hor ka guurtay Mexico.
Wasiirka Amniga ee Mexico wuxuu sheegay in weerarka uu noqon karo mid lagu qalday dadkaas oo ay suuragal tahay in burcadda ay aqoonsigooda garan waayeen.
Si kastaba, qoyska waxay sheegayaan in beeshooda lagu garanayo in si cad oo aan cabsi lahayn ay uga hadlaan qalalaasaha burcadda daroogada, in horey loogu hanjabay.
Gobolka Sonora ee Waqooyiga Mexico waxaa ku dagaallama laba burcad oo iska soo horjeedda oo kala ah La Línea, taas oo xiriir la leh burcadda wayn ee Juárez, iyo "Los Chapos", oo qeyb ka ah kooxda Sinaloa.
Sidey carruurta ku baxsadeen?
Koox ka koobnayd seddax hooyo iyo 14 kooda carruur, waxay raaceen seddax gaari oo ka baxay deegaanka Bavispe ee gobolka Sonora, Isniintii. Waxay ku sii jeedeen gobolka kale ee deriska la ah ee Chihuahua.

Xigashada Sawirka, Reuters/handout
Dumarkan waxay isu raaceen sababo "amni la xiriira, wayna is weheshanayeen", sida qaraabada ay CNN u sheegeen.
Waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday koox hubeysan oo ku sugan Bavispe. Ka dib markii Hooyadiisa iyo laba wiil oo la dhalatay ay si xun u dhaawacmeen, Devin Langford, oo 13 sano jir ah, wuxuu keynta ku dhex qariyay lix carruur ah oo kale oo la dhalatay, wuxuuna ku dul daboolay caleenta geedaha.
Ka dib wuxuu lix saacadood u lugeynayay tuulada saldhigga u ah beesha ee La Mora, mid ka mid ah qaraabadiisa, kendra Lee Miller ayaa faceboo sidaa ku qoray.

Xigashada Sawirka, CBS news
Mid ka mid ah gabdhaha la dhashay Devin oo sagaal sano jir ah ayaa afar saacadood ku dhex lugeyneysay howdka iyadoo raadineysay walaalkeed oo soo noqon waayay. Mar dambe ayaana la soo badbaadiyay.
Gabadh toddobo bilood jirtay ayaa iyana ka badbaaday meesha ka dib markii hooyadeed ay dhuka hoose ee gaariga ku qarisay. Hooyada, Christina Langford Johnson ayaa gaariga ka degtay iyadoo gacmaha taageysa oo dalbaneysa in aanan la dilin, balse way toogteen, sida qof goobjooge aha uu sheegay.

Xigashada Sawirka, EPA
Ka dib markii Devin uu gaaray deegaanka La Mora, bulshada way is hubeysay waxayna doonayeen in weerar ay qaadaan, balse ma aysan sameyn sidaa maadaama rasaas ay ka dheceysay gudaha kenyta oo dhan muddo saacado ah. Ka dib waxay go'aansadeen in ay sugaan ciidamo gurmad ah "si aan looga awood badin," ayey tiri Ms Miller.
Mar dambe ayey gabadha yar oo lagu magacaabay Faith laga helay gaariga hoostiisa, 11 saacadood ka dib weerarka.
Dhammaan kuwa badbaaday oo u dhashay Mareykanka waxaa lagu qaaday diyaarad geysay Phoenix. Carruurta dhaawaca ah waxaa ka mid ah gabadh afar sano jir ah oo dhabarka laga toogtay iyo canug kale oo sagaal bilood jir ah oo shafka xabad looga dhuftay.













