Daawo: Duqa magaalo ku taalla Mexico oo inta gaari lagu daba xiray waddooyiinka lagu jiiday

Muuqaal ay duubeen kamarooyiinka qarsoon

Xigashada Sawirka, Twitter/@tinta_fresca

Qoraalka sawirka, Muuqaal ay duubeen kamarooyiinka qarsoon

11 qof ayaa la xiray koonfurta dalka Mexico ka dib markii dad degganaa tuulo ay xafiiskiisa ugu dhaceen duqii magaalada islamarkana inta ay xafiiska ka soo saareen ay ku daba xireen gaari waddooyiinkana ku jiideen.

Booliiska ayaa markiiba ka soo gaaray Jorge Luis Escandón Hernández, oo la sheegay in dhacdadaasi ay dhaawacyo yar ka so gaareen.

Waa weerarkii labaad oo ay qaadaan dad beeraley ah oo dalbanaya in uu fuliyo ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha taasi oo ahayd in waddooyiinka uu dayactiri doono.

Booliis dheeraad ah ayaa loo daadgureeyay tuuladaasi oo ku taalla gobolka Chiapas.

Siyaasiyiinta iyo maayarada dalka Mexico ayaa waxaa horey u bartilmaameedsan jiray burcadda daroogada ka ganacsata marka ay diidaan in ay kala shaqeeyaan arrimahooda,balse waa mid ku cusub in siyaasiyiin loo weeraro fulinta ballanqaadyadii ay sameeyeen.

Muuqaal ay duubeen dadkii marayay waddada ayaa muujinaya koox rag ah oo ka soo saaraya xafiiskiisa islamarkana ku qasbaya in gaariga lagu daba xiro.

Waa muuqaalo laga duubay dhacdada duqa magaalada ee lagu daba xiray gaari islamarkana waddooyiinka lagu jiiday.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2