You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
$20,000 oo hormaris ah: Maxay qaali u tahay in guri laga kireysto Nigeria?
Helitaanka guri fiican oo rakhiis ah, waa dhibaato guud oo haysata dhalinyaro badan oo Nigeria u dhashay oo ku nool meelo kala duwan oo dalkaas ah.
Balse magaalada ganacsigeedu uu korayo ee Lagos, aad ayay u dhib badan tahay in laga helo guri iyadoo milkiilayaasha guryaha ay dalbanayaan in kirada aad sannad sii hormariso.
Labo qol oo aad dabaq ka kireysato, oo koronto leh, una dhow halka ugu badan ee ay ganacsiyada magaalada ku yaallaan ee Victoria Island, waxaa lagu weydiinayaa inta u dhaxaysa $11,000 (£8,600) ilaa $22,000 iyo wixii ka badan.
Guud ahaan, guryaha isugu ay degaan dadka dabaqadda dhexe iyo kuwa sare wuxuu qiimaha lagu kreysto uu u dhaxeeyaa $5,000 ilaa $40,000 sannadkii.
Qiimahaas waa mid ay dad yar oo keliya awoodi karaan.
Mid ka mid ah sababaha ay qaali u tahay kirada guryaha ayaa ah in qiimaha dhulka iyo dhismahaba ay qaali ka yihiin Lagos.
Sidoo kale, waxaa gabaabsi ah guryaha yaryar ee dadka danyarta ah ay doorbidaan in ay degaan.
Hab cusub oo guryaha loo kireeyo
Hannaanka kirada la hormarsado ayaa ku habboon milkiilayaasha guryaha, balse qaar ka mid ah dadka kireysta guryaha ayaa si kala duwan u maareeya arrintaas.
Bankole Oluwafemi, oo ah ganacsade da'yar ah, ayay u suurto gashay inuu helo guri ku yaalla Lekki - oo ah xaafad fiican. Waxaa guriga la deggan dad kale oo uu ka kireeyay.
Dadka qaar ayaa lacagta soo deensada, ama ka soo qaata waalidkood, qaarkoodna inta ay qaraabadooda la deggan yihiin ayay lacagta meel dhigtaan, halka shirkadaha qaarna ay lacago deymiyaan shaqaalahooda.
Balse Mr Oluwafemi ayaa gurigaasi helay isagoo adeegsanaya barta guryaha laga kireysto ee Fibre.
Bartan online-ka ah ayaa u suurtogelineysa dadka isticmaala inay guryaha ku kireystaan si fudud.
Kireystayaasha ayaa la siiyaa inay kala doortaan inay si bille ah u bixiyaan kirada amaba inay saddexdii bilood mar bixiyaan, taasoo laga yaabo in wax aan caadi ahayn ay ka tahay qeybo badan oo dunida ka tirsan, balse Nigeria caadi ayay ka tahay.
Kaddib markii ay Mr Oluwafemi dhammeeyay waxbarashada jaamacadda heerka koowaad, wuxuu u wareegay Lagos sannadkii 2011, laakiin wuu awoodi waayay inuu bixiyo kirada labo sano oo hormaris ah, taasoo xilligaas loo oggolaa milkiilayaasha guryaha inay dalbadaan.
Markii uu waayay guri ku habboon in la dego, wuxuu seexan jiray dhulka qol uu la wadaagi jiray 10 qof oo kale.
Muddo ka dib markii uu ka mid noqday milkiilayaasha shirkad tiknolojiyadda ka shaqeysa, wuxuu go`aansaday inuu xafiiskiisa seexdo si uu uga baxsado bixinta kirada guri iyo lacaga dheeraadka ah ee laga rabo.
'Waxba dheel dheel kuma qaadanno'
"Inaad ku noolaato Lagos keliya kaama rabto inaad noqoto kireyste, balse siyaabo kala duwan marka loo eego, waxaad isku tahay dowladda hoose," ayuu yiri Mr Oluwafemi, isagoo qoslaya.
Wuxuu uga jeeday in marka laga reebo qiimaha kirada, kireystayaal badan waxaa laga doonayaa inay bixiyaan lacagta biyaha iyo korontada, taasoo dhib ah lacag badanna ay ku baxdo, sababtuna waxay tahay shidaalka ay u baahan yihiin matoorrada.
"Fibre inkastoo ay kuu suurtogelineyso in aad lacagta bil ahaan u bixiso, haddana guryahaas tayo fiican malaha.
"Dadka ku nool qeybaha kale ee dunida way iska fududeystaan waxayabahan, balse waxaan ku nool nahay Nigeria."
Inkastoo dowladda Nigeria ay soo saartay sharci, sannadkii 2011, kaa soo xaddidaya xaqa ay milkiilayaasha guryaha u leeyihiin inay dalbadaan wax ka badan kirada sannad hormaris ah, balse hirgelintiisa ayaa dhib noqotay.
Sida uu qabo khabiir dhanka guryaha ah, Dolapo Olumidire, Lagos waa suuqa milkiilayaasha guryaha.
"Waxay awood u leeyihiin inay kireystayaasha ku qasbaan waxa ay doonayaan," ayuu yiri.
"Waxay dhihi karaan: 'Tani waa sidaan rabo. Haddii aadan jecleyn meel kale aad."
Liis dheer oo sugitaan ah
Demi Ademuson iyo Obinna Okwodu ayaa saddex sano kahor aasaasay Fibre waxayna iskaashi la yeesheen milkiilayaasha guryaha si dadka ay u helaan guryo wanaagsan oo qiimahoodu jaban yahay.
Shirkaddan oo ujeeddadeeda ugu weyn ay tahay inay dadku helaan guryo ay awoodaan, ayaa haddana la kulanta caqabado.
Iyadoo ilaa 200 oo qof ay bartaasi guryaha ku kireystaan, 5,000 oo kalena ay liiska sugitaanka ku jiraan, Fibre ayaa daboosha baahi yar, balse waa hab bilow ah oo hore loogu socon karo.
Milkiilayaasha guryaha ayaa jecel lacag badan
Si kastaba, milkiilayaal badan ayaan dooneyn inay lacagaha bil ahaan u qaataaan.
Deborah Nicol-Omeruah, oo guryo ku leh Lagos, ayaa ka warheysa sida bixinta kirada billaha ah ay u fiican tahay milkiilayaasha, balse waxay doorbideysaa hannaanka haatan jira.
"Lacagta badan waxay kuu suurtogelineysaa in aad bixinta waxyaabaha waaweyn u adeegsato. Tusaale ahaan, haddii lagaa doonayo bixinta lacagta iskuulka amaba aad fasax aadeyso lacagtaas ayaad ku bixineysaa."
Tan ugu muhiimsan, Ms Nicol-Omeruah ayaa qabta, in kireystayaasha ay bixiyaan lacagta 12 bilood oo hormariska ay ay faa`iido u tahay milkiilayaasha.
"Marka uu qofku bil walba bixinayo, waxaa laga yaabaa in aad mar walba ku daba joogto bixinta lacagta.
"Hannaanka hadda jira, keliya sannadkii mar baad ka daba ordeysaa kireystaha inuu lacagta bixiyo."
Waaxda guryeynta malaha cid ay maamusho, sida uu qabo Mr Olumidire, oo ogaaday in keliya milkiilayaal yar ay doonayaan inay guryahooda ku maalgeliyaan lacagta loo baahan yahay in lagu dhiso guryo tayo leh.
Wuxuu xusay in tani ay abuureyso farqi u dhaxeeya danaha ddka guryha kireysta iyo waxa suuqa yaalla.