Nigeria: Maxaysan u gaari karin hiigsigeeda canshuuraha?

    • Author, Reality Check team
    • Role, BBC News

Nigeria ayaa laga yaabaa inay wajahdo xasarad dhaqaale haddii aysan wax ka beddelin qaabka ay u uruuriso canshuurta, sida ay sheegeyso digniin loo soo jeediyay.

Canshuur badan ayay dowladdu ururisaa laakiin dakhliga dowladda ayaa ugu yaraan 45% hoos u dhacay sanadkii 2015.

Iyadoo ay taasi jirto, xafiiska madxaweynaha Nigeria ayaa ammaanay shaqada waaxda canshuuraha dalkaas ee FIRS, iyo sida ay u kordhiyeen tirada canshuur-bixiyeyaasha tan iyo sanadkii 2015.

Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa su`aal iska weydiiyay haddii ay taasi sax tahay, sababta uusan u kordhin dakhliga dowladda, isla markaana aysan horumar u sameyn iskuullada, waddooyinka iyo adeegyada caafimaadka?

In la helo dad badan oo canshuur bixiya

Sanadkii 2018, 19 milyan oo reer Nigeria ah ayaa sanaadiiq ay dowladdu leedahay ku bixiyay lacagta.

Warbixin uu sanadkaas soo saaray Baanka Adduunka ayaa lagu sheegay in dadka ay gaarayaan 65 milyan - sidaas darteed xitaa haddii ay kordheen tirada dadka canshuurta bixiya sanadahan dambe, taasi weli ay 30% ka yar tahay bixinta canshuurta.

Dowladda ayaa daba dhigatay shakhsiyaad ay rumeysan tahay inay tahay inay bixiyaan canshuurta balse aysan bixineynin.

Labo sano kahor, dowladda ayaa 12-bilood siisay dadka inay ku caddeeyaan hantidooda ayna ku bixiyaan canshuurta, si ay uga badbaadaan ciqaab.

Warbixinta Baanka Adduunka ee sanadkii hore ayaa lagu sheegay inay taasi sababtay keliya 8% in guul laga gaaro hiigsiga tirada dadka bixiya canshuuraha canshuuraha.

Si kastaba, dad badan oo dalkaasi u dhashay ayaa ka cago jiidaya inay bixiyaan inay canshuurta bixiyaan iyagoo ka walaacsan in lacagtaasi la leexsado intii lagu qarash gareyn lahaa caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay

Arrinta ugu weyn ee ay dowladda wajahayso ayaa ah qiimaha shidaalka oo hoos u dhacay iyo hoos u dhaca dhaqaale ee ay Nigeria wajahday sanadkii 2016.

Celcelis ahaan qiimaha shidaalka ceyriinka ah ayaa hoos uga dhacay qiyaastii $113 barmiilkii sanadkii 2012 isagoo gaaray $54 sanadkii 2017.

Nigeria waa dalka ugu shidaal soo saarka badan Africa, intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2014, waaxda shidaalka ayaa soo xareysay 57% dakhliga dowladda. Tan ayaa hoos u dhacday 41% intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2018.

Nigeria ayaa sidoo kale sheegtay inay xoojineyso tallaabooyinka lagu uruurinayo canshuuraha, sida lacagaha lagala baxo online-ka. Waxay sheegtay in bankiyada ay ku amri doonto inay canshuur 5% ku soo rogaan lacagaha online-ka lagala baxo, kuwa gudaha iyo dibaddaba, laga bilaabo January 2020.