Daraasad: Geed mariid laga sameeyo oo la ogaaday inuu cayilka yareeyo

Gnidia glauca

Xigashada Sawirka, Getty Images

Koox baarayaal ah oo hogaaminayay Wycliffe Makori Arika oo bare ka ah jaamacadda Kenyatta University ayaa ogaaday in qolofta geedka loo yaqaan Gnidia glauca oo ay ugaarsatada u isticmaali jireen mariidka iney falaarta mariyaan loo isticmaali karo dhimista culeyka qofka iyo daweynta dhibaatooyinka la xiriira cayilka sida xusuus la'aanta waxbarashada.

Cilmi baaristaan la dabaacay bishii hore ayaa lagu ogaaday in caleemaha geedka Gnidia glauca oo sidoo kale waagii hore loo isticmaali jiray daweynta calool fadhiga ayaa lagu daweyn karaa xusuusta lunta iyo yareynta cayilka. Waxayna caleemaha geedkan ay ka saameyn badan yihiin dawooyinka caadiga ah ee loo isticmaalo dhimista cayilka.

Cilmi barista oo 3-dii Sabteembar lagu daabacay joornaalka Neural Plasticity ayaa sheegeysa in dadka aadka u cayilan gaar ahaan caruurta ay ku dhici karto xusuus la'aan iyo awoodda waxbarashadooda oo hoos u dhacdo.

Qabaa'ilada qaar ee dega Kenya ayaa waxay geedkan sidoo kale u isticmaali jireen daweynta dhabar xanuunka, boogaha, gubniinka iyo qaniinyada maska.

Kooxdan ayaa daraasadda ku tijaabisay 30 jiir, 15 ka mid ah ayaa waxaa Lix toddobaad la siinayay cunooyinka ay dufanta ku badan tahay ee lagu cayilo, halka 15-ka kalana la siinayay cunnooyinka caadiga ah ee jiirka la siiyo.

Lix toddobaad kadib qaybtii la siiyay cunnooyinka lagu cayilo ayaa lagu tijaabiyay caleenta geedka Gnidia glauca halka qaybta kalana la siiyay daawo lagu magacaabo orlistat oo loogu talagalay in lagu yareeyo cayilka saa'iidka ah.

Natiijada ayaa muujisay in 15-kii jiir ee cayilnaa ee la siiyay caleenta geedka Gnidia glauca uu cayilka aad uga yaaraaday marka loo bar-bardhigo qaarkii kale ee la siiyay dawada orlistat.

Waxaana cilmi baarista lagu soo gabagabeeyay in awoodda geedka Gnidia glauca uu yareeyo cayilka.

Gnidia glauca

Xigashada Sawirka, Getty Images