Hadalkan uu Trump ka sheegay Shiinaha ma dhab baa?

"Shiinaha waxaa shaqa la'aan noqday seddax milyan oo qof, wayna ka sii badan doontaa," ayuu yiri Trump.
Qoraalka sawirka, "Shiinaha waxaa shaqa la'aan noqday seddax milyan oo qof, wayna ka sii badan doontaa," ayuu yiri Trump.

Sheegashada: Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in seddax milyan oo qof oo Shiinaha u dhashay ay shaqo la'aan noqdeen, taas oo ah natiijada dagaalka ganacsiga ee kala dhexeeya Mareykanka.

Go'aanka: Iyadoo qiyaasta shaqo la'aanta Shiinaha ay aad u kala duwan tahay, haddana aalaaba ma taageerayaan sheegashooyiinka Trump. Markii la weydiiyay Aqalka Cad, waxay ina tuseen tiro intaa ka yar.

Presentational grey line

Sannadkii la soo dhaafay, Mareykanka iyo Shiinaha waxay is dhaafsadeen canshuur dheeraad ah oo ay saareen alaabta ay isu dhoofiyaan.

Donald Trump wuxuu maamulka Beijing ku eedeeyay ficillo ganacsi oo aan cadaalad ahayn, iyo xatooyada qalab casri ah.

"Shiinaha waxaa gaaray dhaawac culus dhowrkii bilood ee la soo dhaafay," ayuu ka yiri shirkii G7.

"Waxaa shaqa la'aan noqotay seddax milyan, si degdeg ah ayayna u sii kordheysaa tiradaas seddaxda milyan ah."

Ma ahan markii ugu horeysay ee Trump uu buunbuuniyo dhibaatada ka dhalatay dagaalka ganacsiga ee Shiinaha uu kula jiro. "Muddo yar ayey ku lumiyeen 2.5 milyan oo shaqo," ayuu yiri isbuucii la soo dhaafay.

Chinese car manufacturers

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marka hore aan eegno halka uu Trump ka helay tiradaas uu shaaciyay.

Xafiiska warbaahinta u qaabilsan Aqalka Cad wuxuu su'aaleheena uga jawaabay Lifaaqan oo ah Warbixin bishii July lagu daabacay Wargeyska South China Morning , oo ah wargeys ka soo baxa Hong Kong.

Warbixinta waxaa laga soo xigtay qoraal ka yimid Bangi ka shaqeeya maalgashiga Shiinaha oo lagu magacaabo CICC, kaas oo ku saabsan shaqada luntay ee la xiriirta dagaalka ganacsiga ee qeybta wax soo saarka warshadaha, wuxuuna ku qiyaasay 1.9 milyan, im la lumiyay muddadii u dhexeysay July 2018 illaa May 2019.

Markii su'aalaha la sii weydiiyay afhayeenka Trump wuxuu sheegay in xogta CICC aan la cusbooneysiin wixii ka dambeeyay bishii May, markaas oo canshuur kale oo aad u badan la saaray alaabta ganacsiga ee Shiinaha uu geeyo Mareykanka.

Sikastaba, sharaxaad kama aysan bixin halka uu madaxweynaha ka helay tirada seddaxda milyan ah - amaba midda 2.5 milyanka ah ee horraantii isbuucan uu sheegay.

BBC waxay sidoo kale la xiriirtay waaxda dhaqaalaha Mareykanka, balse weli kama aysan jawaabin su'aalaha.

Maxaan ka ognahay shaqo la'aanta Shiinaha?

Ma jirto xog rasmi ah oo Shiinaha ku saabsan, gaar ahaan shaqooyiinka la lumiyay ee ka dhashay dagaalka ganacsiga, balse kormeerada dhaqaalaha ee ay sameeyeen laba bangi oo Shiinaha ku yaalla waxay soo jeedinayaan in qiyaastii 1.2 illaa 1.9 milyan oo qof in ay shaqo la'aan noqdeen taas oo ka dhalatay saameynta dagaalka ganacsiga ee ku wajahan warshadaha.

Iyadoo canshuurta la saaray wax soo saarka Shiinaha uu saameyn yeeshay, haddana waxaa jiro sababo kale oo keenay shaqa la'aanta.

"Waa macquul in la xisaabo shaqa la'aanta, balse dhibka wuxuu yahay - maxaa sabab u ah?", ayey tiri Mary Lovely oo ka tirsan machadka dhaqaalaha caalamiga ah ee Peterson, kaas oo fadhigiisu yahay Mareykanka.

"Aad ayey u adagtahay in la ogaado waxa sababay iyo saameynta," ayey hadalka ku dartay.

Shaqo la'aanta qeybta warshadaha waxay ahayd mid muddo soo jirtay iyadoo Shiinaha uu u wareegay dhaqaale ku saleysan adeegyo kale oo shaqa abuur looga sameeyay dhanka maaliyadda iyo teknolojiyadda. Taasna waxay soo billaabatay dagaalka ganacsiga ka hor.

Haddaba, shaqo la'aanta dhanka warshadaha waa in la barbardhigo faa'iidada qeybaha kale ee dhaqaalaha.

Sidoo kale qeybta wax soo saarka warshadaha waxaa cadaadis ku hayay dalalka deriska la ah oo shaqaale raqiis ah haysta.

Dowladda Shiinaha waxay sidoo kale sare u qaaday xoojinta shaqa abuurka deegaannada miyiga ah.

"Adeegyada deegaannada yaryar waxaa ka buuxa shaqooyiin badan oo wax soo saar ah. Sidoo kale waxaa jiro kalaguur dib u noqosho ah oo gobolka Xeebta laga imaanayo, ayna dadka u noqonayaan meelihii asalka ay u deganaayeen sida Anhui, Sichuan iyo Henan, halkaas oo warshadaha yaryar ay aad u kobcayaan," sida uu sheegay Dan Wang, oo falanqeeya dhaqaalaha Shiinaha.

China lithium battery factory worker

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tirada dadka shaqeeya ee Shiinaha waxay 2018-kii ahayd 788 milyan oo qof, sida uu baahiyay Bangiga Adduunka.

Haddaba, in ay shaqa la'aan noqdaan laba milyan oo qof sannadkii tagay, waxay u dhigantaa boqolkiiba 0.25%.

Sida laga soo xigtay tirada rasmiga ah ee dowladda, guud ahaan shaqa la'aanta Shiinaha ee 2018 waxay ahayd boqolkiiba 3.8%, waa tii ugu hooseysay tan iyo sannadkii 2002-dii.

Laakiin hadalka madaxweyne Trump wuxuu ku soo aadayaa xilli hoggaanka xisbiga Shuuciga ee Shiinaha maamula uu si dhow ula socdo suuqa shaqa abuurka - waa meel muhiim u ah wax qabadka xisbiga.

Bishii July, guddiga go'aanka ugu sareeya ee dalka sameeyo, Politburo, waxay laga soo xigtay in ay diyaariyeen hannaan shaqa abuurka ka dhigaya muhiimadda ugu sareysa.

Presentational grey line