Labo nin oo lagu qabtay 5 kun oo diin badeed ah

.

Xigashada Sawirka, EPA

Saraakiisha dowladda Malaysia ayaa qabtay wax ka badan 5 kun oo noolaha badda ku jira ee diin badeedka, kuwaas oo ah dhal.

Labo nin oo hindi ayaa ayaa loo xirey arrinkan kadib markii noolayaashan laga heley shixnad xamuul ah oo ay garoonka ka dhoofinayeen.

Waxa la sheegay in diin badeedkan la qabtay uu qiimo ahaan ku fadhiyo wadar lacageed oo dhan $12,700 doolar.

Malaysia ayaa xarun lasii marsiiyo u ah xayawaanka sida sharci darada loo ugaadhsado, waxaana la geeyaa xayawaankaas meelo ka mid ah qaaradda Aasiya.

Haddii dambiga lagu helo nimanka la xiray, waxa ay wajihi karaan 5 sanno oo xarig ah.