Musiibo kalliftay in xayawaan uu gaadiid ka dhigto xayawaan kale!

Xigashada Sawirka, Andrew Mock
10 xayawaan oo Rah ah ayaa muuqaal laga soo duubay iyagoo dusha ka saaran, gaadiid ahaanna u isticmaalaya Mas weyn.
Dadka qaar ayaa arrintan ku tilmaamay xayawaan loo adeegsanayo sida gawaarida Taxi-ga ee loo yaqaanno Uber.
Paul Mock, oo ka soo jeeda galbeedka Australia ayaa soo duubay muuqaalka mucjisadaha ah, ka dib markii ay aagaas ku dhufatay duufaan ay sababeen roobab ma hiigaan ah, habeenimadii ay Aaxada sii baxeysay.
Xayawaannada ayaa ka cararayay daadad xooggan oo ka soo fatahay tog.
Mock oo isaga qudhiisa xaaladdaas ku sugnaa ayaa arkay noocan gaadiidka la yaabka leh ee ay xayawaanada Raha ah isticmaalayeen.
Mr Mock ayaa sawirro iyo muuqaal uu ka sameeyay dhacdadan u diray walaalkiis Andrew, kaasoo soo dhigay baraha xiriirka bulshada.
Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu Mr Mock sharraxaad ka bixiyay sida uu ku arkay arrintaas cajiibka ah.
"Bannaanka ayaan aaday, haraduna waxay ahayd mid ay biyo buux dhaafiyeen", ayuu yiri. Wuxuu arkay in Rah fara badan ay ka buuxeen Harada hareeraheeda, iyagoo halis ugu jiray iney biyaha qaadaan.
"Kumannaan Rah ah ayaa isku dayayay iney helaan meel ay aadaan, ka dibna waxaan arkay iyagoo dusha ka saaran Mas ku noolaan jiray deegaankeenna".
Maskaas oo dhirirkiisu uu gaarayo 3.5 mitir ayaa si joogto ah ugu noolaa xaafadda uu dagan yahay Mr Mock.
"Monty waa mas aan aad u garaneyno, wuxuu joogaa agagaarka barkadda dabaasha ee ku taalla xaafaddeenna gadaasheeda, mar walbana wuxuu ka nixiyaa xaaskeyga, marka ay dharka soo dhaqeyso".
Arrinta kale ee aadka loola fajacay ayaa ah in maska uu u muuqday in uusan dooneyn inuu cuno rakaabkiisa.
Sida caadiga ahna masaska noocaan ah ayaa mararka qaar ugaarsada Raha, si ay u cunaan.
Hase ahaatee, waxaa kale oo jirta in Raha ay ku jirto sun aad halis u ah oo khatar galisa nolosha Masaska aadka u waaweyn iyo Yaxaasyada, marka ay Rah liqaan.











