'Waalidiintayda waxa ay doonayeen in aan guursado balse waxyaaba kale ayaa iga dhex-guuxayay'

Puja Seth

Weli waxaa dalka Hindiya ku yar dumarka miyuusigga garaaca. Puja Seth,waxa ay ka mid tahay dumarka fara ku tirsika ah ee miyuusigga garaaca ee ku dhaqan magaalada Bangalore.

Waxa aan jeclahay in aan arko dadka oo ku raaxeysanaya miyuusigayga. Aniga waxay ila tahay arrintan qeyb ka mid ah xorriyadda- waxa ayna ii ogolaanaysaa in dunida aan u soo bandhigo qofka aan ahay," ayay tiri Ms Seth oo 31 sano jir ah.

Waxa ay bilowday in ay miyuusigga garaacdo sannadkii 14-kii kaasi oo loogu magac daray "pub capital"

Puja Seth

"Markii aan bilaabay in aan ka cayaaro goobaha habeenki lagu caweeyo, waxa aan la kulmay dumar badan oo miyuusigga garaaca, kuwaasi oo Bangalore booqasho ku yimid."

Puja Seth

Balse masaafadii ay usoo gashay in ay noqoto qof miyuusigga garaaca ma ahayn mid sahlan. Waxa ay ku dhalatay tuulo ku taallo bariga dalka Hindiya iyadoo ay dhaleen waalidiin dhaqankooda ku adag, ayaa Ms Seth waxay mar waliba jeclayd in shaqaeeyso.

"Waalidiintayda waxa ay mar waliba doonayeen in aan guursado oo aan marwo noqdo balse aniga marnaba ma rabin in aan sidaasi sameeyo oo aan qoys yagleelo."

Puja

Markii ay dhameeysatay waxbarashadeedii dugsiga sare, waxa ay go'aan ku gaaratay in ay "riyadeeda ka dhabeeyso".

"Qowmiyadda aan ka soo jeedo, dumarka looma ogola in ay shaqeeyaan-intooda badanna si iskood ah uma baxaan ilaa laga guursado. marka sidaa darteed waan ogaa in aan bixi doono."

Puja Seth oo nadiifinaysa gurigeeda

Hamigeedii ahaa in ay shaqaysato ayaa ka soo riday Bangalore oo ahayd halkii ay ka biloowday shaqadeedii ugu horreysay. Waana markii ugu horreysay ay ka qeyb gasho goob ay xafladi ka dhacayso.

"Wixii igu horreyay ee aan la dhaco waxaa uu ahaa qofkii miyuusigga garaacayay, waana xusuustaa aad ayaan ula tacajabay," ayay tiri.

Markaas ka dib ayay ogaatay waxa ay doonaysay.

Puja Seth

"Waxa aan magaalada ka sameystay saaxibo garaaca miuusigga, kuwaasi oo i baray wax yaabaha aasaasiga u ah barashada miyuusigga. inta kalana waxaan ka baratay aaladda YouTube-ka".

Inkastoo aan la dhacay garaaca miyuusigga hadana waxa uu leeyahay khatartiisa: "Dadku waxa ay marwalba yirahdaan xirfaddaan looguma tala gelin haweenka."

Puja Seth

"Goobaha habeenki lagu caweeyo waxaa jira dad sarqaansan oo isku dayaya in ay dhankayga soo aadaan oo ku damcaya, inkastoo intooda badan ay i weydistaan telefoon nambarkayga."