Britain oo loogu baaqay in ay wareejiso jasiiradda Chagos

Xigashada Sawirka, Science Photo Library
Dowladda Britain ayaa diiday qaraar ay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ay ansixiyeen taasi oo looga dalbanayay in jasiiradda Chagos ay ku wareejiso dalka Mauritius.
Qaraarkan ayaa waxa si aqlabiyad ah u ansixiyay in ka badan 100 dal oo taageeray.
116 dal ayaa taageeray oo u codeeyay qaraarkan waxaana diiday 6 dal oo ay Britain ka mid tahay.
Britain ayaa markii horaba sii ogayd in lagaga guulaysano codeynta qaraarkan Qaramada Midoobey .
Marka Mareykanka laga reebo waxaa Britain taageeray 4 dal oo kali ah taasi oo lagu tilmaamay waji gabax.
Waxa ay kala yihiin dalalka UK taageeray mareykanka, Hungary, Israel, Australia iyo Maldives .
56 dal oo ay ka mid yihiin Fransiiska iyo Jarmalka ayaa ka aamusay codeynta.
Danjiraha dowladda Britain u fadhida Qaramada Midoobey Dame Karen Pierce, oo khudbad jeedisay ka dib codeynta lagaga guulaystay ayaa waxay sheegtay in jasiiradda ay ku wareejinayso Mauritius oo kali ah marka laga maarmo saldhig militari oo wayn oo ay ku leedahay jasiiradaasi.
Waxa ay sheegtay in dalalka badan e ka aamusay qaraarka iyo kuwa goobta ka maqnaa ay tahay mid tusaale bixinaysa.
Dowladda Mauritius ayaa dhankeeda sheegtay in lagu qasbay in jasiiradan ay bixiso sanaddii 1965 taasi oo ay ku badalatay madaxbanaanideeda.
Go'aanka Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya bilooyiin uun ka dib markii maxkamada Qaramada Midoobey ay ku boorisay UK in ay ka baxaan jasiirada"sida ugu dhaqsiyaha badan uguna suurgalsan ".










